Author Topic: Maxaad Ka Taqaanaa Geedka Bunka Ama Kafeega (Coffee)?.  (Read 15552 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline CilmiSabca

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 344
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Kas & Kamma' Kibir Looma Kaco.
Maxaad Ka Taqaanaa Geedka Bunka Ama Kafeega (Coffee)?.
« on: January 17, 2012, 04:13:18 AM »
Bunka ama kafeega (Coffee) waa cabitaan laga sameeyo midho la dubey oo loo yaqaano midho kafee ama bun Soomaaliduna ay u taqaano Qaxwe, midhahaan waa midho guduudan oo dhexda iniin yar ku leh oo ka baxa geedaha coffee-ga, geedahaan oo ka baxa ilaa 70 dal, waxaana taariikhdu xustaa in markii ugu horeysay lagu beeray Laatiin Ameerica, Koonfur Bari Asia & Africa. Coffee-ga cagaaran ee aan la dubin waa dallaga badeeco ahaan ugu ganacsiga badan dunida. Coffee-ga waxa uu leeyahay saameyn dhinaca firfircoonida & dareenka ah oo uu ku sameeyo Bini Aadamka markii ay isticmaalaan, taas oo ay keento maado kiimikeed ee kafeega ku jirta.
Coffee-ga waa cabitaanka saddexaad ee ugu caansan Adduunka marka laga reebo Biyaha & Shaaha.
Coffee-gu wuxuu kaalin muuqata ku leeyahay hawlaha bulshooyin badan. Kafeega ugu qabatinka badan waxaa la heley gobolka Waqooyi bari ee dalka Itoopia (Ethiopia), waxana markii ugu horeysay si weyn loogu beeray dalalka Carabta, waxaana sida la aaminsan yahay lagu arkay badhtamihii qarnigii 15naad Dariiqadii Suufiyada ee deganeyd Yemen, oo ku taala dhulka Carabta ee dunida Muslimka, wuxuuna kafeegu ku sii fiday Talyaaniga (Italy) ka dibna yurub (Europe) inteeda kale, ilaa Indonesia & America, Bariga Afrika iyo Yemen, waxaa aalaa-ba la isticmaalaa xiliyada ay jiraan xafladaha kala duwan iyo kuwa diimeed.
Waxa jirta in Kaniisadda Ethiopia ay mamnuucday isticmaalka kafeega, waxaanay xayiraadaasi socotay taniyo waqtigii la soo gaadhay Boqor Mililigii labaad ee Ethiopia.
Sidoo kale isticmaalka coffee-ga waxaa laga mamnuucay dalka Turkiga (Turkey) qarnigii 17naad xiligii Boqortooyadii Cismaaniyiinta, sababo siyaasadeed dartood waxaana lala xidhiidhiyey dhaqdhaqaaqii ururkii mucaaradka ahaa ee waagaas Yurub ka jiray.
Khudradda Coffee-ga, ee ku dhex  jirta midhaha kafeega ama iniintiisa ayaa waxaa laga soo saaraa dhowr nooc oo kala duwan, labada ugu fiican ee aad loo jecel yahayna waxay kala yihiin:
Coffea Arabia iyo Coffea Canephora.
Coffee-ga ayaa markii ay bislaadaan midhihiisa la guraa, lana hagaajiyaa oo la qalajiyaa, ka dibna waxaa midhihaasi lagu dubaa darajooyin kala duwan oo kuleyl ah taasi oo ku xidhan kolba sida laga rabo in ay noqoto budadiisa. Waxaana dabadeed lagu duugaa hab gaar ah si dib loogu beero. Waxaana kafeega loo diyaariyaa loona sameeyaa noocyo kala duwan.
Badeecadda ugu muhiimsan ayuu kafeegu ka ahaa dallagyada ay dhoofiyaan 12 dal sanadkii 2004-tii,  iyadoo uu noqday dallaga sharciga ah ee 7-aad ee la dhoofiyo ka dib qiimeyn la sameeyey sanadkii 2005-tii, waxaase la isku khilaafsan yahay saameynta beeridda Coffee-gu uu ku leeyahay deegaanka.
Cilmi baadhisyo badan oo laga sameeyey kafeega waxa ay sheegayaan in uu xidhiidh ka dhexeeyo isticmaalka Coffee-ga iyo xaaladaha Caafimaad qaarkood, inkasta oo lagu muransan yahay xaqiiqo ahaanta Cilmi-baadhisyadaas iyo xaqiiqo la'aantooda, haddana waxaa la ogaaday in Coffee-gu uu leeyahay Xaalado keena Caafimaad daro.
-Iska xaddee hadii aad isticmaashid.
-ka digtoonow haddaan isticmaalin, waayo wuu ku qabanayaa. Waxaanu kuu keeni karaa Wadne xanuun kedis ah.


Talo SAARO Allaah


 

Su'aal: Wax iiga sheeg caafimaadka geedka DACARTA?

Started by Ibnu muhammadBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 5
Views: 73214
Last post September 02, 2015, 02:45:21 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxay Faa'iidadda Caafimaad Ee Geedka Koostadu?

Started by AarDacarBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 53059
Last post February 15, 2016, 08:32:14 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa Kanin laga sameeyo geedka Ginseng?

Started by Harun HurunBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 7028
Last post August 01, 2016, 05:59:44 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Ha layga caawiyo helitaanka geedka (astragalus)?

Started by IdilnuuraBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 3811
Last post October 13, 2016, 09:51:46 AM
by SomaliDoc
SIDEE U ISTICMAALAA MIRAHA GEEDKA MORINGA?

Started by Cabdi RoobleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 5792
Last post December 16, 2018, 09:55:16 PM
by SomaliDoc