Author Topic: Su'aal: Qal-qalka Ku Dhaca Dadka Qaarkood, Maxaa Keena?  (Read 8949 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline CilmiSabca

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 344
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Kas & Kamma' Kibir Looma Kaco.
Su'aal: Qal-qalka Ku Dhaca Dadka Qaarkood, Maxaa Keena?
« on: January 21, 2012, 01:03:57 AM »
Asc wrt wbt, sln ka dib.
Dhakhtar, adiga oo mahadsan, waxaan rabaa in aad jawaab (jwb) naga siisid codsi ay gabadh aan isku xaafad nahay iga codsatay in aan boggaan jwbta uga raadiyo.     Waxay tidhi,
"Mar Alle & markuu Nin (ninkuu doono ha noqdee) wax ii dirsado, waxaan dareemaa qalqal iyo iska ogolaan wuxuu ii dirsado, waxaana iga luma guud ahaan kontoroolka & burjiga mana awoodi karayo in aan ka hor imaado nimanka, inkasta oo aan dumarka ka hor tago. Markaan nin arkaba waxaan noqdaa qof baariyad ah, anigoo xitaa eegeynin da'da iyo qaabka ninkaas. Haddana macnuhu ma ahan arrimo galmo, kuwo guur & wax xishoodka la xidhiidha balse waa burji la'aan & maskaxdoo i rog rogmata & waxaasaan isku arkaa. Marka maxaan ii daawo ah ama ii talo ah?"
Sidoo kale Dhakhtar, gabadhani Wax xanuun ah kama muuqdo, wax aan intaa aheyn ma jirto. (waa sida ay tidhiye).
Haddaba, Dhakhtar, Cudur miyaa lagu tilmaami karaa iska caabin la'aanta ragga iyo burji la'aanta ay inantani qabto?.
Thanks to every1.


Talo SAARO Allaah


Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Qal-qalka Ku Dhaca Dadka Qaarkood, Maxaa Keena?
« Reply #1 on: January 29, 2012, 01:10:05 PM »
Waxaan ku weydiin lahaa dhowr arrimood si loo ogaado waxa ay ka cabanayso gabadhaan in ay cudur yihiin iyo in ay wax kala yihiin:
1- Dareenka ay dareemeyso marka ay la kulanto ragga waxay ku tilmaantay baarrinimo!, waxaa ka muhiimsan taa ma waxay dareentaa faraxsanaan mise muruqo iyo qalqal oo ay dhibsanayso mise markii ay happy dareento oo kontaroolka ayaa iga tagayo oo waxa aan samaynayo ma garanayo oo markii aan kaligay noqdo ayay wixii igu soo maaxdaan oo aan dhibsadaa..

2- Midda kale ma aaminsan tahay in arintani cudur ay tahay oo halis ku ah haddii aysan daawo u helin, mise waa dareen ay ka sheekeysay kaliya....

3- Midda kale taariikh hore miyaa jiro oo dhibaato ay kala kulantay rag ama guur hore ay soo martay oo aanan lagu guuleysan mise guriga ay ku soo kortay ayaa hooyadu ku gacan sarraysay mise guri wada gabdho ah ayay ku soo kortay mise iskuullada ay soo dhigatay taariikh la xiriirta oo ka qeyb qaadan karto arintaan miyaa jirta?

4- Haddii arintani ay u aragto cillad ama xanuun goormey ku billaabatay? ma jiraa wax ay isku dayday hadda ka hor oo xal ah?

Su'aalooyinkaan iyo kuwa ka badan way imaanayaan markii laga hadlayo cilladaha shakhsiyadeed oo qofka la soo baxo (Personality Disorders), haddii la ogaadane cillada nooca ay tahay iyo waxa ay ka dhalatay iyo saameynta ay ku leedahay qofka cabanaya markaas waa in lala xiriiriyaa qof ku takhasusay cilmiga psychology-ga si loo xalliyo.

Waxaadna ogaataa dhibaatooyinka noocaan oo kala ah, waxay leeyihiin qaabab ka duwan oo loo daaweeyo cudurrada kale, qaarkoodna waa halis oo waxay saameyn karaan mustaqbalka qofka haddii aan la daaweynin.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline CilmiSabca

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 344
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Kas & Kamma' Kibir Looma Kaco.
Re: Su'aal: Qal-qalka Ku Dhaca Dadka Qaarkood, Maxaa Keena?
« Reply #2 on: February 06, 2012, 12:32:24 AM »
Dhakhtar, waxaan kula taliyey inay la xidhiidhto Dhakhtar ka aad sheegtay, waxayna u badan tahay qof u baahan in ay dhakhtarkaas (pychology-ga) aragto ama ay aado si uu u daaweeyo ama ula taliyo, su'aalaha soo kordhayna waxay u baahan yihiin xusuus qoto dheer, marka dhakhtarkaas la kulankiisa ayey arrintaan ku biyo shubatay. Aad & aad ayaadna ugu mahadsan tahay jwbtaada oo natiijadu ay noqotay in ay hesho nooca Dhakhtar ee xalin kara xaaladdeeda hadduu Alle Idmo.
Talo SAARO Allaah


 

Su'aal: Diktoore, maxaa laga wadaa Reactive, Weak-reactive iyo Non-reactive?

Started by XidigBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 55969
Last post July 02, 2017, 11:30:43 AM
by SomaliDoc
Caga-hurka ama Caga-ololka Maxaa Keeno?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 4
Views: 162286
Last post August 23, 2015, 02:14:13 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa lagu daaweeyaa Agoolka "Dandruff"?

Started by CmqalinleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 106981
Last post January 06, 2015, 08:30:19 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keni kara calol xanuunka iyo naaso xanuunka

Started by GacalsameBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 57988
Last post December 05, 2015, 01:19:38 PM
by SomaliDoc
Maxaa meydka loo qalaa? Waa maxay "Autopsy"?

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 1
Views: 62304
Last post April 06, 2016, 04:35:38 PM
by Mo Digdig