Author Topic: Su'aal: ku sahabsan prostate gland ku biyaha uu sii daayo?  (Read 14764 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Warsame12

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Su'aal: ku sahabsan prostate gland ku biyaha uu sii daayo?
« on: January 22, 2012, 03:57:20 AM »
sck bacda sln marka hore waxaan aad ugu mahad naqayaa dhamaan dhakhatiirta ku hawlan sidii ay bulshadoodu cafimaad dhamaystiran u heli lahayeen ku hawlan intaa ka dib hadii aan u imaado su aashayda waxay tahay, waxaan ahaa wiil  biyaha gacanta iskaga kenaa markaan aflam jinsiga ku sahabsan daawado anba sheekooyin la tacaluqa jinsiga kadib waxa ila soo gudboonatay in biyaha uu prostate gland ku siidaayo ee ka horeeya biyaha manida loo yaqaan  ay markasta iga yimadaan, dareenkayguna si dhibyar ukac marksata oo aan  arko wax la tacaluqa jinsiga kadib waxaan aaday dhakhtar ka mida dhakhtarada masar kamid  waxa uu iga qaday kaadi waxa uu  igu yidhi waxa kaa didaadiil laga helay oo infections ah ma jiraan se waxa jirta pus cells waxa uu ku sheegay oo anan fahmin waxa uu yahay kadib dawooyin buu ii qoray dawooyinkii waan is ticmlalay waxna imay tarin,,kadib dhakhtar kale ayaan aday isna sidii iyo si la mida ayuu igu yidhi marka maxaan sameeyaa ee ila gudboon imika waliba labada dhakhatar ee aan ukala tagay wuxuu ahaa dakhasuskoodu reproductive system markaa ilaa hada mashkiladaas imay dayn oo waan qabaa waxay sybtoms ah wxn leeyahay dhabar xanuun  iyo biyahaas prostate gland ku siidaynayo oo inyar markaan jogaba iga imanaya anigoo wax dareeni i hayn some tims na dareenkaygu si dhib yar buu ukacayaa markaa igala soo taliya bal waxaan samayn lahaa hadii aan dawo ubahanahayna ii soo sheega sidaa iyo sck




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: ku sahabsan prostate gland ku biyaha uu sii daayo?
« Reply #1 on: January 29, 2012, 01:27:07 PM »
Pus cells, waa unguyada tilmaamayo in kaadida ay la socdaan wax tilmaamayo malax. waana calaamad caabuq.

Marka takhtarka aad u tagtay wuxuu kugu sheegay sida muuqato caabuqa ku dhaco qanjirka ragga ee prostate.

Haddii aad leedahay calaamadahaan qaar ka mid ah waxaad qabtaa caabuqa prostateka.
1- Kaadida oo ku gubta markaa kaadinayso
2- Kaadida oo kugu hakato ama dhibic dhibic u timaado
3- Habeenkii oo dhowr jeer kaadi u soo kacdid
4- In kaadi si dagdag ah kuu qabato laakiin aanan kaa imaanayn markaa suuliga fadhiisato
5- Qaska ama dhabarka qeybta hoose oo ku xanuunto
6- Meesha u dhaxayso qooraha iyo futada oo ku xanuunto
7- Raaxo darri aad ka dareentid guska ama xaniinyaha.
8- Biyo-bax xanuun wato

Haddii calaamadaahaan aad leedahay waa in aad qaadataa daawo antibiotic ah muddo 4 isbuuc ah maxaayeelay caabuqa prostateka daawada waqtig gaaban wax ugama tarto.

Halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan cilladaha ku dhaco qanjirta ragga ee prostateka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2119.0.html
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Warsame12

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Su'aal: ku sahabsan prostate gland ku biyaha uu sii daayo?
« Reply #2 on: January 30, 2012, 08:23:25 AM »
sck bcd sln kadib aad baan ugu mahad celinayaa dhamaan doctorska ka hawlga wabkan anigoo uga mahad celinaya su,aashaan soo waydiyay sida wacan ee ay igaga soo jawaa been kadib markaan akhristay jawaabtaad ii soo dirteen iyo linkiga isna sida wacan uga waramaya xanuunada ku dhaca prostateka waxa i haya ayaan filayaa Prostatitis (caabuqa borastaytka) sababta oo ah waxaan ahay dhalinyar oo age kaygu waa 30jir  waxana dawo u ah baad tidhahdeen anibiotic inaad is ticmaasho antibiotic inbadan baan is ticmalay mid bilaan is ticmalay kadib hadan waan ku noqaday dhakhtarkii oo wxn ku idhi waxaba imay tarin kadib mid kale ayuu ii soo qoray isna mudo bila ayaan waday isna waxba ima tarin hadana dhakhtar kale ayaan utay isna laba dawo ayuu ii qoray midna hagaajinaso shaqada prostate ka midna pecteria haday jirto dilaysa iyana waan soo dhamaystay wax is badala waxan helay ina ay iga yaraa deen biyihii pus cells ka ahaa oo iga yaraday kadib waan  ku noqday oo si wad buu idhahay digtoorkii kadib waan sii waday wax natiija danbe way ii yelan wayday markaa  maxan sameeyaa imika ilaa mudo 7 bilood ah dawo ayaan waday kolba aan dhakhtar utagayay midkasta waxa uu dhahaa taa soo isticmaal midkasta oo aan utagayana waan ugeyaa dawada aan hore u isticmalay kadib buu mid kale ii qoraa se wax is badala ma hayo oo wali pus cells kii way iga imanayaan dhabarka qaybtiisaa hosana way i xanuunaysaa intaas baan wax astaamo ah leeyahay kaadina ima gubto kadi badana ma lihie wax dhibaato ah oo xaga kadida iga haysataa haba yaraate ma jiro aan ahayn oo kaliya pus cells kaa iyo dhabar xanuunkaa ayaan wax astaama leeyahay  markaa maxaad talo igu siin  lahaydeen ee aan sameeyaa dawo antibiotic ah oo aad ii qori kartaan idinku may jirtaa oo aan xagan ka raadsan karo haday haa tahay infromation buuxa iga soo siya iyo sidaan u isticmalyo sidaa iyo scm ban idin ku dhafayaa walaal

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: ku sahabsan prostate gland ku biyaha uu sii daayo?
« Reply #3 on: March 10, 2012, 05:20:34 PM »
Qanjirka prostate-ka waxaa lagu tiriyaa meelaha jirka ka mid ah oo caabuqa si sahlan aan looga daaweyn karin sababtuna waxay tahay qanjirka wuxuu leeyahay dahaar adag oo daawooyinka qaar aysan ka gudbi karin si ay caabuqa qanjirka u joojiyaan, sidaa darteed daawooyin loogu talo galay oo shaqo fiican ka qabto ayaa jira ee waxaan ku waydiin lahaa: daawooyinka aad illaa iyo hadda aad qaadatay maxay yihiin? imisaana qaadanaysay middiiba?.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Abdi199

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Su'aal: ku sahabsan prostate gland ku biyaha uu sii daayo?
« Reply #4 on: March 20, 2012, 05:30:47 PM »
ASC WR WB Al-xamdulilaah, Aad iyo aad ayaad u mahadsantiin Dr's kii noo fududeeyey webkan iskuna hawlay howshan waxtar ka badan ee ka faa'iidaysigeeda mudan, ku sahabsan prostate gland ka biyaha uu sii daayo? waxa aan ka xumahay fahan la'aan iyo ciladaas oo aan dareemayey in ka badan sanad malaga yaabaa in ay wax yeelo intaa ka badan igu raad reebto maadaama aanan wali sifiican u helin Dr. arintaa ku xeel dheer iyo dawadeeda midna walina uu cudurkii jiro inkasta oo aan hada filaayo in aan la qabatimay calaamadaha aad korku soo xustay qaar? maxaadse talahaan i siin lahayd adigoomudan?

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: ku sahabsan prostate gland ku biyaha uu sii daayo?
« Reply #5 on: April 06, 2012, 07:38:49 PM »
ASC WR WB Al-xamdulilaah, Aad iyo aad ayaad u mahadsantiin Dr's kii noo fududeeyey webkan iskuna hawlay howshan waxtar ka badan ee ka faa'iidaysigeeda mudan, ku sahabsan prostate gland ka biyaha uu sii daayo? waxa aan ka xumahay fahan la'aan iyo ciladaas oo aan dareemayey in ka badan sanad malaga yaabaa in ay wax yeelo intaa ka badan igu raad reebto maadaama aanan wali sifiican u helin Dr. arintaa ku xeel dheer iyo dawadeeda midna walina uu cudurkii jiro inkasta oo aan hada filaayo in aan la qabatimay calaamadaha aad korku soo xustay qaar? maxaadse talahaan i siin lahayd adigoomudan?
Talada aan ku siin lahaa waxay tahay in aad la xiriirtid takhtar si laguu baaro, kadibne laguu daaweeyo.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Cabidda Shaaha Iyo Biyaha Cusbada Laga saray Makeni Kartaa Kaadi Xannun?

Started by AbdirizakBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 18433
Last post August 08, 2011, 07:55:39 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keeni karo in qofka dhaqso biyaha kaga yimaadaan?

Started by BadarcuneBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 13576
Last post November 21, 2011, 10:09:15 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Biyaha Caagadaha Kujira Ee Morgaraysan (Bottled Water) Khatar Mayihiin?

Started by AarDacarBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 7499
Last post October 16, 2015, 11:59:11 AM
by SomaliDoc
Su'aal: waxaan isku arkay inan biyaha ama shahwada ceshan karin?

Started by CalansideBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 35218
Last post December 18, 2015, 08:07:37 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxa Aan Ku HunGoobay Siikada (Gacanta Biyaha La iskaga Keeno)?

Started by Wiil.SoomaliyeedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 15392
Last post January 09, 2016, 03:57:35 PM
by SomaliDoc