Author Topic: Su'aal: Sidee miisaanka u lumin karaa?  (Read 10702 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Abdi M Abdi

  • Newbie
  • *
  • Posts: 5
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Su'aal: Sidee miisaanka u lumin karaa?
« on: February 15, 2012, 01:21:06 PM »
Assalamu calaykum..

Dhamaan Dhakhaatiirta isu taagtay inay walaalahood ka caawiyaan cilmiga Alle SW siiyay aad bn u salaamayaa ASC.. waana idiin mahadcelinayaa

Salaan ka dib waxan Dakhtarka ka codsanayaa inu iga jaahil bixiyo dhibaato i haysata in la igala taliyo qaabkaan uga bixi lahaa..
1. Marka hore Waxan ahay wiil dhalinyaro ah 24 jira, wali aan guursan haddana Overweight ah 118 KG.. Diktoore, wax badan ban isku dayay inaan lifestylka wax ka badalo inkasto aanan facilities fiican haysan balse wali kuma guulaysan inan miisaankayga wax ka dhimo.. Maxad igula talin lahaydeen
2. Marka xiga Doctor waxaan uga dib dhacay guurka anigoo aaminsan inan qancin karin Xaaska (Performance anxeity), sababtoo ah SIZE-ka..(9cm) so.. wn ogahay inay la xiriirto overweightka balse ways baa jira aan uga bixx karo, please igu caawiya cilmigiina.. Mxan uga bixi karaa dhibaatooyinkaan bi'idnilaaah..!!

Aad bad u mahadsantihiin

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Sidee miisaanka u lumin karaa?
« Reply #1 on: March 10, 2012, 02:12:48 PM »
Waxaa jiro talooyink dhowr ah oo la siiyo qof walba oo jecel in miisaakiisa uu dhimo laakiin waxaa la ogaaday in dadka aysan si isku mid ah aysan miisaanka uga dhicin taas oo ku xiran qof kasta waxyaabaha miisaanka u keeno.

Tusaale ahaan qofkii ku ceyilo cunnada oo aad u cuno darteed iyo qofkii ku cayilo nasiino iy jimicsi la'aan iyo qof labadaasba aanan ku caatoobeyninba way jiraan marka isku talane lama siiyo, marka waxaan ku weydiin lahaa, maxay yihiin waxyaabaha aad is leedahay waad ku cayishaa? ama ka qeyb qaato cayilkaaga.

Tusaale cayilka wuxuu noqon karaa hiddo oo qofka wuu u nuglaan karaa haddii uu xambaarsan yahay genes-ka mas'uul ka ah cayilka.

Haddii qofka uu yahay qof leh life-style gooni ah, tusaale ahaan: dadka jecel in ay cunno cunaan iyagoo wax daawanayo ama wax akhrisanayo dhakhso ayay cayilaan!!

Midda xigta ee ku saabsan xagga qancinta xaaskaaga, haddii aad aaminsan tahay in ay xiriir la leedahay cayilkaaga, waxaan kugula talin lahaa in aad miisaanka lumisid, middeeda kale waxaad ogaantaa uureynta xaaskaaga kuma xirna cabirka xubintaada.

Fadlan ka soo jawaab su'aasha kore?
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   
Offline Sugulle

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Su'aal: Sidee miisaanka u lumin karaa?
« Reply #2 on: March 24, 2012, 06:40:18 PM »
aad baad u mahad san tahay dr hadaan su.aasha saxibkay ku waydiiyya aan sii dabo galo oo ana laftayda an uga bahnaa macluumad s?da culayska lagu luminkaro
hada misankaygu waa 95 kg waxaan raba inaan hoos u dhigo oo aan gaadhsiyo 80 xaga cunooyinka hadaanka waramo 3 wakhtiga ee cadiga u ah somalida ka badan wax ma cuno xilga subina badana maba cuno oo aanba qayb ka m?da boga an ku arkayay dadka aan aroorti quracni inay ka naxisbadanyihin dadka quarcda  xiliga ahbeenkina badana casho fiican baan cuna 
markaa maxad talo ahaan oo igu biirin lahayd
 xaasbaan leeyahay lakiin hada lama jooga oo wadan kalan jooga

Offline Abdi M Abdi

  • Newbie
  • *
  • Posts: 5
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Su'aal: Sidee miisaanka u lumin karaa?
« Reply #3 on: March 25, 2012, 09:39:26 AM »
Jazakallah Dr.

[JWBTA] Dr laga bilaabo 2003 anigo 15yr ban waxan galay jawi ka duwan midkan ku jiray oo bilaa activity ah, xiligaas ka dib si dramatically ah miisan ba iigu siyaaday, siiba markaan helay shaqo aan inta bada fadhiyay, sida caadiga ah wn u cuni jiray balse sometimes stresska ba igu keenaya inan wax cuno, ugu danbayn waxan dhihi karaa NASNIINO iyo JIMICSI LA'AAN iyo waliba cunadda ba i horseeday cayilkan..

Mahadsanid

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Sidee miisaanka u lumin karaa?
« Reply #4 on: April 06, 2012, 07:13:52 PM »
aad baad u mahad san tahay dr hadaan su.aasha saxibkay ku waydiiyya aan sii dabo galo oo ana laftayda an uga bahnaa macluumad s?da culayska lagu luminkaro
hada misankaygu waa 95 kg waxaan raba inaan hoos u dhigo oo aan gaadhsiyo 80 xaga cunooyinka hadaanka waramo 3 wakhtiga ee cadiga u ah somalida ka badan wax ma cuno xilga subina badana maba cuno oo aanba qayb ka m?da boga an ku arkayay dadka aan aroorti quracni inay ka naxisbadanyihin dadka quarcda  xiliga ahbeenkina badana casho fiican baan cuna 
markaa maxad talo ahaan oo igu biirin lahayd
 xaasbaan leeyahay lakiin hada lama jooga oo wadan kalan jooga

Quraacda haka tagin, cashadane iska yareey

Jazakallah Dr.

[JWBTA] Dr laga bilaabo 2003 anigo 15yr ban waxan galay jawi ka duwan midkan ku jiray oo bilaa activity ah, xiligaas ka dib si dramatically ah miisan ba iigu siyaaday, siiba markaan helay shaqo aan inta bada fadhiyay, sida caadiga ah wn u cuni jiray balse sometimes stresska ba igu keenaya inan wax cuno, ugu danbayn waxan dhihi karaa NASNIINO iyo JIMICSI LA'AAN iyo waliba cunadda ba i horseeday cayilkan..

Mahadsanid
Dhowr shey sida aad ka dhawaajisay ayaa ka qeyb qaatay cayilkaaga, xalkuna waa in qaab nololeedkaaga aad badasho adigoo jimicsi sameeyo, cunnada kontroolatid iyo  stresska in uusan kuu horseedin in aad cunto ku walaftid.