Author Topic: Su'aal: Waa Maxay Faa'iidooyinka Geedka Xildiidka?  (Read 50304 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline CilmiSabca

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 344
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Kas & Kamma' Kibir Looma Kaco.
Su'aal: Waa Maxay Faa'iidooyinka Geedka Xildiidka?
« on: February 15, 2012, 12:16:27 AM »
Asc. Salaan ka dib.
Dhakhtar, waxaan rabaa in aad faah faahin naga siisid geedka Xil-diidka (Assu fortida), geedkaan ma leeyahay faa'iido caafimaad haddii laga reebo in lagu daaweeyo cudurka Xiiqda? Ma dhab baa in uu daawo u yahay ragga hoos u dhaca galmada qaba? Ma run baa in uu haweenka uurka leh iyo dhalaanka yar yar khatar u yahay ama ku shaashoonayaan haddii ay mar uriyaan? Ma sax baa-se in uu laayo gooryaanada caloosha ku jira iyo sidoo kale in uu eriyo masaska? (haddii la dhigo meel uu mas joogo ama lagu shido, waxaa la sheegaa in uu masku halkaas ka qaxayo) Dhakhtar adigoo aad u mahadsan fadlan noo soo gudbi macluumaadkiisa iyo qaabka loo isticmaalo.


Talo SAARO Allaah


Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Waa Maxay Faa'iidooyinka Geedka Xildiidka?
« Reply #1 on: March 10, 2012, 02:23:13 PM »


Xildiidka waa geed ka mid ah geedo daaweedka inkastoo u baahan yahay taxaddar badan isticmaalkiisa maxaa yeelay qofka wuu sumoobi karaa haddii uu qaato isagoo aanan aqoon u lahayn.

Xildiidka waxaa loo isticmaalaa waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin qaarka aad soo sheegtay sida: Xiiq-dheerta, Gooryaanada, Calool socodsiinta, Dibbirada, Xanuun baabi'inta, Sonkorowga iyo cudurro kalaba.

Xildiidka lama siiyo ilmaha ka yar 2 sano maxaa yeelay way ku sumoobi karaa, oo dhiig yari ayay ku ridaa oo hemoglobinta ayuu weeraraa oo hoos u dhigaa, islaamaha uurka lehne lama siiyo oo caruurta ayuu ka soo ridaa.

Xildiidka waa xabag geed oo ur badan oo aad u qaraar, marka sidaa darteed bahallada ma jeclo oo way ka fogaadaan sida masaska iyo wixii la mid ah.

Xildiidka waxaa kaloo dadka qaar u adeegsadaan bukhuur ahaan iyagoo aamisan in jinniyada ay ka cararaan?!!

Midda ku saabsan kacsiga iyo sare u qaadista hamiga, taasi la ma hubo laakiin waxaa la sheegaa in hindida laga soo wariyay in ay u isticmaali jireen arrintaas.

Haddii aad su'aalo caafimaad qabta iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html

http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Waa maxay "Garguurato" ama "Uuryaal"?

Started by KamalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 66494
Last post May 22, 2009, 01:41:01 PM
by SomaliDoc
Waa maxay "Angina"?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 0
Views: 69516
Last post February 05, 2008, 07:56:57 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Burseelku"?

Started by Ahmed_IndhayareBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 62436
Last post September 01, 2009, 02:23:15 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "gynecomastia"?

Started by AnassmBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 46720
Last post May 06, 2018, 01:17:25 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Priapism"?

Started by Ahmed_CarabBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 44974
Last post January 22, 2019, 08:47:10 PM
by SomaliDoc