Author Topic: waa maxay negro  (Read 9596 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Dr.Salwa

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 35
  • Points: +0/-0
waa maxay negro
« on: March 05, 2007, 11:24:02 PM »
 

  waan idiin salaamay dhamaantiin, waxaan rabaa inaan halkaan idinka waydiiyo  erayga la dhaho negro  macnihiisa,  halka uu kayimid  eraygaas, yeesa ahaayeen dadkii ugu horeeyay ee isticmaala erayga negro, mideeda kale dadkaas negro ah  skull kooda miyeey ka duwan tahay  dadka kale  oo aan aheen negro ga.

   waxaan rajaynayaa inaan su aalaha idinku badin , waad mahadsantihiin dhamaantiin.


Dr.salwa




Offline Dr.Gole

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
Re: waa maxay negro
« Reply #1 on: March 06, 2007, 11:42:29 AM »
Salaan ka dib;
Qariib waxaa ila noqotay in hadda la doon doonayo ereyga negro macnihiisa, sidaas darteed baan is iri bal uga hadal.
Ereyga negro ama nigger ama neggar, asalkiisa waa spanish baa la yiraahdaa, madow weeye macnihiisu, laakin ka dib baa macneheedu ballaartay illaa uu noqday magac maxkamado la isku saaro maanta.
Lexdamaadkii bay ahayd markii ay xuquuqda aadanaha heleen dadka madow ee maraykanka jooga, waxayna ahayd 1965tii markii la dilay Malcom X oo ay dadka cadaanka ahi u ictibaariyeen cadowgooda No.1. Wakhtigaas ka dibna xasaasiyad wayn bay ka qabeen dadka madow in magacaas loogu yiira siiba haddii qof cad afkiisa ay ka soo baxayso, Waligeedna aad bay u yarayd in negro loogu yeero qof aanan ahayn dadka loo yaqaan african-american-ka, sidaa awgeed hadda oo la joogo dadka kaliyoo isticmaala waa dadka madmadow oo iyaga isugu yeera markii qof kale hadhow yiraahdana u arka cunsuriyad.
Arrinta in ay leeyihiin skull ka duwan dadka oo ay u dhowyihiin monkeys-ka, waa arrin dicaayad aan dhaafsiisanayn wax jirana maaha haba yaraatee, bani'aadanku waa isku wada mid anatomically and physiologically, marka taasi waxba kama jiraan.
Waa mahadsantihiin.

Offline Dr.Salwa

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 35
  • Points: +0/-0
Re: waa maxay negro
« Reply #2 on: March 09, 2007, 12:50:24 AM »
     
       walaal waan idin salaamay dhamantiin.


       walaal aad ayaad ugu mahadsantahay jawaabta aad kabixisay negro, balse waxaan rabaa inaan   halkaan ka sheego ma ogi inaad aragteen iyo in kale  inay jiraan kutubo cilmi ah oo eraygaas  negro  isticmaalayaan meesha kuwa  kale ay ka isticmaalaan black , inkastoo labada erayba ay isku meel ay kuwada biya shubanayaan, hadan  waxaa jira dad ilaa iyoa hada ka xanaaqa erayga negro  oo laga yaabo inaysan ka xanaaqin hadii layiraah black.

   marka walaal waxba hala yaabin  in eraygaas wili  la is waydiinayo, maxaa yeelay   dad ayaa wili isticmaala iska dhaaf dadka madoowga ah oo ayaga dhexdooda isku isticmaala balse waxaa weeyaan  oo jira dad  cadaan ah  oo eraygaas isticmaala  ayaga oo  u adeegsanayaa meela badan sida  markii ay ka hadalayaa cilmiga  oo ay rabaan inay soo qaadaan wax ku saabsan dadka madoow, ama   dad kale oo raba inay is bar bar dhigaan farqiga u dhaxeeyaa dadka madoow iyo dadka cadaanka ah , wayna jiraan dad badan  oo  cadaan ah oo arintaas ku hooshoon  waxaan ula jeedaa  farqiyada  ay ukala sameenayaa  dadka  cad iyo dadka madoow.



        hadii aysan skull ka aysan wax  farqi ah aysan udhexeen sidee lookala ogaan karaa markii uu qofka qolfoof noqdo inuu qofkaan modow ahaa ama uu cadaan ahaa?.

       waad mahadsantihiin dhamaantiin..

 Dr.salwa.
 

Offline Dr.Gole

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
Re: waa maxay negro
« Reply #3 on: March 10, 2007, 10:55:33 AM »
dr. salwa aad baad ugu mahadsantahay su'aalaha muthiir lil jadalka ah, taas ka dib;
waxaa jira kutub badan oo la qoray waayihiin midab takoor iyo kala soocu ka jiray aduunka, todobaatameeyadii ka hor, waxaan akhriyay hada ka hor kitaabkii uu qoray malcom X, safxadiiba 15 jeer baa laga helayaa kalimadda negro, waagaas hadafku wuxuu ahaa in midab takoorka la joojiyo ee kalimadda cidna dan kama lahayn, aakhirkii baa civil rights la helay oo loo arkay qofkii negro yiraahda oo caddaan ahba inuu cunsuri yahay, kalmaddu macno adoonnimo ah bay xambaarsantahay sidaa darteed baa loo necebyahay halka black ayan xambaarsanayn waxbana. kutubbada cilmiga ah aqoon darro ama qadiimnimo ayaa u gayay inay isticmaalaan kalmaddaas.
In la isu barbardhigo acraaqda kala duwan, isirrada, ama raceska waa wax loo baahanyahay si loo ogaado dadka uu asiibo cudurku iyo asbaabaha xaqiiqiga ah ee sababaya cudurka, laakin in negro la isticmaalo waa khalad.
Wallaahi garan mayo skull-ka farqiga lagu kala garanayo qofka midabkii uu lahaa waaguu noolaa, laakin wax fog ilama aha in la garan karo, because waxaa la garan karaa mayd la helay qarnigii uu noolaa sababtii uu u dhintay iwm. Haddii la rabo DNA baa la baari karaa, nuclear scanning baa la samaynayaa. Dadka ka shaqeeya forensic medicineka ayaa la waydiinayaa taasi, dabiibka sharciga ah ee baara sababta keentay geerida iyo ma waxay ahayd homicide ama suicide ama accidental.
Mahadsanid.

Offline Dr.Salwa

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 35
  • Points: +0/-0
Re: waa maxay negro
« Reply #4 on: March 17, 2007, 08:54:03 PM »
Walaalayaal waan idin salaamay dhamaantiin

   
    Walaal dr.gole aad baad ugu mahadsantahay  sida aad fikirkaaga  oga dhiibatay.
 Mideeda kale waxaa jira oo aan horayna usheegay kutubada cilmiga ah oo erayadaas isticmaalay maahan kuwa xili horay la qoray , balse  waa kuwa mar dhow laqoray
Ilama ahana inay ugaysay jaahilnimo ama cilmi yaraan.


 Teeda kale oo ah in skull ka uu wax farqiya u dhaxeeyo ama lakala saari karo marka ay qalfoof noqdaan waa    mid iska cad oo waxaa weeyaan farqi wayn ayaa udhaxeeya   oo si way ayaa lookala garan karaa.


Arinta kale dadka aan ku leeyahay farqi ayeey u dhaxaysiinayaa dadka cadaanka iyo dadka madoow ga ah ma ahan inay xaga cilmiga u adeegsanayaan balse waa mid cunsuri nimo ah .




 waxaan rajaynayaa inaan mooduucaan intaan ku soo xirno , si aan ugu daba dheeraan , waana mahadsantahiin dhamaantiin.

Dr.salwa.


 

Waa maxay "Garguurato" ama "Uuryaal"?

Started by KamalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 66641
Last post May 22, 2009, 01:41:01 PM
by SomaliDoc
Waa maxay "Angina"?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 0
Views: 69661
Last post February 05, 2008, 07:56:57 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Burseelku"?

Started by Ahmed_IndhayareBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 62593
Last post September 01, 2009, 02:23:15 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "gynecomastia"?

Started by AnassmBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 46852
Last post May 06, 2018, 01:17:25 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Priapism"?

Started by Ahmed_CarabBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 45091
Last post January 22, 2019, 08:47:10 PM
by SomaliDoc