Author Topic: Su'aal: Waaa uu xoqaa inta u dhaxaysa labxada iyo xundhurta?  (Read 7965 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Suldan10

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Su'aal: Waaa uu xoqaa inta u dhaxaysa labxada iyo xundhurta?
« on: February 17, 2012, 10:35:11 PM »
sc
walaal wiil aanu saaxib nahay ayaa waxa haya cilad uu saari waayey hadii si loo eegana ah xanuun balse wax xauun ahi mahayaan, hadaan sii micneeyo xanuunkaas waa sidan.
waxaa uu xoqaa isaga oo aan is dareemaynin inta u dhaxaysa labxada iyo xundhurta inta u dhaxysa, isma dareemayo marka uu xoqayo wax xanuun ah ama skin deseas ahi ma hayaan, shaadhkiisa badhanka ku beegan halkaasi wuu ka goaa, dhamaan garamadiisa uu shaadhka ka hoos xidhaa way goanyihiin intaa ku beegan meesha aan soo tilmaamay, xauun uu ka cabanayaa ma jirto markaa bal dr nooga waran dhibtaa haysata iyo waxa ka biin karaba
ws  




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Waaa uu xoqaa inta u dhaxaysa labxada iyo xundhurta?
« Reply #1 on: March 10, 2012, 01:57:03 PM »
<a href="http://www.youtube.com/v/1SEKZLivG54&rel=0" target="_blank">http://www.youtube.com/v/1SEKZLivG54&rel=0</a>

Qofka oo ku celceliyo dhaqaaq ama cod uusan kontarooli karin waxaa caafimaad ahaan loo yaqaanaa "Tics", tan oo noqon karto mid dhaqdhaqaaq la xiriirto kaliya sida: qofka oo wajiga kaduudiyo markasta isagoo aan dareensanayn, indhaha isku qabqabto, ama garbaha ruxo si joogto ah.

Nooca kale maahan mid dhaqaaq la xiriiro ee waa mid cod ah sida: qofka oo qufaco isagoo aan cudur ahayn, ama duufsado ama dhuunta sida isagoo dareemayo riiraxyo.

Haddii caadadaas iyo kuwo kale oo la mid ah uu qofka leeyahay oo muddo ku raagtane waxay isku badashaa cudur maskaxeed oo loo yaqaanno "Tourette syndrome".

Yarka aad ka sheekeynayso wuxuu qabaa cudurkaan, tusaale ah qofka oo meel jirkiisa ka mid ah xoqo, ama inuu salaaxdo jecel, tusaale kale oo caan ah waxaa ka mid ah qof markuu xoogaa joogaba in sanka uu tirtirto rabo isagoo dareensanayn, hadduu dhaho iska jooji falkaanne uusan awoodin, waxaa kaloo ka mid ah dadka dhegta marmarto.

Cudurkaan wuxuu kaloo la xiriiri karaa cudurro kale oo ku dhaco caruurta sida Gooniyowga (Autism), Fudeydka iyo qalqaaliyowga caruurta (ADHD) ama cillada maskax ku dhagga (OCD).

Cudurkaan ma lahan baaritaan sheybaar laakiin waxaa lagu gartaa qofka uu ku celceliyo dhadhaqaaq ama cod si dhakhso ah uuna dareensanayn.

Shardiga kale waa in dhowr jeer maalintii uu sameeyaa qofka, marka ay ku bilaabanaysay da'diisane ay yarayd 18 sano, cillad maskaxeed kale uusan qabin.

Daaweynta:
Haddii ay tahay wax dhibaato badan aan ku haynin qofka badanaa lama daaweeyo maxaayeelay waxyeellada daawada ayaa ka dhib badan.

Laakiin haddii ay tahay mid saameyn ku leh nolosha qofka iyo ku dhexloonshaha bulshada sida aad ka dhawaajisay yarkaan dharkiisa ay u jeexmin isxoqiddaas kaliya isagane uusan ka war heynin waa in lala xiriiriyaa takhtar cudurrada maanka ah si loo daaweeyo, waxaana jiro daawooyin loogu talagalay.

Badanaa dadka qabo cudurkaan malahan caqli yari, noloshoodane waa mid dabiici ah oo dadka kale kama duwana.
Waxayna calaamadaha cudurkaan aad u darantahay xilliga dhalinyarinamada inta u dhaxeyso 15 illaa 18 sano.

Fadlan la xiriir takhtar "Psychiatrist".
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Maxaa Keena: Calaacalaha Gacmaha Iyo Cagaha Inta Cadcad Oo Marna Kulul Marna Qabow?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 26811
Last post March 10, 2012, 02:33:13 PM
by SomaliDoc
SU'AAL: LUGO XANUUN. Qaas ahan lafa lugaha inta ka hoseyso jilbaha !

Started by MuhaaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 30166
Last post November 01, 2011, 09:57:27 PM
by SomaliDoc
Su'aal: MAXAAAN SAMEEYAA INTA AANAN ISARAG XAASKAGYA CUSUB?

Started by Khadar CaliBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 13686
Last post January 29, 2012, 02:37:24 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Dacwashiir inta lagu guda jiro bisha ramadaan?

Started by SahnuunyarBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 4
Views: 77756
Last post June 23, 2016, 11:44:41 PM
by Axmed love
Su'aal: Qofka oo luguhu dhudhubtaan inta ka hoseysa rugaga?

Started by Mursal AxmedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 2906
Last post January 14, 2016, 02:29:33 PM
by SomaliDoc