Author Topic: Su'aal: Waa maxay Insulin imbalance?  (Read 6501 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Abdi M Abdi

  • Newbie
  • *
  • Posts: 5
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Su'aal: Waa maxay Insulin imbalance?
« on: February 25, 2012, 12:16:37 PM »
Assalamu calaykum.. Dhamaan takhaatiirta wan salaamaya iyo akhyaarta kaloo sharafta leh.. fadlan iga jaahil bixiya arimahan

1. waa maxay Insulin imbalance, waxaa igu badan heerka insulin-ta, taasna waxay iga dhigtay overweight, qaabken isaga yaran
karaa, una wanaajin karaa, wxn u malay hadaan heerka insulinta yareeyo inay iga dhimayso miisaanka!

2. Fatty liver-ka sideen u baabi'in karaa,

3. hadii aad garanaysaan cunooyinka laga helo Vitamin B, Zinc, iyo fibera, siiba kuwa wadankeena laga helo o u badan..

Guud ahaan, qaabken uga dhigi karaa jirkayga fat burning machine.. Mahadsanidiin






Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Waa maxay Insulin imbalance?
« Reply #1 on: March 10, 2012, 05:44:51 PM »
Haddii aan ku waydiiyo labo su'aalood:
1- Sonkorow miyaad qabtaa? oo insulin u qaadataa?
2- Maxaad ku ogaatay in ay insulinta kugu badan tahay?
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Abdi M Abdi

  • Newbie
  • *
  • Posts: 5
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Su'aal: Waa maxay Insulin imbalance?
« Reply #2 on: April 14, 2012, 09:25:17 AM »
Doctor Mahad balaaran ka dib, Waxan recently akhriyay mawduuc ku saabsan weight loss, wxn ka fahmay qodobadaan:-

# in cayilku u ku yimaado organs-ka oo noqday kuwo u nugul inay wax kaydiyaan sida fatty liver,
# in insulin imbalance ay ka qayb qaadato cayilka (dabcan maadada insulinta jirku wu leeyahay isago badnaan kara, yaran kara ama dheeli tiran)

Dear Doctor, Hadi an kaaga jawaabo su'aashaadda

1. sonkorow ma qabo, oo insulin ama any drugs ma qaado
2. ma ogi heerkayga insulinta, balse wxn isleeyahay cayilka waxa igu keenay insulin imbalance

Aad bd mudane ugu mahadsanthay, camal wanaagsan, cibaado suuban iyo cimri dheer bn ku rajyn

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Waa maxay Insulin imbalance?
« Reply #3 on: May 19, 2012, 12:02:53 PM »
Fikrad yar hadii aan kaa siiyo arrimaha aad ka hadlayso, waa in hormoonka insulinka sidiisaba wuxuu jirka ku caawiyaa in sonkorta tamar ahaan loo adeegsado, haddii insulin la waayo waxaa tamar ahaan jirka u adeegsadaa dhowr shey oo ay ka mid tahay xeyrta iyo proteins.

Haddii xeyrta la burburiyo oo tamar loo adeegsado waxaa soo haro xeyr aan tamar noqon karin, kadib jirka ayaa lagu keediyaa meelaha ay xeertaas fadhiisato waxaa ka mid ah beerka.

Marka haddii jirkaaga insulinka ku yaryarhay waxaa inta aysan howlahaas ay dhicin oo dhan kugu dhici lahaa sonkorowga nooca labaad, taas oo hadii aad qaadatid daawooyinka insuliinta caawiyo dhibaatada kor aan ku soo xusay yarayn karo.

Marka insulin la'aan waa sonkorow marka hore ee taas la soco.

Midda xigta oo ku saabsan cayilka iyo la tacaaliddiisa dhowr jeerne horay ayaan uga hadalnay waxaana jiro dhowr qoraal oo aad ka heli kartid webka ee ka baaro, haddii aad qabtid su'aal faahfaahin u baahan na soo weydii.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Waa maxay "Garguurato" ama "Uuryaal"?

Started by KamalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 67156
Last post May 22, 2009, 01:41:01 PM
by SomaliDoc
Waa maxay "Angina"?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 0
Views: 70316
Last post February 05, 2008, 07:56:57 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Burseelku"?

Started by Ahmed_IndhayareBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 63125
Last post September 01, 2009, 02:23:15 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "gynecomastia"?

Started by AnassmBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 47686
Last post May 06, 2018, 01:17:25 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Priapism"?

Started by Ahmed_CarabBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 45883
Last post January 22, 2019, 08:47:10 PM
by SomaliDoc