Author Topic: Su'aal: Tuunta (Garlic) Vs Blood Test.  (Read 11412 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Nasra

  • Newbie
  • *
  • Posts: 4
  • Points: +0/-0
  • Gender: Female
Su'aal: Tuunta (Garlic) Vs Blood Test.
« on: February 17, 2012, 01:33:35 AM »
Dhakhtar waa ku salaamay, salaan ka dib waa ku mahadsantahay sida wanaagsan jawaabaha saxda ah aa inooga siisid suaalaheena.

Marka xigto dhakhtar waxaan rabaa inaa ku weeydiiyo, aniga aad ayaa tuunta u cunaa waan jeclahay, oo markaan cuno waxaan dareemaa caafimaad dheeri ah, waqti kasto oo aa raashiinka cunaayo waan cunaa ayadoo ceeriin ah, marka suaasha aa rabo inaa ku weeydiiyo waxay tahay,

Hadii aa baaritaan dhiig (Blood Test) iska qaadaayo oo iska baaraayo cudurada guud (General Deseases) tuunta (Garlic) miyay wax u dhibeeysaa, tuunta waxaan maqlay hadii aa cunto cuduro aa qabto inay qarineeyso, marka sax miyaa arinkaas, hadii ay sax tahay iiga jaahil bixi dhakhtar.

Waxaan rajaynayaa jawaab deg deg ah.

Mahadsanid.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Tuunta (Garlic) Vs Blood Test.
« Reply #1 on: March 10, 2012, 02:05:43 PM »
Tuunta waxay leedahay faaido caafimaad badan ee waxaan kugula talin lahaa in aad cuniddeeda halkaa ka sii wado haddii aadan qabin cudurka gaaska ah oo ay kiciso.

Waxaa la arkay in tuunta ay lid ku tahay bakteeriyada, feyraska, fangaska iyo gooryaannadaba.
Waxay hoos u dhigtaa dhiig karta, kolostaroolka, kaankarooyinka qaarne waa lagu daaweeyaa.

Waxay kaloo ka qeyb qaadataa kontaroolidda sonkorta dhiigga, waxaa kaloo lagu daaweeyaa markii la shiido nabaraha reysan waayay.

Halkaan laguma soo koobi karo faaidad ay tuunta leedahay waxaana rajaynayaa in aan qoraal gooni ah ka soo diyaariyo.

Cudur aad horay u qabi jirtay haddii lagaa waayo markii aad tuun cuntay maahan macnaheeda in tuunta ay qarisay ee cudurkii bay kaa daaweysay.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Khadra80

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
  • Gender: Female
Re: Su'aal: Tuunta (Garlic) Vs Blood Test.
« Reply #2 on: May 11, 2012, 02:29:52 AM »
Waa markii iigu horeeysay aa maqlo Tuuntu waxbee daaweeysaa, cudurada KANSARKA iyo HIV/AIDS-ka miyee daaweeysaa? hadii la cuno oo dhiig la iska qaadaayo oo qofkaas qabo cuduradaas miyaa laga helayaa mise waa laga weeynayaa?, fadlan suaashaas iiga soo jawaaba, aad ayaa u mahadsan tihiin, walaahi webkaan aad ayaa ooga faaiday waxyaabo badan.

aad baan idinkaga mahadcelinaa dhaqaatiirta iyo dadka soo fakaray inay web noocaan oo kale furaan.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Tuunta (Garlic) Vs Blood Test.
« Reply #3 on: May 19, 2012, 10:55:02 AM »
Weli baaritaanno lagu sameeyay sida tuunta ay ula dagaagaasho fayraska AIDSka ma arag, laakiin waa la tijaabiyay in tuunta ay disho unugyada kansarka waxaana la arkay dadka joogteeya cunidda tuunta in kansarka uu ku yaryahay, haddii aad warbixin intaa dheer u baahan tahay ka akhriso netka qoraallada iyo baaritaannada ku saabsan arintaas sida: http://www.cancer.gov/cancertopics/factsheet/prevention/garlic-and-cancer-prevention
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Good marriage = Good blood pressure

Started by AdminBoard Health News and Events

Replies: 1
Views: 16941
Last post March 21, 2008, 09:55:34 AM
by Yaxya
Causes of Secondary hypertension (secondary high blood pressure)

Started by Ahmed_07Board Topics in Healthcare

Replies: 0
Views: 21314
Last post February 02, 2012, 08:25:25 PM
by Ahmed_07
The Aging Brain Helped By Injection Of Human Umbilical Cord Blood cells

Started by YaxyaBoard Health News and Events

Replies: 0
Views: 19472
Last post June 01, 2008, 09:00:33 PM
by Yaxya
Doctors acquitted in Canada tainted blood trial

Started by DiagnosticBoard Health News and Events

Replies: 1
Views: 8025
Last post October 03, 2007, 11:57:12 PM
by Abdullahi!
A game that teach u blood typing!!good luck

Started by YaxyaBoard Clinical Rotations

Replies: 2
Views: 10678
Last post March 28, 2008, 04:53:11 PM
by Yaxya