Author Topic: Su'aal: "Sixirka" iyo jirada "schizophrenia" ma isku mid baa?  (Read 26398 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline Naale

  • Newbie
  • *
  • Posts: 7
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Su'aal: "Sixirka" iyo jirada "schizophrenia" ma isku mid baa?
« on: February 18, 2012, 11:22:32 PM »
Hooyo ayaa in muddo ah xanuunsaneed oo waxaan uga shakisneen in la sixray, muddo 2 sano ah sariirta ayey jiiftay oo dhowr cisbitaal ayaan geenay dadkana way dili jirtay waxana jecleed kaligeed meel cidlo ah intay fadhiisato ay la sheekeesato dad aan la arkeyn waliba sida inay ganacsi ku jirto (shaqadeedi hore). ugu dambeyn Cisbitaal weyn ayaan geenay waxaana naloo sheegay inay qabto jirada "schizophrenia" waxaa loo soo qoray daawo soconeysa inta ka dhiman nolosheeda, daawada magaceeda waa "Heloperidol iyo Benzhexol" Alxamdulillah isla maalinti ay bilaawday ayey ku fiicnaatay illaa hadana waa u socotaa daawada, marka Doctor maxaa ka dhexeen karo Sixirka iyo jirradaan? waayo maamada markii ay xanuunsaneed waxay ina dhihi jirtay qof heblo ayaa cunno wax iigu daray waa lee sixray iyo ereyo la mid ah! Asal ahaanbo maxaa keena cudurkaan?

mahadsanid




Offline Hassan-Deeq

  • Newbie
  • *
  • Posts: 13
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Su'aal: "Sixirka" iyo jirada "schizophrenia" ma isku mid baa?
« Reply #1 on: February 27, 2012, 08:47:54 AM »
Asc wr wb naale sxb maamo odey adeerkay ah uu qabo ayaa 20 sano cudur maskaxeedkaas qabto oo iyadana lagu xantaa in la sixray culumo iyo hospitalna waa lagala noogay/ama daalay oo hada wali waa iska sideedii calaamadaha aa hooyo ku sheegtay kuwo la mid ahna maamadaan way qabtaa oo kaligeed ayay isla sheekaysataa ee nin yahow bal doctorkaan aa hooyo u gayseen ma noo sheegi kartaa ilaahay kheyr haku siiyee walaahi arin aan aad ugu baahnayn ayaad ka shanqarisay sxb iisoo jawaab insha allaah jzk allaah kheyral jazaa sc wr wb.

Offline Naale

  • Newbie
  • *
  • Posts: 7
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Su'aal: "Sixirka" iyo jirada "schizophrenia" ma isku mid baa?
« Reply #2 on: February 28, 2012, 10:49:03 AM »
Wcs Mr Hassan Deeq, run ahaantii sida Doctor-ka inoo sheegay waa Jirro jirta oo qofka maskaxdiisa ku mashquuleyso waxyaabihii u qaban jiray tagtadii hore (past time) uuna arkayo mowjado aysan dadka kale arkeynin, sidoo kale calaamadaha cudurkan waxaa ka mid ah in qofka uu ka shakiyo cuntada markasta uu cunto cunaaayo aad ayuu u fiirinayaaa wuuna ka shakinayaa wuxuu u maleenayaa in qof wax ugu soo daray, sidoo kale lugaha qofka cudurkan haayo waxaad moodaa mararka qaar inay jareynayaaan. aniga waxaan joogaa Kenya, Mombasa. Cisbitaal kastana waa lagu daweyn kara sida Doctorka noo sheegay, ee bal hadii calaamadahaan oo kale aad Maamada ku aragtay weydii una sharax Doctorka calaamadaha haayo, iyo waliba inaad cudurkaan uga shaki qabtaaan..

Offline Hassan-Deeq

  • Newbie
  • *
  • Posts: 13
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Su'aal: "Sixirka" iyo jirada "schizophrenia" ma isku mid baa?
« Reply #3 on: March 07, 2012, 07:35:25 PM »
Asc wr wb naale sxb aad iyo aad ayaad u mahadsan tahay koley maamada hada islama joogno oo waxay joogtaa GODEY iyo killilka 5aad ee somalida ethiopia bal insha allaah waan la xiriirayaa waana u sheegayaa bal in loo geeyo doctor oo bal laga baaro cudurkaas isaga ah aad ayaan mar 2aad kuugu mahad celinayaa sc wr wb.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: "Sixirka" iyo jirada "schizophrenia" ma isku mid baa?
« Reply #4 on: March 10, 2012, 11:03:51 AM »
Sixirka iyo cudurka Schizophrenia wax xiriir ah oo ka dhaxeeyo lama sheegin, laakiin cudurkaan maskaxeedka ee schizophrenia waa cudur sidiisa u jiro oo u kala baxo qeybo badan, warbixintiisa oo dhameestiran oo hada ka hor aan uga sheekeynay boggaan halkaan ayaad kaga bogan doontaa:

http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,930.0.html

Wixii su'aal ah aad qabtaan markaa cashirkaas akhrisataan, waad i soo weydiin kartaan.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Salaado cali

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 35
  • Points: +0/-0
Calamadaha cudurkaan oo kale walaalkay ayaa qaba
« Reply #5 on: April 13, 2015, 01:38:26 PM »
Asc dhaqtiirat sharfta laha ilahay qayr ha idin siiyee iga jaahil biya dhibkaan
dr waxaa jira wiil walaalkay ah oo xanuusanya mudo 7sano ah wuxuu lahaa calamadaha cudrkaan oo kale waxaan loo maleeyeey oo reerka dhan isku reeceen in la sixiray waxa kasta oo sixirka lugu burburayo waa lagu sameeyey waxana kama tarin wuxuu diiday magaalo oo dhan shaki uu dadka ka qabo waxaa lageeyey meel tuulaha ma uusan cuni jirin cunto loo soo kariyo ama haduu qof ka taabto cunta uu karsado wuu diidi jiray waxaa dhacady inu aad u baabo oo nafaqo daro ku dhacado sariirana ku aruuro indhihii ay arga yareeyaan maqalka sidoo kale  socod uu gabo hada xlkissa saas ayeey ku danbaysaa arkiisa uu yaryahay maqlkna sidoo kale socodna ma jiro waxaa loo geeyey dhaqatar nerverlogista ah ama dhqtar neerfah daawo ayuu u soo qoray shakigii wuu iska daayey lakn isbadl kale ma samayn  markaa maxad igula talin lahayd  dr

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: "Sixirka" iyo jirada "schizophrenia" ma isku mid baa?
« Reply #6 on: April 16, 2015, 10:12:46 AM »
Cudurka skitzofreeniyada wuxuu ka mid yahay cudurrada lagu qaldo jinniga ee fadlan aqoon dheeraad ah u yeelo xanuunkan adigoo ka akhrista halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,935.0.html

Caafimaad baan u rajaynayaa walaalkaa.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Salaado cali

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 35
  • Points: +0/-0
Talo
« Reply #7 on: April 16, 2015, 05:14:18 PM »
Dr waa mahdsntay cudrkaan horay ayaan u aqriyey ee waxaan idinka rabaa talo si aan xal ugu halo wiilkaa oo xaldiisa caaadi ku soo noqoto waad mahadsantihiin

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: "Sixirka" iyo jirada "schizophrenia" ma isku mid baa?
« Reply #8 on: April 20, 2015, 12:29:25 PM »
Waxaad la xiriirisaa qeybta daryeelaka cudurrada dhimirka si ay u arkaan bukaanka, wixii talo ah iyagaa ku siin doonno, wixii dhinaca dhimirka la xiriiro ama wixii talo caafimaad guud maadaama aad tilmaantay inuu nafaqo darri ay hayso.

Caafimaad ayaan u rajaynayaa.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

SU'AAL: XANUUN MEESHA DHAXDA AH EE KU AADAN XUDUNTA ILAA ISKU WEERKA OO DHAN?

Started by SiihaamBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 21416
Last post April 26, 2011, 06:57:47 PM
by Drkheyre
Guurka Lamaanayaasha Isku Hidde Sidayaasha Ahi, Ma U Sabab Baa Cilad Ku Dhalashada Ilmaha?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 5
Views: 43974
Last post October 16, 2011, 04:39:29 AM
by CilmiSabca
Su'aal: Waxaan isku arkay markaan aqriska badsado in aan arki waayo?

Started by AbdikaniBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 47768
Last post March 07, 2011, 05:28:58 PM
by SomaliDoc
Su'aal: waxaan isku arkay nabaro yaryar oo afka gudihiisa iga soo baxa?

Started by CabdicasiisBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 29329
Last post April 19, 2011, 09:51:52 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaa in muddo labo sano ah isku arkay dhago culays?

Started by Hassan45Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 6957
Last post September 22, 2015, 01:36:10 PM
by SomaliDoc