Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha
Su'aal: "Sixirka" iyo jirada "schizophrenia" ma isku mid baa?
Naale:
Hooyo ayaa in muddo ah xanuunsaneed oo waxaan uga shakisneen in la sixray, muddo 2 sano ah sariirta ayey jiiftay oo dhowr cisbitaal ayaan geenay dadkana way dili jirtay waxana jecleed kaligeed meel cidlo ah intay fadhiisato ay la sheekeesato dad aan la arkeyn waliba sida inay ganacsi ku jirto (shaqadeedi hore). ugu dambeyn Cisbitaal weyn ayaan geenay waxaana naloo sheegay inay qabto jirada "schizophrenia" waxaa loo soo qoray daawo soconeysa inta ka dhiman nolosheeda, daawada magaceeda waa "Heloperidol iyo Benzhexol" Alxamdulillah isla maalinti ay bilaawday ayey ku fiicnaatay illaa hadana waa u socotaa daawada, marka Doctor maxaa ka dhexeen karo Sixirka iyo jirradaan? waayo maamada markii ay xanuunsaneed waxay ina dhihi jirtay qof heblo ayaa cunno wax iigu daray waa lee sixray iyo ereyo la mid ah! Asal ahaanbo maxaa keena cudurkaan?
mahadsanid
Hassan-Deeq:
Asc wr wb naale sxb maamo odey adeerkay ah uu qabo ayaa 20 sano cudur maskaxeedkaas qabto oo iyadana lagu xantaa in la sixray culumo iyo hospitalna waa lagala noogay/ama daalay oo hada wali waa iska sideedii calaamadaha aa hooyo ku sheegtay kuwo la mid ahna maamadaan way qabtaa oo kaligeed ayay isla sheekaysataa ee nin yahow bal doctorkaan aa hooyo u gayseen ma noo sheegi kartaa ilaahay kheyr haku siiyee walaahi arin aan aad ugu baahnayn ayaad ka shanqarisay sxb iisoo jawaab insha allaah jzk allaah kheyral jazaa sc wr wb.
Naale:
Wcs Mr Hassan Deeq, run ahaantii sida Doctor-ka inoo sheegay waa Jirro jirta oo qofka maskaxdiisa ku mashquuleyso waxyaabihii u qaban jiray tagtadii hore (past time) uuna arkayo mowjado aysan dadka kale arkeynin, sidoo kale calaamadaha cudurkan waxaa ka mid ah in qofka uu ka shakiyo cuntada markasta uu cunto cunaaayo aad ayuu u fiirinayaaa wuuna ka shakinayaa wuxuu u maleenayaa in qof wax ugu soo daray, sidoo kale lugaha qofka cudurkan haayo waxaad moodaa mararka qaar inay jareynayaaan. aniga waxaan joogaa Kenya, Mombasa. Cisbitaal kastana waa lagu daweyn kara sida Doctorka noo sheegay, ee bal hadii calaamadahaan oo kale aad Maamada ku aragtay weydii una sharax Doctorka calaamadaha haayo, iyo waliba inaad cudurkaan uga shaki qabtaaan..
Hassan-Deeq:
Asc wr wb naale sxb aad iyo aad ayaad u mahadsan tahay koley maamada hada islama joogno oo waxay joogtaa GODEY iyo killilka 5aad ee somalida ethiopia bal insha allaah waan la xiriirayaa waana u sheegayaa bal in loo geeyo doctor oo bal laga baaro cudurkaas isaga ah aad ayaan mar 2aad kuugu mahad celinayaa sc wr wb.
SomaliDoc:
Sixirka iyo cudurka Schizophrenia wax xiriir ah oo ka dhaxeeyo lama sheegin, laakiin cudurkaan maskaxeedka ee schizophrenia waa cudur sidiisa u jiro oo u kala baxo qeybo badan, warbixintiisa oo dhameestiran oo hada ka hor aan uga sheekeynay boggaan halkaan ayaad kaga bogan doontaa:
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,930.0.html
Wixii su'aal ah aad qabtaan markaa cashirkaas akhrisataan, waad i soo weydiin kartaan.
Navigation
[0] Message Index
[#] Next page
Go to full version