Author Topic: Su'aal: Xaaskayga mar labaad uma galmoon kari?  (Read 7857 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Aadmiga

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Su'aal: Xaaskayga mar labaad uma galmoon kari?
« on: September 03, 2018, 04:01:35 PM »
1)asc waxaan ahay xaasle cusub xaaskayga kulan labaad lama qaadan kari hadaa hal mar galmoodo awalna saas ma aheen, maxaa sababay?
ikfashin maajiro waxay xaaskayga ii sheegtay in marar uu ka yimaado dheecaan cad oo dareen ku imaan ma sababi karaa arinta i haysata. uurkana ma hor istaagi karaa ikfashinkaas haduu jiro.
2)tan labaad shahwadeeda ma boodayso tiiro saasa malahan markay iga timaado sabab ma u noqon kartaa inay xaaskayga uur ii qaadi wayso.
fadlan dag dag iigu soo jawaaba




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Xaaskayga mar labaad uma galmoon kari?
« Reply #1 on: January 27, 2019, 09:01:43 PM »
Qasab ma ahan in mar walba aad laba tooko / jeer ciyaartid, jirkaaga isbadal ayaa ku imaan kara, mar walbane sidaadii hore ahaan maysid waa arrin dabiici ah oo raggu ka wada siman yihiin, intaas waxaa dheer markaa galmada hore samaysid in jirkaaga uu galo marxalad nasasho ama soo kabsasho ah taasoo dhakhaatiirta u yaqaanaa "Refractory period", raggu way ku kala duwan yihiin arintaas, qaar baa saacado ku filan tahay, qaarne maalmo ayay u baahan yihiin, waxyaabaha xadidi karo arintaan waxaa ka mid ah da'da, caafimaadkaaga, dareenkaaga iyo xaaladda jir iyo maskax ahaan ee aad ku sugan tahay markaas, tusaale ahaan haddii aad daalan tahay waxaa laga yaabaa inaad hurdo la dhacdid markaad howsha qabatid ama aadba murqo xanuun ka qaadid, sidoo kale hadduu welwel ama niyadjab jirto marka waa arrin ku xiran marba sida aad tahay ee wax laga welwelo ma ahan. 

Midda ku saabsan tiirada ama gantanka biyaha oo gaabta waa arrin si dabiici ah ku imaan karta xanuun la'aan, laakiin wax saameyn ah kuma lahan uurqaadista sababtoo ah waxa shahwada ku jiro walxo alle ugu talagalay inay xawaare ku socdaan oo ugxanta iyagaa raadsanayo ee biyaha inay meel fog gaaraan kuma xirna. tan waxaa la mid ah su'aal kaloo dhowr jeer lamaanaha isku cusub isoo waydiiyaan oo ah biyaha oo dib u soo noqdo ama soo daato howsha ka dib ma cillad baa oo uur la'aan amay ka dhalan kartaa, jawaabtaasi iyadoo faahfaahsan ka akhriso halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5837.0
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Dhiig Brown Clour Ah Oo Xaaskayga ka Socda iyadoo 9 weeks pregnancy ah?

Started by Mohamed2012Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 22376
Last post January 29, 2012, 12:22:48 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Markii aan xaaskayga damco, waxba ma awoodo?

Started by Nuur12Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 6343
Last post March 12, 2012, 07:03:26 AM
by Hassan-Deeq
Su'aal: Guska oo iga damo markaan xaaskayga damco?

Started by Dhoore12Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 16388
Last post July 14, 2016, 08:55:28 PM
by Libaaxsane
Su'aal: Maxaa u sabab ah dildilaaca dibnaha xaaskayga?

Started by Mohamed Osman HassanBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 4480
Last post February 08, 2016, 02:21:24 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xaaskayga ayay wareega cadeeda tahy 35 ama 36?

Started by Ridwaanhaaji114Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 3018
Last post June 03, 2016, 08:21:28 PM
by SomaliDoc