Author Topic: Brucella Species  (Read 6165 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Hassan Hashi

  • Newbie
  • *
  • Posts: 6
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Brucella Species
« on: March 04, 2012, 05:19:01 PM »
how can we diagnose brucella species?




Offline Jamaaluddiin

  • Newbie
  • *
  • Posts: 20
  • Points: +0/-0
Re: Brucella Species
« Reply #1 on: February 09, 2016, 06:42:15 PM »
*waa maxay cudurkani brucellosiska?
waa cudur ay keento bacteriyada nooceeda dhuubnida iyo wareega u dhexeysa qaab ahaan ayna qaadata midabka casaanka ah markii loo isticmaalo rinjiga loo yaqaano Gram stain waa mid aan dhaqdhaqaaqin waxayna dadka ugu soo gudbi kartaa xayawaanada xagooda ama waxa loo yaqaano Zoonosis waxayna leedahay dhowr nooc oo kala duwan balse waxaa ugu muhimsan 3daan soo socda:
1-Brucella abortus tani waxay dadka ugu soo gudubtaa xagga lo'da 2-Brucella melitensis tani waxay dadka ugusoo gudubtaa xagga ariga iyo idaha 3-Brucella suis tanna waxay dadka ugu soogudubtaa xagga doonfaarka waxaa sidoo kale jira Brucella canis oo iyadana dadka ugu soo gudubta xagga eeyaha
*sidey ugu soo gudubtaa dadka?
waxay ugu soo gudubtaa iyadoo la cuno hilibka xayawaanadani oon la karin, caanahooda oon la kululeyn ama in si toosah loola dhaqmo sida in la taabto ama sanka laga qaato neef xageeda ka timid
*Siduu cudurku u yimaadaa?
bacteriyadani waxay awood u leedahay inay ku noolaato unugyada cadcad dhexdooda kuwooda lagu magacaabo Monocytes kuwaasoo markii danbe kusoo urura beerka wadnaha kelida iyo dhuuxa lafaha
*Sidee loo dareemaa cudurkan iyo waxayaabaha uu keeni karo:astaamaha intooda badan waxay soo muuqanayaan 2 ilaa 4 todobaad inta u dhaxeyso kadib markii cudurkaan la qaadoastaamahaasi waxaa ka mid ah: qandho, lafaha iyo kalgoysyada oo xanuuna, beerkaiyo beeryaraha oo barara, amateedka oo xirma, madax xanuun, shuban iyo calool xanuun, caatonimo, qufac, matag, iyo cunaha qeebtiisa hore oo xanuuna?
#?Sidee_loo_baaraa??
-in la ogaado u banbixida xayawaanada gudbin kara cudurkan
-in laga helo bacteriyada sababta dhiiga ama dhuuxa lafaha iyo in laka saaro qabiiladeeda iyadoo la adeegsanaayo baaritaano lagu qabto sheybaarka gudihiisa
*Sidee loo daaweeyaa?
waxaa la qaataa qalajiyaal ama antibiotic ooy ka mid yihiin: a- Doxycyclin Streptomycin Gentamycin b- in la isku daro Doxycyclin iyo Rifambicin
*Ugu danbeyn Sidee looga hortagi karaa?
-in laga fogaado ilmaha xayawaanaatkanioo hooyada kasoo dhacay -in la kululeeyo caanaha intaan la cabin (pasteurilization) -In hilibka si fiican loo kariyo

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Brucella Species
« Reply #2 on: February 14, 2016, 03:43:02 PM »
Halkaan ka akhriso wixii macluumaad intaa dheer.
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2233.0.html
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Malaria Species?

Started by drmdarifBoard Topics in Healthcare

Replies: 1
Views: 17660
Last post December 30, 2013, 01:45:08 PM
by Yusra