Author Topic: Su'aal: Maxaa keena inu difaaca jidhku hoos u dhaco?  (Read 11027 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Qawdhan

  • Newbie
  • *
  • Posts: 16
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Su'aal: Maxaa keena inu difaaca jidhku hoos u dhaco?
« on: March 11, 2012, 10:14:04 PM »
 maxaa keena inu difaaca jidhku hoos u dhaco?
« on: Today at 10:11:12 PM »    

--------------------------------------------------------------------------------

marka hore dhmmantiin aadban idiin salamaya bacda salan wax donaya inaad iga soo jahil sartaan dhowr su'aalood oo ku sabsan difaaca jidhka?
1.waa maxay difaaca jidhku?
2. maxaa keena inuu hoos uu dhaco difaaca jidhku?
3.maxaa loo baahan yahaye si kor logu qado?
4.heererka lagu cabiro maxay yihiin  ama side loo cabiraa?
5. sidoo kalewaa maxayWBC , RBC,E.CELLS IYO PLT?
waxa iga so jahilsartaa waxayabahay qabtaan iyo waxay ku kala duwanyihiin.
aad baan uga faiiday jawaabo hore oo aad i sheegteen. waad mahadsantin




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Maxaa keena inu difaaca jidhku hoos u dhaco?
« Reply #1 on: April 06, 2012, 06:06:28 PM »
Halkaan ka akhriso jawaab hore oo ku saabsan difaaca jirka http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2300.0.html

Midda xigta WBC,RBC iyo PLT, waa unugyo dhiigga laga helo oo eebe ugu talo galay dhowr shaqo oo kala duwan tusaale ahaan: WBC= waxaa la yiraahdaa unugyada difaaca jirka waxayna u qeybsamaan dhowr unugyo oo kala duwan oo shaqadoodane ay kala duwan tahay inkastoo kuligood ay ka qeyb qaataan sidii difaaca jirka u xoojin lahaayeen, unugyadaas waxaa ka mid ah: Neutrophi, Lymphocyte, Easionphil, Basophil iyo Monocyte. haddii difaaca jirkaaga uu hooseeyo waxaa laga fahmaa in unugyadaani ay yaraadaan.

RBC= waxaaa loo yaqaanaa unugyda dhiigga cascas, waana uguyada ka mas'uul ah dhiigga, waxayna qaadaan maadada loo yaqaanno Hemoglobin oo la baaro markii qofka looga shakisan yahay dhiig yari.

PLY= waxaa laga soo gaabiyaya Platelet, iyadane eebe wuxuu ugu talagalay in ay ka qeyb qaataan joojinta dhiig baxa oo waxay u qaabilsan yihiin xijir samaynta iyagoo la kaashado waxyaabo kale oo tira badan oo dhiigga ku jira oo iyagane shaqadaas in ay ka qeyb qaataan loogu tala galay.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Qawdhan

  • Newbie
  • *
  • Posts: 16
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Su'aal: Maxaa keena inu difaaca jidhku hoos u dhaco?
« Reply #2 on: April 08, 2012, 06:25:49 PM »
aad baad uu mahad santiin jawaabtii aad isoo siiseen wax badan baan ka fahmay lakiin waxan doonayaa in si balbalaadhan aad iga soo jahil sartaan su,aalahan oon wali ii cadaan.

1.maxaa hoos u ridaa difaaca jidhka?
2. ma is garan kartaa adiga oo aan badhitaan marin inu hooseyo difaacagu?
3.sidee baa kor ugu qaadi karta maxase cunto ahaan kor u qada?
4. heerka lagu cabiro maxa la idhaah maana ilaa inta ugu hooseen?

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Maxaa keena inu difaaca jidhku hoos u dhaco?
« Reply #3 on: May 19, 2012, 12:35:28 PM »
Cudur walba oo saameeyo unugyada difaaca jirka, samaysooka, koriinkooda amaba burburintooda wuxuu keenaa difaaca jirka in uu hoos u dhaco, waana cudurro badan oo uu ka mid yahay AIDS-ka.

Haddii aad caafimaadka wax ka taqaanno waa laga yaabaa maxaa yeelay waxaa jiro cudurro badan oo fursad gaad ah oo ku dhaco qofka difaaciisa uu hooseeyo oo haddii cudurkii aadan garanaynin waa dhib in aad fahanto.

Hadduu difaaca jirkaaga uu hooseeyo waa in lagaa daaweeyaa cudurka keenay ee cunno kaliya wax kama tarto.

Dhowr si ayaa loo cabbiraa difaaca jirka, laakiin waa in aad takhtar la xiriirta kadibna isgaa kuu diri doono baaritaanka kugu habboon.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Diktoore, maxaa laga wadaa Reactive, Weak-reactive iyo Non-reactive?

Started by XidigBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 55910
Last post July 02, 2017, 11:30:43 AM
by SomaliDoc
Caga-hurka ama Caga-ololka Maxaa Keeno?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 4
Views: 162216
Last post August 23, 2015, 02:14:13 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa lagu daaweeyaa Agoolka "Dandruff"?

Started by CmqalinleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 106917
Last post January 06, 2015, 08:30:19 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keni kara calol xanuunka iyo naaso xanuunka

Started by GacalsameBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 57925
Last post December 05, 2015, 01:19:38 PM
by SomaliDoc
Maxaa meydka loo qalaa? Waa maxay "Autopsy"?

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 1
Views: 62250
Last post April 06, 2016, 04:35:38 PM
by Mo Digdig