Author Topic: Su'aal: Muxuu yahay xanuunka Stye?  (Read 26668 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Aamina114

  • Newbie
  • *
  • Posts: 4
  • Points: +0/-0
Su'aal: Muxuu yahay xanuunka Stye?
« on: March 15, 2012, 01:25:48 PM »
Asalaama calaykum bacda salaan suaal ayaan qabaa suaashadayna waxaa weeye muxuu yahay xanuunka loo yaqaan stye ee indhaha ku dhaca soomaali see maxaa lagu dhahaa??




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Muxuu yahay xanuunka Stye?
« Reply #1 on: April 06, 2012, 08:01:41 PM »
Stye, waa cudur ku dhaco indhaha, wuxuuna ku sii dhacaa baalasha indhaha oo ay ka soo baxaan kuus yar yar sida ka soo baxa oo kale..

Tani waxay ka dhalataa markii caabuq gaaro qanjirro yaryar oo baalasha indhaha ku yaallo oo soo daayo dufan isha qooyo.

Xanuuna waxaa keeno caabuq kabteeriyo oo ku dhaca qanjirada baalka isha.

Badanaa way iska raysataa oo way dillaacdaa laakiin haddii ay aad u bararto waxay isku badashaa cudur kale oo loo yaqaanno "Chalazion"

Calaamadaha lagu garto waxaa ka mid ah iftinka oo ku dhibo, isha oo ilimeyso iyo daqnasho markaa taabato.

Daawayntu way sahlan tahay waxaa la saaraa wax diiran muddo 10 daqiiqo afar jeer maalintii wayna baaba'daa, laakiin ha isku dayin in aad dilaacisid ama tuujisid.

Haddii ay soo laalaabato waxaa la isticmaaliyaa kareem antibiotik ah oo la mariyo baalasha indhaha, haddii intaa ku baabi'i wayso waa in la jeexaa oo laga soo saaraa wasakhda.

Haddii xanuunkaan aad isku aragtay la xiriir takhtar indho.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Aamina114

  • Newbie
  • *
  • Posts: 4
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Muxuu yahay xanuunka Stye?
« Reply #2 on: April 07, 2012, 05:45:57 PM »
maansha allaaah somalidoc aad ayaad u mahadsan tahay sida wacan u sharaxdaw cudurkaan laakiin soomaali maxaa lagu dhahaa???????????

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Muxuu yahay xanuunka Stye?
« Reply #3 on: May 19, 2012, 12:42:17 PM »
Ereyga ku habboon ee afsoomaaliga ah garan maayo laakiin markii aan caruurta ahayn waxaan dhihi jirnay: isha "abooto tutu" ayaa iiga soo baxday?!!!
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Xanuunka la dheho "Lupus"?

Started by AbdiweliBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 16757
Last post October 16, 2016, 06:33:09 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xanuunka loo yaqaano "Abscess"?

Started by MustafacumarBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 14346
Last post January 04, 2018, 02:03:56 AM
by CilmiSabca
Su'aal: Xanuunka Barasta ma la kala qaadaa? Sidee loo qaadaa?

Started by CawadBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 33554
Last post February 22, 2010, 12:47:32 PM
by SomaliDoc
Xanuunka Gacanta, Cagta iyo Afka - Hand, Foot and Mouth disease (HFMD)

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Maqaarka

Replies: 0
Views: 39944
Last post January 01, 2011, 08:53:48 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Noocyada Feero Xanuunka maxaa lagu kala gartaa?

Started by Abdi KarimBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 87190
Last post January 30, 2008, 02:32:49 AM
by Waxbaro!