Author Topic: Dhiig Karka (Hypertension)  (Read 103166 times)

0 Members and 3 Guests are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Dhiig Karka (Hypertension)
« on: December 04, 2007, 07:26:41 AM »


Dhiig karku wuxuu yimaadaa markii cadaadiska Dhiigga uu sarreeyo, taasoo macnaheeda ah xowliga uu qulqulka dhiigga ku dhex socdo xididada oo sarreeyo.

Iska Cabbiridda Cadaadiska Dhiiggaaga
Cadaadiska dhiigga waxaa badanaa lagu hubiyaa iyadoo mashiin leh maro lagu xiro dhinaca sare ee gacanta, markaa labo lambar ayaa cadaadiska dhiigga loo qoraa.
• Lambarka kore waa midka sare waxaana loo yaqaannaa "systolic". Waa cadaadiska ku jira xididada dhiigga marka uu wadnaha dhiiggu ku shubmo.
• Lambarka hoose waa midka hoose waxaana loo yaqaannaa "diastolic". Waa cadaadiska ku jira xididada dhiigga marka uu wadnuhu nasanayo inta u dhexeysa garaacyada.

Cadaadiska Dhiigga ee Caadiga ah
Cadaadiska dhiigga ee caadiga ah wuxuu ka agdhow yahay tirada 120 oo la hoos dhigay 80 ama ka yar.
Da'da way saamaysaa cadaadiska, oo wax yar ayuu ka korreeyaa akhrinta kor ku xusan mar walbuu qofka da'diisa kororto, waana dabiici.
Cadaadiska dhiigga qofba qofka kale wuu ka duwan yahay.
Cadaadiska dhiigga wuxuu isu badali karaa daqiiqado, qasab maahan in mashiinta ay soo qorto 120/80, wax yar ayuu ka duwanaan karaa.

Cadaadis Dhiig oo Sarreeya
Cadaadis dhiig oo sarreeya waxaa loo yaqaannaa dhiig kar (hypertension).
Cadaadis dhiig oo sarreeya waa 140 oo la hoos dhigay 90 iyo wixii ka sarreeya.
Baaritaan cadaadis dhiig oo sarreeya lama sameeyo ilaa cadaadiska dhiiggaaga laga hubiyo dhowr mar uuna noqdo mid sarreeya.
Mar kastoo ay dhiigga ku adkaato inuu ku qul-qulo marinnada dhiiggaaga, lambarrada cadaadiska dhiiggu kor ayey u sii kacayaan. Marka uu jiro cadaadis dhiig oo sarreeya, wadnahaagu si xoogan ayuu u shaqaynayaa.

Dhiig karku waa meeqa nooc?
Dhiig karka waxaa loo kala bixiyaa laba nuuc oo kala ah: mid aan la garanaynin sababta keento oo dhaxal noqon karto, qaab nololeedka qofka wuxuuna u badan yahay dadka waaweyn. nooca labaad waa mid ku yimaada xanuun sida xanuunka kilyaha, cillad xididada wadnaha ah, hormoonada jirka ay soo daayaan qanjirrada oo sarreeyo ama dhibaato kalaba, noocaan ma lahan da' wuxuu ku dhici karaa da' kasta.
Waxaa jira dhiig kar ku dhaca haweenka uurka leh oo loo yaqaano eklaamsiyo "Eclampsia". Akhriso qoraal ku saabsan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1462.0
Dhiig karka noocyadiisa kala duwan waa isku daawo, laakiin haddii uu jiro xanuun keenay waa in xanuunkaa isagane laga daaweeyo qofka.

Calaamadaha Cadaadis Dhiig oo Sarreeya
Habka keliya ee lagu ogaan karo cadaadis dhiig oo sarreeya waa in la hubiyaa, waana in dhowr la cabbiraa haddii shakki jiro.
Dadka badankoodu calaamado ma lahan. Dadka qaarkood waxaa laga yaabaa iney madax xanuun isku arkaan ama aragti ceryaamo ku jirto, wadna garaac, neefsashada oo dhib ah, san-goror, dhabar xanuun iyo caga barar. hadduu qofka isku arko astaamahaas waa muhiim in cadaadiska dhiigga la iska cabbiro.

Daryeelkaaga
Koontaroolidda cadaadiska dhiiga oo sarreeya aad ayey muhiim u tahay. Haddii aad cadaadis dhiig oo sarreeya leedahay waa inaad:
• Badanaa cadaadiska dhiigga iska hubisaa. Dhakhtarkaaga la xariir haddii cadaadiska dhiiggaagu uu sii sarreeyo.
• Daawada cadaadiska dhiigga u qaado sida uu dhakhtarku ku amray.
• Daawada qaado xataa haddii aad caafimaad dareento ama cadaadiska dhiiggu uu caadi yahay.
• Miisaanka dhin haddii aad buuran tahay.
• Xaddid cusbada cuntooyinkaaga iyo cabitaannada ku jirta.
• Ka fogow cabidda khamriga.
• Jooji sigaar cabidda ama isticmaalka tubaakada iyo qaatka (jadka).
• Jir-dhis samee ku dhowaad maalin walba.
• Isku buuqidda/diiqadda iska yaree.

Dhibaatooyinka dhiig karka
• Maskaxda oo dhiig ku furmo, qofkane miirka ka tago waxaa loo yaqaannaa "Stroke". Akhriso qoraal ku saabsan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3552.0
• Kilyaha oo howlgabo ama shaqada joojiyo. Akhriso qoraal ku saabsan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1750.0
• Wadnaha oo istaago ama khalkhal galo. Akhriso qoraal ku saabsan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=685.0
• Indho-beelka dhiig karka
Dhibka ugu weyn wuxuu ka dhashaa markuu qofka daawada iska joojiyo ama uusan joogto u qaadanin ama aanan dhakhtar la xiriirin isagoo isku arkay astaamo dhiigkar.
Dhibaatooyinka halista ah ee sii kordhiyo khatarta dhiig karka waxaa ka mid ah: buurnimada, cabidda khamriga iyo sigaarka, sonkorowga / kaadi macaanka, kolestaroolka, kacsanaanta qanjirka thyroidka iyo xanuun wadne hadduu horay u jiray.

Si dagdag isbitaal u gaar hadii aad isku aragto:
• Madax xanuun daran
• Isbeddelka aragtida ah
• Xanuun feeraha ah, cadaadis ama ciriiri feeraha ah.
• Ay neefsashadu kugu adag tahay ama ay kugu gaaban tahay.
• Haddii aad san-goror isku aragto.
• Kabaabyo lama filaan ah, daciiftinnimo wejiga, gacanta ama lugta ah.
• Jahawareer lama filaan ah, dhibaato kaaga timaadda fahmidda ama dhibaato dhinaca hadalka ah.
• Dhibaato wax liqidda ah.

Halkaan ka baro cashir ku saabsan Faaliga (Stroke)

http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


Offline Mo Digdig

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 27
  • Points: +0/-0
Re: Dhiig Karka (Hypertension)
« Reply #1 on: July 03, 2016, 06:15:57 PM »
Waxaan idin leeyahay Ramadaan Mubaarak.
Dr. Abaal aan lasoo koobi Karin Ilaahey ha idinka siiyo.

Waxan qabaa arin laxariirta dhiig karka. Hadii dhiiga uu noqdo 129 sys qeybta sare iyo 93 dia qeybta hoose iyo 77 qeybta ugu danbeysa, mala dhihi karaa dhiig-kar ayaa jira, mise waa isbedel caadi ah.

Madaxanuun waa jiraa.

Waxan rajeynayaa, inaad ii faa'iideysaan.

Mahadsanidiin

Offline Qoorgaab120

  • Newbie
  • *
  • Posts: 6
  • Points: +0/-0
Re: Dhiig Karka (Hypertension)
« Reply #2 on: January 26, 2019, 08:32:55 AM »
Asc,dhaqaatirta sharafta leh.

Dhiig karka Hooyo aya qabta Daawadana si joogta ah uma isticmaasho, waa hilmaantaa inta badan meel baadiya camal ahna waa joogtaa, waxay mararka qaar isticmaashaa Toon, badalkii kaniinka marka toonta ma uga maarmi kartaa kaniinta qatar intee la'eg ayaysa waajahi kartaa?
Mahadsanidiiin.


 

Su'aal: Dhiig Brown Clour Ah Oo Xaaskayga ka Socda iyadoo 9 weeks pregnancy ah?

Started by Mohamed2012Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 22369
Last post January 29, 2012, 12:22:48 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Naag uurleh xiliga caadada dhiig maka imaan karaa?

Started by Abdi21Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 26104
Last post March 14, 2015, 03:41:06 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Meeshii shahwada laga rabay dhiig ayaa ka yimid?

Started by Kaamil121Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 20106
Last post December 20, 2018, 10:03:39 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Caadada markay ku dhaco wax dhiig ah kama imado?

Started by Maizah BBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 58091
Last post January 13, 2016, 01:48:41 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Hooyo dilantay oo dhiig muddo 3 bilood wado?

Started by NasibBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 10755
Last post February 03, 2011, 05:04:30 PM
by SomaliDoc