Author Topic: Su'aal: FSH hormone?  (Read 11555 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Abumohamed

  • Newbie
  • *
  • Posts: 13
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Su'aal: FSH hormone?
« on: March 29, 2012, 03:09:27 AM »
DHAMAAN DHAAKHAATIIRTA SOMALI MEDICAL WAXAAN KU SALAAMAYAA SALAANTA MUSLIMKA, ''salaamu calaycum warahmatullaahi wa barakaatu''

Salaan ka dib:-

Su'aalo ayaan qabaa ku saabsan caafimaadkayga. Da'adayu ama my age is 25years my name maryam.

1- waxaa ay mushkilad iga haysataa CAADADA ama Dhiiga ka imaada dumarka bishii mar, taas oo aan ahayn shay igu cusub maadaama aan la liitay mudo ku dhaw 4sano iyo dheeraad taas oo aan imanin bishii uu iman jiray wuxuuna qaataa mudo dhawr bilooda mararka qaar ma imaado sanad ku dhawaad dhakhaatiir badana waan tagay waxaanay ii soo qoraan DAWADA mamnuucda uurka ama 21 one-ka, taasna intaan cunayo way iga timaadaa CAADADU, laakiin markaan istaajiyo dawada CAADADUNA wey istaagaysaa, sanadkii hore markay taariikhdu ahayd 03/2011 ayaan helay UUR-JIIF ama uur aan DABIICI ahayn ama waxaa loo yaqaano afka qalaad ''Molar Pregnancy'' taas oo markii danbe layga soo nadiifiyay ama xaaqay ka dibna laysoo qoray 7-bilood oo aan qaadanayo DAWADA uurka joojisa ama mamnuucda taas markii aan dhamaystay waxaan isku arkay CAADADII oo maqan oo aan wax isbadal ahna samayn, ka dibna waxaan toos ula xidhiidhay dhakhtar waxaanan la socday mudo oo uu u fiirsanayay xaaladayda waxaanu isoo siiyay markii igu horaysay dawo keenaysa CAADADA oo aan cunayo 5-cisho 15-xabo,taasna waa ay keeni weyday CAADADII hadana waan ku noqday waxaanu ii soo qoray 21-kii aan hore u qaadan jiray waxaanu ii sheegay inaan markaan dhamaysto oo ay timaado CAADADII aan maalin 2aad ee CAADADA aan ku soo laabto kadibna sidii ayaan sameeyay waxaanan kusoo noqday maalin 2aad nasiib xumo waa uu maqnaa isagoo fasax ku jira ayaan tagay waxaana lay sheegay inaan ku soo noqdo 2-cisho kadib waanan u tagay maalintii 4aad ee caadada waxaanu ii diray Baadhitaan ku saabsan HORMONE-ka oo afar nooca taasna waan samayay waxaanay natiijadii sheegtay 3 ok ah iyo mid kacsan ka kacsanaa wuxuu ahaa HORMONE-ka FSH'' waxaay na ii bilawday IRBADO ama IRAAB 6 cisho aan qaatay maalintiiba IRBAD ayaan soo qaadanayay, IRBADAHANA waxay ahaayeen kuwo ay kula tacaalaysay xanuunkan laakiin Nassib daro wax natiijo ah may samayn markii ay iga qaaday SAWIR ama ISHAACO waxaanu dhakhtarkii ii sheegay inaanu wali arag wax isbadal ah laakii waxaa uu ii soo qoray 2 dawo oo kale oo kala ah 1- DUPBASTON  oo ah baan u maleenayaa ta CAADADA keenaysa oo aan 2 xabo ka qaato maalintii oo 1 xabada iyo habeenkii oo 1 xabo ah mudo 15-cisho, Dawada kale oo ah 2- DHEA tabs 25mg T.D.S for tree months taas oo anan wali bilaabin laakiin aan isleeyahay bilaaw baritoole INSHA ALLAAH intaas ka dib waxaa uu dhiktoorkii ii sheegay inaan ku soo noqdo markaan dhamaysto Dawooyinkan waxaanu ii raaciyay hadii ay wax tari waayaan dawooyinkan in uu samayndoono talaabooyin kale oo ay ka mid tahay IRBADO kale oo aan qaato si buu yidhi ay beedad-ku usoo saarno kadibna aan samyno waxaa afka qalaad lagu yidhaahdo ''Children pipeline'' taas oo anaan waxba ka fahmin ama aanan ka garan runtii maadama anaan arag qof sidan oo kale sameeyay ama lagu sameeyay horana uma maqlin.

=Hadaba Su'aalaha aan doonayo inaad ii waadixisaan ayaa ah marka hore waxaad igu waanin lahaydeen inaan sameeyo?
=Takale sidan aan ula xidhiidhay dhakhtarka ama sidaan u wajahay dhakhtarka ma si ku haboon baa mise waan ku qaldamay?
=Mida kale dhatarkan gacanta igu qabtay sida uu wax u baadhay ma tahay si ku haboon mise waxbaan ka badalaa oo dhakhaatiir kale ayaan doontaa?
=Dawadan DHEA waxtar ma u leedahay xaaladayan? laakiin intee ayay gaadhsiisan tahay?
=hormone-kan FSH muxuu yahay mise muxuu qaabilsan yahay?
=Xal waara ma u helayaa ama rajo ma leedahay inaan ku soo noqdo sidaydii dabiiciga ahayd ee ku wajahan CAADADA.
=mida ugu danbaysa oo aan doonayo inaad aad iigu soo sharxdaan ayaa ah ''Children pipeline'' muxuu yahay laakiin in lagu guulaysto CAMALIYADAN inteebay gaadhsiisan tahay means % imisa.

................Waxaan Dhamaan dadka muslimiinta ah aan u rajeenayaa caafimaad Dhamaan teena ilaahay ha ina caafiyo.................
  
Alla Mahad Leh.




Offline Abumohamed

  • Newbie
  • *
  • Posts: 13
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Su'aal: FSH hormone?
« Reply #1 on: April 04, 2012, 09:02:16 PM »
SCW.
wax jawaab ah malaha mudadii lagu sugayay jawaabta wey gaadhay.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: FSH hormone?
« Reply #2 on: April 06, 2012, 01:36:44 AM »
1- Waxaan kugula talin lahaa in aad takhtarkaaga laazimto oo aadan ka badalan maadaama sida aan arko uu yahay takhtar xaaladaada si joogto ah ula socdo oo wax badan isla soo marteen oo dadaalne wado.

2- Midda labaad waad ku saxan tahay takhtarka aad la xiriirtay iyo inta muddo aad la socotay takhtarkaas maxaayeelay haddii anag soomalai nahay waxaan leenahay dabeecad dagdag ah oo haddii daawada laba isbuuc wax iskaga garan wayno takhtar kale ayaan u tagnaa kadib laba isbuuc kale takhtar kale illaa aan ka daalno.

3- Waxba haka badalin takhtarkaaga la soco, sida uu kuu baarayo iyo daawooyinka uu ku siinayo way saxan yihiin.

4- Ilaahay ayaa caafimaadka iyo waxtarka daawada hayo laakiin daawadaan waxaa la siiyaa haweenka ka sheeganayo uur qaadis la'aanta waxaana lala qaataa daawada kale ee laguu qoray.

5- Hormoonka FSH wuxuu ka qeyb qaataa kobcinta ugxanta, haddii ugxansidaha aysan shaqaynin oo ugaxantii la rabay aysan soo saarynin waxaa kor u kaco hormoonka FSH.
Marka haweenta ka cabanayso uur la'aanta hadii hormoonkeeda FSH uu kacsan yahay cilladu waa ugxansidaha.

6- Sidaadii waad ku soo noqon kartaa hadduu eebe qadaro.

7- Test tube baby ama waxa cilmi ahaan loo yaqaanno "In Vitro Ferilisation" waa hab loo daaweeyo ma dhalaysnimada.
Waxaa haweenta laga soo qaadaa Ugxanta markay suubsanto inta aysan hallaabin, kadib ninkeedane waxaa laga soo qaadaa shahwada, waxaa la isugu daraa tube loogu talo galay oo ay ku jiraan wax caawinayo in ay is bacrimiyaan, markii ugxantu bacrisanto oo isku badasho wax caafimaad ahaa loo yaqaanno "Zygote" ayaa la soo qaadaa kadibna waxaa lagu beeraa haweentaraximkeeda, sidaas ayayne uurka ku dhamaysanaysaa, maadaama cilladu ay ahayd ugxan sidaha iyo hormoonnada ka qeyb qaadanayay kobcintooda kaliya.
Rajada ku guuleysashada sidii ay ahaan jirtay maahan oo isbadal hormar ayaa lagu sameeyay, laakiin kullamaa haweentu da'deedu ay badan tahay kullamaa rajadu ay yartahay.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Abumohamed

  • Newbie
  • *
  • Posts: 13
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Su'aal: FSH hormone?
« Reply #3 on: April 06, 2012, 08:33:06 PM »
Walaalahayga SomaliDoc. aad iyo aad ayaad u mahadsan tihidiin sida wanaagsan ee aad iigu soo jawaabteen runtiina wax badan ayaan ka faa'iiday JASAA'A KUMULAAH''

Waxaan jeclaaday inaan waxoogaa idinka sii weydiiyo jawaaban.

1- marka ugxanta dib looogu celiyo iyo marka laga soo saarayaba camaliyada ama operation-ka la isticmaalayaa ma sahlan tahay mise waa yara dhib xanuun oo kale, Ama meesha camaliyada lagu sameenayaa halkeebay noqon kartaa? Please sharaxaad gaaban iga siiya idinkoo mahadsan.

2- malaga yaabaa ama ma dhacdaa in beerista ugxanta lagu beerayo laga dhigi karo ilmo iyo wax ka badan ama mataano, maadaama ugxanta inta dibada loo soo saaro lagu bacariminayo dibabada, ama ma dhacdaa?

3- Inta aanan u gudbib [Test tube baby] ama aanan gaadhin maxaad igula talin lahaydeen haday noqon lahayd dhinaca cuntooyinka ama waxyaalaha dabiiciga ah inaan sii qaato, mise hadaan qaato VITAMINS wax dhiba ma ku jiraan ama ma iskhilaafayaan dawadan imika ii socota?

Allaa Mahad Leh. 

Offline Abumohamed

  • Newbie
  • *
  • Posts: 13
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Su'aal: FSH hormone?
« Reply #4 on: April 12, 2012, 01:55:15 AM »
please any answer./

Offline Abumohamed

  • Newbie
  • *
  • Posts: 13
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Su'aal: FSH hormone?
« Reply #5 on: April 18, 2012, 06:29:24 PM »
WALAALAYAAL WAXAAN U MALEENAYAA INAY MUDO DHAAFTAY JAWAABTII AAN IDINKA SUGAYAY MUDO 12 MAALMOOD AYAY GAADHAYSAA./

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: FSH hormone?
« Reply #6 on: May 19, 2012, 11:55:56 AM »
Qaabka bacriminta gacanta waa mid sahlan mana dhib badan, ukunta markii ay gaarto heerkii la rabay ayaa waxaa lagu siinayaa cirbad soo dadajinayso in ukxanta ay ka soo baxdo ugxansidaha, kadib iyadoo la adeegsanayo qalabka ultrasoundka iyadoo xagga farjiga laga soo galayo lagu soo saarayaa ugxanta loo baahnaa si banaanka loogu soo bacrimiyo, kadibna sidaas oo kale ayaa loogu celinayaa ee maahan qalliin qofka lagu sameeynayo.

Midda ku saabsan mataanaha iyo ilmo badinta maahan wax biniaadanka gacanta ku haayo, waxayna ku xirantahay sida unugga markii la bacrimiyo uu eebe uga dhigi lahaa mataano ama hal cunug.

Midda kale markii lagugu sameynayo bacriminta noocaan ah waxaa jiro daawooyin aad ka fogaanaysid iyo cunno qaar aad ka fogaanaysid oo hormoonnada saameyn ku yeelan karo taasina takhtarkaaga ayaa kaala hadli doono insha'llah.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Abumohamed

  • Newbie
  • *
  • Posts: 13
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Su'aal: FSH hormone?
« Reply #7 on: May 24, 2012, 05:32:10 PM »
Many Thanks........!


 

Su'aal: Soomaali iigu sheeg Enzyme & Hormone?

Started by Abdi...Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 0
Views: 2801
Last post March 29, 2019, 04:48:54 AM
by Abdi...
Su'aal: Ma la cabbiri karaa Testosterone hormone?

Started by Mr MahamedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 4294
Last post February 28, 2017, 12:54:22 PM
by SomaliDoc
hormone may treat shyness!

Started by YaxyaBoard Health News and Events

Replies: 2
Views: 5733
Last post September 26, 2008, 12:39:10 PM
by Dr.Farabadan
Su'aal: Love hormone?

Started by Ahmed_CarabBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 4976
Last post January 14, 2019, 09:27:44 PM
by SomaliDoc