Author Topic: Su'aal: Muxuu yahay garan waayaye? xageense ugu hagaagaa Daawadiisa?  (Read 11097 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Qal

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Asalamu calaykum, salan kadib, waxan u mahad celinaya maamulka web umada muhiimad weyn u haya.
Waxan rabaa su'aal caafimad in layga cawiyo, jawabtana box laygu soo diro.
Waxan ahay wiil 27 jir, misankaygu wa 83kg, mudo 2 bil laga joogo ayan isku arkay marka aan kulayl dareemo an dhidido bisiqleyda & hareereheeda hoose ila dabada in ur aan la jeclaysan ay ka soo baxdo, timo ayan ku leyahay xabadka ila lugaha hoostoda, marka aan arko arintan xiligi hore waan xiiri jiray, wayna jogsan jirtay urtaasi, 2 bil wixi ka dambeeyay hadi an xiiro & hadi kale wa isku mid, waxan isticmaalay hair remover cream, tinti waa jarmatay walina urki wa sidii, walibana mel sakinti xirida ay iga jeexday oo bogsatay calamadiise ay ku dambayso hair remover dhig ayu ka kenay, qalajiye ayan isticmalay, way bogsatay, dhibkas urka deodrant ayan ku  bufiyay bisiqleyda & hareraheda, urki wa kasi daray, saabuun ayan markan daremaba shan jeer ku dhaqay, qubayso waa sideedi, waxayna igu daran tahay urku xilliga aan fadhiyo, waxa kasi daran tusale kursiga inta dabada ee aan ku fadhiyo way igubanaysaa, hada hadan fariisto 3daqiqo kadib way i danqanaysa sidi mator shey lagu korsaray oo kulaykiisu  ku baxayo inta aan uga fadhiyo, hadan istago urka iga soo baxaya dadku waa yaabayan, lakin salki igubanayay wan ka raysanayaa, dhinac u faristay waa sidi ur & salka ama dhinaca aan u fadhiyo oo igubanaya, marka fadhi la'an suragal maaha, urka & salka an ku fadhiyo oo i xanuunayana ma ficna, meel aan la xiriiro oo way daaweynayan an is leeyahayna ma garanayo, kursiga ku fariisigiisa & fadhi kaleba ka caagay, waxan is iri kulaylka & hurdo yarida ayaa sababeysa oo Librium 10mg tablet (chloramphenermine) ayan cunay oo aan ula jeedo problem-ka, fikirka badan is ilowsi naftu ha degto, waa sidii, Warkii wan badiyay.
Hadaba wixi Alle idin baray hadad arintan wax ka garaneysan iiga sheega, hadi kale bal hadi ay jiran meelo ama dad kale oo wax uun kagaranaya iigu taga. mahadsanidin.




Offline CilmiSabca

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 344
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Kas & Kamma' Kibir Looma Kaco.
Re: muxuu yahay garan waayaye? xageense ugu hagaagaa Daawadiisa.
« Reply #1 on: April 17, 2012, 12:37:18 AM »
Dhibaatadaan oo kale Waxyaalaha keena waxaa la sheegaa in ay ka mid yihiin; Bakteeriyo, isticmaalka cuntooyinka qaar, sida toon, hilibka guduudan, cuntooyin baddeeda iyo dharka lagu kululaado ee ad adag. Dad badan oo aan aqaano, waxa ay ii sheegeen; in ay ku qubeysan jireen biyo diiran oo cusbo yar lagu daray, qaar kale waxa ay ii sheegeen in ay isticmaali jireen saabuun anti bakteeriya ah, bolbale carfisooyin loo qoray iyo dhar fudud oo neylon ah. Waxa jira oo hab qalliin ah oo lagu sameeyo neerfaha nooca qaabilsan dhididka, dadkaas aan aqaan badankood hadda wey ka ladnaadeen wayna dadaaleen. Talada dhakhtarka bal aan isla aragno. Mahadsanid.
Talo SAARO Allaah

Offline Qal

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: muxuu yahay garan waayaye? xageense ugu hagaagaa Daawadiisa.
« Reply #2 on: April 17, 2012, 04:13:02 PM »
Sxb Cilmi wad mahadsan tahay talada wanagsan ee aad soo gudbisay, hadi an jawab ka bixiyo:
1. Gooryano ayan qaba i dawaqiya, waxan marmar u isticmaalaa marka ay i qabtan in an hal xabo toon ah liqo, marka ay fuqi waayan hal xabo kale ayan liqaa sidas ayan wada inta uu iga fuqayo, marka toon sidas ayan u cuna.
2. Hilibka xolaha ayan cuna, lakin cunto bad ma cuno.
3. Bolbare hal mar ayan isticmalay, wana kasii daray. Carfiso wan isticmalay DEODRANT dhowr jeer wana kasii daray.
4. Wax aanan tijabin waxa jira Biyaha kulul ee cusbadu ku jirto ee lagu qubaysanayo & Saabuunta anti bacteriyada ah, waxanan u fahmay Saabuunta Lifebouy.
Waxa ficnan lahayd dadka ka raystay ee aad shegtay in la waydiyo dhakhatirta ay la xiriireen ma kuwa maqarkaa... Mise... In ay noo sheegan si an ugu tagno.
Waanad ku mahadsan tahay.

Offline CilmiSabca

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 344
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Kas & Kamma' Kibir Looma Kaco.
Re: Su'aal: Muxuu yahay garan waayaye? xageense ugu hagaagaa Daawadiisa?
« Reply #3 on: April 17, 2012, 09:28:11 PM »
Walaal, Dhakhtarka waxaa weeye Doctor Dermatology ah ama Dermatologist, saabuunta antbacteriyada iyo daawooyinka la midka ah, waxaad kala tashan kartaa dhakhtarkaaga, waxaana dhici karta in laguu qoro erythmycin, laakiin mar walba waxaa muhiim ah in aad dhakhtar la kulantid si uu u baadho sababta rasmiga ah ee keenaya kuleylka & urta isla socda, waxaana jira glands laba nooc ah oo waxyaabahaan la xidhiidha; waxay kala yihiin; eccrine glands & apocrine, si kasta ha ahaatee jawaab xanuunadaan waxaad ka war sugtaa dhakhtarka webka somalidoc, Alle ha fududeeyo daawadaada.
Talo SAARO Allaah

Offline Qal

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Su'aal: Muxuu yahay garan waayaye? xageense ugu hagaagaa Daawadiisa?
« Reply #4 on: April 23, 2012, 12:20:29 AM »
Asalamu calaykum, salan kadib,
walaalayaal Dhaqaatiirta webkow waa la gaaray xiligii jawaabta aad bixin laheyden ee waqtigiina & aqoontinaba wax naga siiya idinkoo mahadsan.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Waxay iila muuqataa in aad qabtid cillad neefshiid xumo, ama bakteeriyada ay calooshaada safiican ugu taranto ama waxa loo yaqaano (bakterial overgrowth), waxaa calaamadaha ka mid ah: urka aad ka cabanayso, marmarka qaar neef ur badan ayaa la socoto.

Gooryaanka aad sheegayso oo tuunta u qaadanayso waxaa laga yaabaa in cillad dheefshiid in ay tahay ooba gooryaan uusan ahayn, waa haddii aad isku aragtay, dibiro ama daaco, caloosha oo wax in ay ku dhex socdaan aad moodo, saxaradaada oo saliid in la mariyay oo kale ah (saxaro dufan leh).

Hadiii calaamadaha kuwa aan sheegayo ay yihiin, cilladaada maahan mid ku tagayso qubeys, iscarfis ama tin la iska xiiro waxaad u baahan tahay in aad la xiriirto takhtar ku taqasusay dheefshiidka (gastroenterologist) si uu kuu caawiyo.

Haddii wax kale aad ka shagisan tahay u tag, takhtar guud, si laguu baaro.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Nin jidhkisu kala weyn yahay (XAGA SARE OO YAR IYO XAGA HOOSE OO WEYN)

Started by Hotboy911Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 23177
Last post June 13, 2015, 03:26:34 PM
by SomaliDoc
Ogow waxa uu yahay "Ummu-Sibyanka"!

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Haweenka

Replies: 0
Views: 291276
Last post December 05, 2018, 08:41:26 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Ma jiraa Natural Viagra - Maadaama Kiniiniga Viagra Dhib-badan yahay?

Started by AarDacarBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 78256
Last post August 12, 2015, 01:45:58 PM
by SomaliDoc
Sidee loo beeraa ubadka maxana looga bahan yahay haweeneyda lagu beerayo?

Started by BilaalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 5
Views: 53609
Last post December 21, 2009, 07:54:40 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Majiraa Jawaab Ilmuhu Bixiyo Markuu Caafimaadkiisu Taam yahay?

Started by AarDacarBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 7119
Last post August 15, 2015, 12:52:33 PM
by SomaliDoc