Author Topic: Su'aal: Sidee loo baabi'iyaa meelaha cad cad kadib markuu ruuxa caatoobo?  (Read 50538 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Honestboy

  • Newbie
  • *
  • Posts: 11
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Marka hore waan idin salaamay waxaana idin ku salaamay salaan tan ugu qiimaha badan ee muslimiinta isku salaamaan
taaso oo Asc, salaan suuban ka dib Eebe ayaa mahad iska leh oo idin fududeeyey inaad casharo wanaagsan oo diinta
islaamka waafaqsan aad u soo bandhigtaan bulsho weynta soomaaliyeed aniga waxaan ka mid ahay aqristayaashiina
isla markaana idinku xiran dhabtii waxyaabo badan ayaan idinka faaiday oo wanaagsan mash allh taasi aad ayaan
idinku mahad celinayaa, hadaan dhex jeexo ulajeedadayda waxay tahay ayaa waxaa ah inaan wato hal su'aal,
su'aashaas oo aan ku jahwareeray xalintayda ama sidii loogu gudbin lahaa.
Dunidaan aan ku nool nahay iyo waayahayda ay wadato waa mucjiso Eebe, maalin walba waxbaa dhaca,
saacad walba waxbaad arkaysaa, daqiiqad walba waxaad la yaabto ayaad arkaysaa.
marka su'aasha aan rabo inaan idin waydiyo ayaa waxay tahay : Qofka marka hore cayilanaa ka dib maalmo ka dib
is badalay yacnii cayilkii ka baaba'ay waxaa jiro maqaarkiisa ama jirkiisa meelaha qaar inay ka soo muuqdaan
waxyaabo sida jeex jeex oo kale, dadka qaar waxay dhahaan jeex jeexaas wuxuu cadaynayaa inuu qofkaas markiisii
hore cayilnaa taasi waan isla garanay, jawaabta aan idinka rabo ayaa waxay tahay sidee lagu xalin karaa jeex jeexaas
oo jirkaagu leeyahay sidee lagu baabi'in karaa ????:   waad mahad san tihiin




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association


Jeexjeexa ama liidmaha aad tilmaantay waxaa caafimaad ahaan loo yaqaanaa "Strech marks", waa baro tilmaan u ah in maqaarka uu kaal tagay hadda ka hor, kadibna isku soo laabtay, waxaana la dareemaa markuu qofka caatoobo ama hooyadu markay dhasho.
Cayilka iyo uurka iyo korriinta degdegga ah xilliga qaangaarku waa sadaxda ugu caansan ee keeno arrintaan.

Ilaahay wuxuu siiyay maqaarka wood jiidmasho "elasticity", laakiin jiidankaas wuxuu leeyahay xad, hadduu dhaafo xadkaas, maqaarku wuu kala tagaa, waa sida marada oo kale haddii aad safiican u kala jiidin, duntu way kala sikataa oo meeshii kala sikatane maqaarka wuu ka dhex muuqdaa.

Waxaa barahaan lagu arkaa caloosha, dhabarka qeybta hoose, bowdyaha, naasaha iyo gacmahada qeybtooda kore.

Liidmahaan ama diilmahaan marka ay billaabanayso waxay leedahay midab gaduudan, kadib waxay isku badasha midab madaw, kadibne midab caddaan ahaan.

Haddii diidiilmaha ay yihiin kuwa billaw ah oo midabkoodu weli gaduud yahay, waxaa lagu caawin karaa kareemyo la mariyo kuwaasoo maqaarka inuu dib isugu soo laabto keeni karo, waxaa kareemyadaas ugu caansan kuwo loo yaqaano Retinoid creams.

Haddii diidiilmaha ay raageen ama midabkoodu uu caddaan yaahy, waxaa lagu baab'in karaa qalliin laser ah, kan oo midabka baab'in karo.

Diidiilmahaan ma ahan wax dhibaato caafimaad qofka u keeni karo, dadka qaarne iyagoo wax daawo ah isticmaalin ayay iska baaba'daa.

Akhriso qoraal ku saabsan Haaraha Wajiga: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6318.0.html
Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Xanuunka Barasta ma la kala qaadaa? Sidee loo qaadaa?

Started by CawadBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 33579
Last post February 22, 2010, 12:47:32 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Sidee loo dhimi karaa acid ka gaaska amaba loo ciribtiri karaa?

Started by Abdi21Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 21128
Last post September 09, 2015, 01:14:18 PM
by SomaliDoc
Sidee loo beeraa ubadka maxana looga bahan yahay haweeneyda lagu beerayo?

Started by BilaalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 5
Views: 53609
Last post December 21, 2009, 07:54:40 PM
by SomaliDoc
Dood Wanaag: Waa Sidee Waxqabadka Hay'adaha Samafalka ee ka Hawlgala Dalka?

Started by Waxbaro!Board Feel Free Here

Replies: 4
Views: 26248
Last post March 10, 2011, 06:10:21 PM
by Waxbaro!
Su'aal:- Sidee Ayaa Ugu Fuduud Oo Laysaga Nadiifin Karaa Ilkaha Magarka leh?

Started by AbdirizakBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 22606
Last post December 05, 2011, 11:25:44 PM
by SomaliDoc