Author Topic: Waa Maxay Daroogadu?  (Read 16307 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline Pharmacist

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 231
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Real Pharmacist
Waa Maxay Daroogadu?
« on: December 07, 2007, 12:32:13 PM »


Daroogadu waa shay kasta oo keena isbaddalo jidheed ama nafsadeed.
Daroogadu waxay noqon kartaa mid adke ah sida (qaadka), dareere sida (khamriga) ama neef sida (kuwa la neefsado).

Sidee baa daroogooyinka loo kala saaraa?
Daroogooyinka waxaa badanaa loo kala saaraa ayadoo loo eegayo:
> saamayntooda
> inay sharci ama sharci darro yihiin

Daroogooyinka iyo saamayntooda
Daroogooyinka dareen-kiciyaha ah (Psychoactive drug) waa kuwa loogu cabsi badan yahay bulshadeena sababtoo ah waxay saameeyaan maskaxda waxayna baddeli karaan sida uu qofku u fakaro, wax u dareemo ama u dhaqmo. Waxaa jira saddex nooc oo ugu waaweyn ee daroogadan: oo kala ah dejiyeyaasha, marqaan-kiciyeyaasha iyo dawakhiyeyaasha.

Daroogada dejiyaha ah (Depressant drug)
Waa nooc ka mid ah daroogada taas oo hoos u dhigta shaqooyinka uu jirku qabto, oo ay ka midka yihiin dhambaallada loo diro ama ka yimaada maskaxda. Daroogooyinka dejiyeyaasha ah waxaa ka mid ah khamriga, xashiishka iyo benzodiazepines (Diazepam) (oo ah dejiyeyaal khafiif ah).

Ku-xirnaanta Daroogada (Drug dependance)
Waa marka uu qofku noqdo mid ku xiran daroogada ka dib isticmaalkeeda muddo dheer ama xaddi badan ka qaadashadeeda in muddo ah. Qofku wuxuu dareemaa baahi uu qabo inuu sii wado qaadashada daroogada si uu u dareemo inuu caadi yahay ama uu iska ilaaliyo astaamaha u-barashada ee xanuunka badan. Ku-xidhnaantu waxay noqon kartaa mid jidheed ama nafsadeed, ama labadaba.

Daroogada dhawakhiyaha ah (Hallucinogenic drug)
Waa nooc daroogo ah taas oo saamaysa garashada qofka. Dadka isticmaala daroogada hallucinogens-ka ah ayaa waxay arkaan ama maqlaan waxyaalo aan run ahaantii meeshaba ka jirin, ama waxay arkaan waa kuwo si uun u khaldan. Ketamine, LSD, “magic mushrooms” iyo xashiishka waa daroogooyin hallucinogens ah.

Maan-dooriye (Narcotic)
Waa wax kasta oo awood u leh inuu u keeno qofka inuu hurdo la dhaco ama uu dawakho, ama ka yareeyo xanuunka, dareenka uu baabi’yo ama qofka ka dhiga mid kacsan.

Iska badinta (Overdose)
Waa marka xaddiga daroogada la isticmaaley ay ka badato awoodda jidhka ee uu la qabsan karo.

Daroogada dareen-kiciyaha ah (Psychoactive drug)
Waa daroogada saamaysa hab-dhiska dareen-wadeyaasha jidhka. Waxay saamaysaa maskaxda waxayna waxyeeshaa sida uu qofku u fakaro, wax u dareemo ama sida uu u dhaqmo.

Daroogada marqaan-kiciyaha ah (Stimulant drug)
Waa nooc daroogo ah taas oo dadejisa shaqooyinka jidhku qabto, oo ay ka midka yihiin dhambaallada u socda ama ka yimaada maskaxda. Marqaan-kicyeyaashu waxay qofka isticmaala ka dhigaan inuu dareemo soo-jeed badan, feejigan ama isku kalsoon.
kaafaynka, nikootiinka, amfitamiinska, kokaynka iyo ecstasy-ga ayaa ka mid ah daroogooyinka marqaan-kiciyaha ah.

U-barashada (Withdrawal)
Haddii uu qofka ku xidhan daroogada joojiyo inuu isticmaalo ama uu yareeyo xaddigii daroogada uu qaadan jirey, waxaa laga yaabaa inay la kulmaan astaamaha jidheed maaddaama uu jidhkoodu isku habaynayo inuu ku shaqeeyo daroogo la’aan.
Astaamaha u-barashadu way u kala duwan yihiin noocyada daroogada kala duwan iyo sidoo kale qof kasta, hase yeeshee waxaa ka mid ah astaamahaas niyad-jabka, xanaaqa, kabuubyada, yaq-yaqsiga, dhididka iyo dhibaatooyinka hurdo la’aanta.

Akhriso qoraallo la xiriira:

http://somalidoc.com


Pharmacist is highly-trained and skilled healthcare professional who perform various roles to ensure optimal health outcomes for his patients.


 

Waa maxay "Garguurato" ama "Uuryaal"?

Started by KamalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 66520
Last post May 22, 2009, 01:41:01 PM
by SomaliDoc
Waa maxay "Angina"?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 0
Views: 69535
Last post February 05, 2008, 07:56:57 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Burseelku"?

Started by Ahmed_IndhayareBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 62456
Last post September 01, 2009, 02:23:15 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "gynecomastia"?

Started by AnassmBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 46729
Last post May 06, 2018, 01:17:25 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Priapism"?

Started by Ahmed_CarabBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 44981
Last post January 22, 2019, 08:47:10 PM
by SomaliDoc