Author Topic: SU'AL INDHAHA KU SAABSAN,  (Read 5117 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Muhaa

  • Newbie
  • *
  • Posts: 4
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
SU'AL INDHAHA KU SAABSAN,
« on: June 13, 2012, 07:54:36 AM »
 asc waxa halkan ka salamaya dhaqatiirta sharafta leh ee sida wanagsan bulshada somaliyed si hufan ugu jawabo  iyo dhaman bahda somalidoc.com salan ka dib waxan jeclaan lahaa in dhaqatirta   2 su al iga jahil bixiyaan. Taaso oo ah waxan ahay   qof wax aqriska jecel inta badan malintii halbuuk 12 bal camal ka kooban ayaa aqriyaa. waxana maqlay in indhaxunuun  laga qadaa? Qofkii sanoyin badan wax aqriyo  teeda kale mustaqbalka dhib ma ii keni karta oo xaga indhaha ah  su asha 2aad waxe tahay waxan aad u jeclahay isticmalka internetka .inta badan waxan qadka ka isticmalaa mobile ., marar dhif ah aya computer ka isticmalaa.marka HADII MOBILE LAGU ISTICMAALO QOL MUGDI AH. INDHAHA DHIBAATO MA U KEYSAN KARTAA .      Asc walalayal jwb wacan aya idinka rajeynaa




Offline Muhaa

  • Newbie
  • *
  • Posts: 4
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: SU'AL INDHAHA KU SAABSAN,
« Reply #1 on: July 05, 2012, 10:48:17 AM »
 walalayaal isbuuc iyo ka badan ayaa jawab iidinka sugeey maxa jawaab maleh mesha aaway dhaqatiirtii ?   Walaalyal jwb ayaa idinka sugaa

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: SU'AL INDHAHA KU SAABSAN,
« Reply #2 on: November 03, 2012, 10:39:02 AM »
Haddii sida saxda aad wax u akhriso wax dhibaato ah indhaha uma keenaan sida in aad iftiin fiican aad heysato, buugga uusan aad indhahaaga ugu dhawayn ama ka fogeyn, in farta buuga ku qoran aysan aad u yaryarayn, waxyaabo waxaa jira loogu tala galay akhriska saxda ah si indhahaaga aad u badbaadisid, laakiin sida aad hadda ka dhawaajisay oo ah in aad mobeelka aad wax ka akhriso, qol mugdi ahne aad ku jirto ma ahan mid indhaha u roon.
Mida kale haddii aad computer ka akhrinayso xitaa waa in aad ogaataa in iftiinka kumbuyuutarka ka soo baxa oo in muddo ah kugu dhaca ma fiicna caafimaad ahaan oo waxay dhibi kraan isha, sidaa darteed waa in aadan in badan indhaha aadan ku taagin kombuyuurtarka oo 10-kii daqiiqaba aad meel kale fiirisaa, mideeda kale waa in aad shaashadda kumbuyuutarka ku xirtaa "Screen Filter" oo loogu tala galay in iftiinka isha dhibsanayso uu yareeyo.

Haddii aad indhaha sidaas aadan u ilaalin waxaa ku dhacaya cudur uu keeno kumbuyuutarka oo loo yaqaanno "Computer Vision Syndrome"
Waxaa calaamadaha cudurkaan ka mid ah: madax-xanuun, arag cawaran, qoor xanuun, indho gaduudasho, daal iyo wareer, indho-daal, indho-qalleel, indho-cuncun, weershe iyo in aadan si toos ah meel u fiiri karin.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aa: Xanuun caruurta ah Iyo Xanuun indhaha ah?

Started by Nuur12Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 6
Views: 23897
Last post September 06, 2011, 09:46:03 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Wuxuu bilaabay inuu indhaha bilig bilig ka siiyo?

Started by Abdi21Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 8086
Last post June 26, 2017, 10:06:28 AM
by SomaliDoc
Su'aal ku saabsan jirka dhexdiisa iiga socdo hawo guureyso?

Started by Maxamed1969Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 18893
Last post August 13, 2010, 03:34:13 PM
by SomaliDoc
Su'aal ku saabsan gooryaanka caloosha iyo wax yeelada uu ugeeysto qofka qabo?

Started by DeeriusBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 28135
Last post October 27, 2012, 09:40:12 PM
by SomaliDoc
Warbixin guud oo ku saabsan waxbarashada ee dalka masar:

Started by Dr.HabiibBoard I want to Study Medicine

Replies: 0
Views: 24570
Last post September 04, 2011, 04:19:01 AM
by Dr.Habiib