Author Topic: Su'aal: Hurdada oo lagu naxo?  (Read 5106 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Raaliyo

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 42
  • Points: +0/-0
  • Gender: Female
Su'aal: Hurdada oo lagu naxo?
« on: July 01, 2012, 04:09:13 PM »
as dhamaan umada soomaliyeed meel walba aad dunida ka joogtaan bacda salaan waxaan aad u salamayaa dhaqatarada soomaliyeed oo habeen iyo malain u taagan inay noo jawaabaan ilaheey ajar ha ka siiyo aniga oo warka badin suaal baan  rabaa in la iga soo jawaabo waxaa dhacday in laba jeer igu dhacday arintaan  habeenkii markaan seexdo anoo hurdo fiican ku jiro baan hal mar soo booday anoo naxsan oo wadanaha i garaacmaayo marana garan waxa igu dhacay markaa maxay noqon kartaa dhaqataroow cabaar baan neef tuuraya aoo wadnaha i garacmayaa markaas baan quraan akhristaa ka dib waan degaa markaa wa amarkii labaad  bal isoo sheeg waxa ay noqon karto


mahadsanid :-*




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Hurdada oo lagu naxo?
« Reply #1 on: November 03, 2012, 11:12:07 AM »
Qofka oo hurdada ka soo naxo waxaa keeni karo dhowr waxyaabood, qaarkood waxay calaamad u noqon karaan cudurka qofka uu qabo ha isku ogaado ama yuusan isku ogaanin.

Cudurrada la xiriira dhibaatadaan waxaa ka mid ah:
1- In qofka uu qabo sidiisaba cudur cillad argagax, halkaan ka akhriso waxa uu yahay: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3610.0.html
2- In cillada wadnaha ay jirto sida wadna qabad, halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,685.0.html
3- In qofka uu qabo waxa loo yaqaano Naqas ku dhegga hurdada ama "Sleep apnea".
Neef joogsiga hurdadu (sleep apnea) waa marka neefsashadu joogsato marmarka qaarkood marka la hurdo. Wakhtiga neefsashadu joogsato waxa uu dhexeyn kara dhawr ilbiriqsi ilaa wax ka badan hal daqiiqad. Inta lagu jiro wakhtiga. jirka ma helayo oksajiin ku fila. Neef joogsiga hurdadu waxa uu dhici karaa marar badan habeen kasta. U tag haddii aad dareento khuuro dheer ama neersasho la'aan marka aad huridid. Calaamadaha kale ee lagu garto waxaa ka mid  noqon kara maalintii oo hurdo ku qabato aiyo adiga oo wali daalan marka aad toostid subixii.
4- Cudurka welwelka ama diiqada, halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,878.0.html
5- Cudurka gaas calooleedka wuxuu leeyahay isagane in hurdada laga soo dhaxo.

Marka si loo ogaado, dhibaatadaada hurdo dhixista waxaad noo sheegta haddii ay jirana cudurrada aan kor ku soo xusay ama mid kalba, haddii aad takhtar horay ula xiriirtay baarisne kugu sameeyay si loo ogaado cillada waxa ay tahay.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Maxaa lagu daaweeyaa Agoolka "Dandruff"?

Started by CmqalinleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 106978
Last post January 06, 2015, 08:30:19 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keeno Waji Saliida? Maxaa lagu daaweeyaa?

Started by HaykalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 64477
Last post February 16, 2016, 10:07:14 PM
by SomaliDoc
"Shooga Dhaqanka" Waa Dhibaato Qurbaha Lagu Arko.

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 29290
Last post January 17, 2017, 05:34:31 PM
by SomaliDoc
Sidee loo beeraa ubadka maxana looga bahan yahay haweeneyda lagu beerayo?

Started by BilaalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 5
Views: 53647
Last post December 21, 2009, 07:54:40 PM
by SomaliDoc
Ilma yar oo markuu hadlayo, hadalka ku dhex nax naxa, maxaa lagu tilmaami karaa?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 4
Views: 34543
Last post December 08, 2012, 08:59:58 PM
by CilmiSabca