Author Topic: Su'aal: Riiraxyo dhuunta ah?  (Read 24130 times)

0 Members and 3 Guests are viewing this topic.

Offline Daljire

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Su'aal: Riiraxyo dhuunta ah?
« on: July 05, 2012, 05:16:25 PM »
asc waxaan rabaa in ax leyga shego cunka ama riiraxyada dhuunta waxaan isku arka riiraxyo habeenkii makaan seexanaayo ama mararka qaar thanks by daljire




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Riiraxyo dhuunta ah?
« Reply #1 on: November 03, 2012, 10:22:32 AM »


Riiraxyadu waa cuncun laga dareemo dhuunta, si kala duwan ayaana looga sheegta waxaana ka mid ah:
  • Cuncun dhuunta ah oo la socdo qufac qalalan
  • Cuncun aan qufac wadanin laakiin qofka samaynayo qaab uu cuncunka iskaga baab'iyo
  • Dhuunta in ay wax ku dhegan yihiin oo kale, oo uu rabo qofka inuu qufaca ku soo fujiyo
  • Dhuunta oo laga dareemo sidii hawo inay dhexmarayso oo kale, tanoo keenayso cuncun iyo qufac

Sidaa darteed Riiraxyada waxaa keeno cudurro dhowr ah waxaa ka mid ah: Allerjiga, Caabuqa cunaha noocyadiisa kala duwan sida qulaalnqusha, bocorka ama ququutaha, qumanka.
Waxaa kaloo keeni karo laabjeexa ama biyaha kulul oo caloosha ka soo rogmado, tan oo dhuunta dhaawac gaarsiin karto.

Si loo ogaado intaas midda ay thaay waa laga maarmaan in aad la xiriiritd tkhtar si uu safiican kuugu wareesto kuuna wiisiteeyo, kadibne baaris laguugu diro haddii loo baahdo.

Sidee lagu joojiyaa Riiraxyada?
Siyaabo badan ayaa lagu taliyaa, laakiin waxaa ugu fiican in aad ku luqluqato biyo kulul oo cusbo leh, cusbadu waxay bararka ka yaraysaa dhuunta, taasoo keenayso inuu qufaca istaago.
Waxaa kaloo isticmaali kartaa biyo iyo sanjabiil la isku karkariyay in aad cabtid sida shaaha oo kale.

Akhriso qoraal ku saabsan Quumanka iyo sida loo daaweeyo: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1116.0.html

Haddii aad qabtid su'aalo dheeraad ah iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Xamiiq ama xanto-xanto dhuunta ah?

Started by Diihaal GuutoBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 7368
Last post March 25, 2016, 10:19:57 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaa dhuunta ilaa qoorta iiga yaal buur buur?

Started by XikmaawiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 15574
Last post February 28, 2016, 01:40:51 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Dhuunta Oo ixanuunto Daqiiqado Kadib 'Dhuun Xanuun"

Started by HonestboyBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 18468
Last post May 20, 2012, 04:57:15 PM
by Honestboy
Su'aal: Xanuun inta u dhaxaysa naaska bidix iyo dhuunta?

Started by JamiilaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 12494
Last post February 18, 2015, 01:24:31 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Hooyaday tubo ayaa dhuunta laga galiyay?

Started by Iraado MacalinBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 5870
Last post April 21, 2017, 08:03:58 PM
by SomaliDoc