Author Topic: Su'aal: Gacmo dhidid?  (Read 5839 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Qambi1

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Su'aal: Gacmo dhidid?
« on: July 14, 2012, 06:30:01 PM »
Salaan kadib walal waxan doonaya inad iga caawisan gacmaha iyo lugaha aya aad idhidida marwalba xiliga qabawga iyo kulaylba ilaa intan xasustana saas ayan aha wax dhakhtar ahna uma tagin lkn xanuun iguma hayso hadad waxdawo ah ama talo ah ihaysan fadlan igacawiya mahadsanidin




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Gacmo dhidid?
« Reply #1 on: November 03, 2012, 10:07:46 AM »
Waxa ugu badan oo kiciya waa diiqada, welwelka, dhaxdinta, fakarka iyo wixii niyadda kiciyaba.
Dhididka noocaan maahan cudur waa dhaxal waxaana ku bilawdaa yaraanta.

Dhididka badan ee caadiga ah waxaa caafimaad ahaan loo yaqaannaa "Hyperhidrosis", haddii calaacalaha aad ka dhidido waxaa loo yaqaanaa "Palmar Hyperhidrosis" kan cagahana "Plantar Hyperhisrosis".

Haddii qofku iskala noolaan karo wax dhib ah kuma yeelaneyso laakiin haddii ay saameyn ku yeelato nolol maalmeedkiisa waa inuu la xiriiraa takhtar si xal loogu helo.

Dadka ugu badan ee dhibaato ku qabo ayaa waxaa ugu horreeyo ardayda weliba xilliyada imtixaannada maadaama ay niyad kacsaniyihiin dhididkane uu saaid yahay taasoo keenta in ay warqadaha iska qooyaan imtixaankane ka shaqayntiisa dhib ku noqdo.

Hababka daaweeynta dhidhidka xad dhaafka ah waxaa ka mid ah daawooyin dhidhidka yareeyo oo loo yaqaanno "antiperspirants" ama qalliin lagu joojiyo dhidhidka.

Wixii macluumaat intaa dheer kala xiriir takhtarkaaga.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Maxa keena dubaaxashada, gacmo dhididka iyo kuleelka?

Started by Abdi21Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 4
Views: 10162
Last post May 29, 2015, 01:03:58 AM
by Abdi21
Su'aal: WaxAan qabaa dhidid saaid ah oo gacmaha iyo lugaha?

Started by ShireBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 3249
Last post October 05, 2015, 11:24:40 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaan isku arkay dhidid fara badan?

Started by Cabdisalaan2016Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 4380
Last post April 04, 2016, 01:22:47 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxan kcbnaa dhidid frbdn lugaha iyo gacmaha?

Started by Maanqabojiye2018Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 3478
Last post May 06, 2016, 10:01:12 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Heer kulka jirka oo sareeyo iyo dhidid badan?

Started by PrincejeyteBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 4754
Last post January 08, 2019, 08:07:25 PM
by SomaliDoc