Author Topic: Soonku Waa Dawo Dabiici - Dr Elson M. Haas  (Read 52561 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Drkheyre

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 126
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Soonku Waa Dawo Dabiici - Dr Elson M. Haas
« on: July 18, 2012, 05:43:06 PM »


7, July 2009

Warbixintaan waxaa qoray DR ELSON M. HAAS M.D. waxaa Tarjumay oo  Tafatiray Hassan Kheyre .

Dr Haas oo ah agaasimaha xarun caafimaad oo ku taal California, U.S.A. wuxuu horay u qoray buugaag badan oo ku saabsan dawo dabiiciga iyo sun saarka (soonka) qormadaan wuxuu dhaqtarku kaga hadlay soonka waa daawada kaliya ee dabiiciga ah uguna weyn waana daawo soo jireen ah kaasoo uu sheegaayoin lagu daaweeyo dhibaatooyin badan.

Dhibaatooyinka ugu badan oo uu ku taliyay in soonku dawo u yahay waa kuwa ka dhasha cuntada badan,  Wax cunista badan waxay ku badan yihiin wadamada reer galbeedka marka loo eego dunida seddexaad taasoo dhalisa cudura ay kamid yihiin:- Cuddurada Xididada, kuwa Wadnaha, Dhiig karka, Alerjiga, kansarka iyo cudurada kaadi macaanka.

"Soonku wuxuu ka mid yahay sadexda qeybood ee cuntada dheeli tirka dhismaha, taasoo aan aaminsanahay in ay ka maqantahay reer galbeedka, soonku waa qaabka ugu saxan ee habka dib u hagaajinta wareega cuntada" ayuu Daqtarka ku sheegay warbixinta.

Halkaan waxaan diirada ku saareynaa ka soomida dareeraha, taariikhdiisa daawo ahaaneed, faaidooyinka/faaido-daradeeda iyo waliba qaababka kale ee waxtarka soonka.

Soonku waa dawo la xaqiijiyay soona jirtay sanada badan ahna nidaam diimeed. feylesuufyo, dhaqaatiir iyo seynisyahano badan waxay isku raaceen in soonku qeyb muhiim ah ka yahay nolosheena caafimaadka iyo daaweynta cudurada. daqtar  Grant sarkisyan ayaa ku daaweeyay cuduro badan soonka, sida neefta, cudurada maqaarka, kuwa dheef mareenka kuwa xididada iyo dhiig-karka.

Fikirka caafimaad ahaaneed ee soonku, waxaan rumeysanahay in soonku yahay qaabka ugu wanaagsan ee daaweynta, sababtoo ah waxaa loo adeegsan karaa xaalada badan.

XAALADAHA UU SOONKA FAAIDADA U LEEYAHAY

  • Hargab
  • Daalka
  • Cudurada xididada
  • Elerjiga cuntada
  • Wadna xanuunka
  • Dhabar xanuunka
  • Madax xanuunka
  • Cudurada maskaxda
  • Dhiig karka
  • Neefta
  • Xaluul xirinka
  • Cayilka
  • Kaadi macaanka
  • Hurdo-la’aanta
  • Dheefshiid xumida
  • Kansar
  • Shubanka
  • Xaaladaha Maqaarka
  • Qalalka

Soonka in lagu daaweeyo qandhada waa mid la isku qilaafsan yahay waayo reer bariga waxa ay aaminsanyihiin in soonku qofka qandheeysan jirkiisa ku kordhinayo kuleyl, qofka qandheysan wuxuu u baahanyahay cabitaan kaasoo jirka qaboojinaya.

Xaaladaha daalka qaarkood ayaa ku daawooba soonka gaar ahaan kuwa ka dhasho xubnaha xirma. Dhabar xanuunka ay keenaan adkaanshaha murqaha iyo walwalka waxaa lagu yareeyaa soonka.

Sidoo kale soonka waxa uu wax tar u leeyahay bukaanada qaba cudurada maskaxda, sida walwalka iyo isku dhexyaaca. Cayilka waxaa lagu daaweeyaa soonka ayada oo la soomo muddo gaaban waxay culeys badan ka dhimaan dadka cayilan. dhinaca kale Soonka oo lagu daaweeyo kansarka waa mowduuc la isku qilaafsanyahay.

HABKA IYO FAAIDIDA SOONKA
Soonka waa isbadal kiimikaad iyo waliba qeyb muhiim ah ee isbadal caafimaad wuxuu kaloo kor u qaadaa daganaanshaha iyo tamar siinta jirka maskaxda iyo dareenkaba. Soonku wuxuu si cad ugu qeyb qaataa korinta iyo abuuritaanka tamarta, wuxuu kaloo sare u qaadaa caafimaadka iyo firfircoonida asagoo qeybaha jirka siinaya nasiino.

Shaqo ahaa jirka, cunista  oo la iska daayo waxay yareeysaa shaqada ay qabtaan unugyada dheefshiidka ay kamid yihiin caloosha, xiidmaha beeryarada, xameetida iyo beerka, kaasoo ah warshada ugu weyn jirkeena waxuuna inta lagu soonka sameeyaa nadiifinta, soo saarista waxyaabo jirka isticmaalo. Tamarta jirka oo yaraata waxay beerka u ogolaataa in uu batto sonkorta u keydsan una badalo mid uu jirku isticmaalo karo iyo tamar, sidoo kale baruurta jirka waxaa loo isticmaalaa tamar.

Soonku wuxuu siyaadiyaa habka qashin saarka ee malawadka killiyaha, kaadi haysta, sambadaba iyo jirkaba, tani waxay caawisaa xallinta dhibaatooyin badan oo ka dhasha cunto cunista fadhi ku shaqeyta badan.

QEYBO KAMID AH FAAIDOOYINKA SOONKA
  • Sifeyn
  • Nadiifinta jirka
  • Tamar badan
  • Hagaajinta dareenka araga
  • Dhalinyareyn
  • Maqalka iyo dhadhanka
  • Yareynta elerjiga
  • Hurdo wanaagsan
  • Kahortaga cudurada

DHIBAATOOYINGA CAAFIMAADKA EE BILOWGA SOONKA
Gaajo iyo madax xanuun kuwaasoo maalmaha ugu horeysa yimaada, xanaaq, wareer, dadka intooda badan carabkooda ayaa dufcad ama jaalle ah taasoo sababta ah isbadel kuyimaada dhadhanka iyo waxaa kale oo jira lallabo iyo matag.  Inta lagu gudo jiro soonka dadka qaar ayaaa waxay dareemaan hurdo la’aan iyo qarow badan taasoo ay sababto sun saarka jirka iyo habeentiisa.

Tabar darro iyo muruqo xanuun ka dhasha macdanta oo yaraata cadaadiska dhiiga ayaa hoos u dhaca sababatana wareer gaar ahaan marka qofka asaga oo fadhiya uu istaago.

Cili baaris ayaa waxay muujisey in uu isbadel ku yimaado hormoonka jirka gaar ahaan kan haweenka taasoo horseedda in la waayo socodka dhiigga caadada tan oo lagu macneeyo in ay keento nafaqa darro barotiineed.

WAXYAALAHA MUHIMKA AH XILLIGA SOOMKA
Hawo nadiif ah: hawo badan ayaa loo baahanyahay si loo nadiifiyo hadane oksijiinka loo siiyo unugyada jirka
Cadceed: ayaa loo baahanyahay si loo xoojiyo jirkeena.
Biyo: qubeys ayaa aad u muhiim ah si loo nadiifiyo jirka laba jeer maalintii
Jimicsiga: ayaa aad muhiim u ah kaasoo ka taageeraya dhinaca nadiifinta sidoo kale wuxuu ka caawiyaa jirka qashin saarka, ka hortaga calaamadaha sumowga,
lugeyn: baaskiil wadowga, dabaasha waa la sameyn karaa soonka inta lagu jiro.


FIIRO GAAR AH
Warbixtaan uu Dr-ka Ku soo bandhigay luqqada English-ka hadaba hadii aad wax qalad ah aad ku aragtid turjumaada. fadalan Ra'yiga ku xus hoos

Wabrixnta oo Englsih ah:-
http://www.healthy.net/Health/Article/Nutritional_Program_for_Fasting/1996/1 

Maqaldame Waa Allah

Dr Elson M. Haas M.D Elsoonhaas@cl.us.
University Clifornia. www.Clifornia University.com.

Ilaah ha inaga Dhigo kuwa Soonkooda la aqbalo Ajir iyo Dambi dhaafna ka hela Caafimaadna Alle ku siiyo ... Aamiin..




Offline CilmiSabca

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 344
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Kas & Kamma' Kibir Looma Kaco.
Re: Soonku Waa Dawo Dabiici - Dr Elson M. Haas
« Reply #1 on: July 19, 2012, 10:37:55 AM »
Soonka in uu daawo yahay waa mid la wada hubo, soonka wuxuu kaloo daawo u yahay dadka aan guursan karin, marka qofkii aan guursan karin waa in uu soomo ilaa inta uu Alle waafajinayo in uu guursado. Soonka sida la og yahay wuxuu yareeyaa hammiga qofka. Ilaahay ha naga dhigo kuwii uu soonkoodu noqdo soon la aqbalo... Aamiin.
Talo SAARO Allaah


 

Su'aal: Afkeyga si walbo iyo dawo walbo oo aan ku cadaydo wuu shiiraa?

Started by OmarmohamedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 4824
Last post February 10, 2016, 02:12:42 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Shahwada inee bananka uso daadato markasto, dabiici miyaa?

Started by IlhaanBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 30284
Last post June 26, 2015, 02:38:58 AM
by Cali Asaaro
Su'aal: Xiniinyaha raga miyey kala weynaan karaan si dabiici ah?

Started by WalaalkaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 18475
Last post January 07, 2012, 02:02:13 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Laleelmo maxa dabiici aha lagu daweyn karaa?

Started by ZujrBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 4037
Last post May 22, 2016, 07:44:34 PM
by SomaliDoc
Ku jooji dhiigbaxa fudud si dabiici ah (Qoraal muhiim ah..)

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 33737
Last post May 22, 2016, 03:59:10 PM
by SomaliDoc