Author Topic: Ilma yar oo markuu hadlayo, hadalka ku dhex nax naxa, maxaa lagu tilmaami karaa?  (Read 34430 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline CilmiSabca

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 344
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Kas & Kamma' Kibir Looma Kaco.
Asc, Ramadaan Kariim.
Dhakhtar, wiil yar ayaa naga xanuunsan, wiilka wuxu u muuqdaa in uu caadi yahay, laakiin haddana caadi ma ahan.
Dhakhtar, wiilkaan, marka uu hadla hayo wuxu u muuqdaa qof hadalku ku dhag dhaga hayo oo kolba waa uu isku naxa hayaa, hadalkana waa uu ku mar margana hayaa balse ma uu shig shiga hayo. Sidoo kale, Dhakhtar, kolka uu hadla hayo afkiisa waxaa ka soo buuxsama Calyo ama candhuufo xumbo leh oo aad u cad. Sidoo kale Dhakhtar, wiilka waxa mar hore ku dhacay; Burunkiito, pnoumonia iyo mininjeytis, kuwaas oo keenay in uu mar marka qaarkood qalalo. Inkasta oo laga daaweeyey cudurradaas. Maalmahaan ayaan ku aragnay wax yaalaha hadalka la xidhiidha, iyadoo haddii ay wax yar ku dhacaan sida Ul (oo la uleeyo) ama wax kale oo lagu dhufto aad ayuu u xanuunsanayaa, haddii uu qeylo maqlana uma uu adkeysan karo. Marka Dhakhtar, ciladdahaan cusub ma waxa ay la xidhiidhaan xanuunadii hore ugu dhacay. Wiilka da'diisa hadda waa 6 (lix) sano jir. Waxaan rajeynayaa in aad ila fahamteen. Waadna wada Mahad san tihiin.
Wabil Laahi Towfiiq. Ramadaan Kariim.


Talo SAARO Allaah


Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Naxdin aan horay u jirin, isbadal ku dhacay hadalka, qaylada uu dhibsado iyo inuu horay u qalali jiray waxay u egtahay wax isla xiriiro taasoo taasoo ah maskaxda ama neerfaha cillad ah, waxaana sabab u noqon karo qalalka.

Qalalka ilmaha wuxuu ku reebaa dhibaatooyiin dheer oo ay ka mid tahay in uu badalo qaab fikirkooda, dareenkooda, waxgaradkooda, korriinkooda taasoo noqon karto xagga jirka, maskaxda, hadalka iyogaraadkoodaba.

Haddii dhibaata culus aad u aragtaan cabashadaan aad ii sheegtay, wax cusubne ay yihiin oo horay aanan loo arki jirin, aadne isleedihiin qalalkii loogama horaynin, fadlan la xirira takhtar ku taqasusay cudurrada neerfaha ee caruurta, warbixin dhameestiranne waa in aad siisaan takhtarka.

Midda kale oo talo ahaan idiin siinayo, haddii cunuga uu xanuunsan yahay sida aan dareemayo, hala daayo in la garaaco ama in laga dhixiyo illaa inta laga hubsanayo, waxa loo garaacayo ma qalad ayuu ula jeeda mise cillada ayaa keentay.

Haddii aad qabtid su'aalo dheeraad ah waad na waydiin kartaa.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline CilmiSabca

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 344
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Kas & Kamma' Kibir Looma Kaco.
Dhakhtar, aad iyo aad ayad u mahadsan tahay.
Dhakhtar, waxaanu la xidhiidhnay Dhakhtar ku taqasusay cudurrada Maskaxda. Markii uu naga dhagaystay war bixinta cunugga isla markaana uu indhihiisa ku arkay warbixinta aan ku waydiiyey ee cunugga,
wuxuu u qoray kaniiniga la yidhaahdo
Phenobarbital 1x2 for 2 weeks.
Su'aashu waxay tahay kaniinigaan phenobarbital ma u daawaa xaaladda kor ku xusan.
Maxayse ku kala gadisan yihiin
phenobarbital vs tegrotol 200?
Waad mahadsan tahay Somalidoc.
Talo SAARO Allaah

Offline Dr.Tulip

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 206
  • Points: +0/-0
  • Gender: Female
Walaal CilmiSabce haa daawo wa utahay qof qaba xaladahad kur kuso sheegtey,,,Sidi Dr kugu shegey daawada ilmaha usii,,Hadi ad ku aragtidna isbadal sidatan ah:

*Wareer
*Madax xanuun fara badan
*Labo labo/Matag
*Caloshan socon ama shuban
*Hurdo la'an
*ama xaladaha ad kur kuso sheegtey oo kusii batey ilmaha
Fadlan dr laxireer sida ugu dhakhso badan.

walaalo labada daawo wa iskumed  phenobarbital,tegrotol 200 ( anticonvulsant with neurotropic and psychotropic actionsused to treat several neurological conditions  including epilepsy)
Haddii aad qabtid su'aalo dheeraad ah waad na waydiin kartaa ^_^

Offline CilmiSabca

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 344
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Kas & Kamma' Kibir Looma Kaco.
Aad ayaad u mahadsan tahay Dr. Tulip.
Daawadu ilaa xad xaaladda cunugga way xalisay.
Dhakhtarkana waxaan balanay 2da wiik markay daawadu dhamaato, in aan xaaladda cunugga uga war bixino, si uu go'aan kama dambeys ah uga gaaro in uu daawada u taxo (joogteeyo) ama wixii soo kordha. Insha Allaah.
Mar kale waad mahadsan tahay Dr. Tulip. Jazakal Laaha Kheyran.
Talo SAARO Allaah


 

Su'aal: Diktoore, maxaa laga wadaa Reactive, Weak-reactive iyo Non-reactive?

Started by XidigBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 55817
Last post July 02, 2017, 11:30:43 AM
by SomaliDoc
Caga-hurka ama Caga-ololka Maxaa Keeno?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 4
Views: 161873
Last post August 23, 2015, 02:14:13 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keni kara calol xanuunka iyo naaso xanuunka

Started by GacalsameBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 57782
Last post December 05, 2015, 01:19:38 PM
by SomaliDoc
Maxaa meydka loo qalaa? Waa maxay "Autopsy"?

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 1
Views: 62001
Last post April 06, 2016, 04:35:38 PM
by Mo Digdig
Su'aal: maxaa farqi u dhaxeeyo ragga leh jocorta iyo ragga aan laheen?

Started by JaakeyeBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 28781
Last post June 11, 2017, 12:22:58 PM
by SomaliDoc