Author Topic: Su'aal: Cudurka calaanka muxu yahay?  (Read 6876 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Maasim

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Su'aal: Cudurka calaanka muxu yahay?
« on: August 19, 2012, 11:57:24 PM »
ascw waxan rabaa in li fahansiiyo cudurka calaanka la dhaho oo dhaqtar aan cunug u geenay dhahay wuxu qabaa cudurka calaanka anagana si ficam mow fahmin marka qofkii yaqaano cudurkaas ha na fahamsiiyo waa mahadsantihin




Offline CilmiSabca

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 344
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Kas & Kamma' Kibir Looma Kaco.
Re: Su'aal: Cudurka calaanka muxu yahay?
« Reply #1 on: August 23, 2012, 12:48:16 PM »
Marka hore haddii la macneeyo ereyga 'Calaan' wuxuu noqonayaa:-
= Wax aan korin oo Cilin ah, waxaas oo noqon kara geed ama qof ama wax kaloo nool, oo wixii la jaadka ahaa, aad iyo aad uga yar= iyo sidoo kale wax fahmidda oo uu qofku si aad ah uga liito (inuu wax fahmaa way adag tahay) waana 'Damiin Dam ah'.
Dhinaca kale, dhanka Caafimaadka haddii laga eego, ciladda 'Unugyada Hayb-raaca' waa xaalad ay ilmuhu ka dhaxlayaan waalidkood, waxaana qofka damiinka ah loo gudbiyaa 'Unugyada Hayb-raaca' oo gaaraya 21 intii uu heli lahaa labo (2) Chromosome ama 'Unug-hayb-raac'. Haddaba, Haybraacyada dheeriga ah ee qofku helayo ayaa waxa ay badalayaan isku dheeli tirnaantii jidhka, waxaanay sababayaan calaamadaha 'Calaannimada' oo muuqaalka iyo garaadkaba leh oo soo baxaya. Marka lama garanayo waxa sababa ciladdaha calaannimada, laakiin waxaa la ogsoon yahay; in mid ka mid ah 1000kii (kunkii) cunugba laga helo aafadan; waana cudur caadi (normal) ahaan loo kala dhaxlo oo keena ciladda damiinnimada.
Waxaa jira 3 (saddex) namuun ama nooc oo calaannimada damiinnimada u kala baxdo:
Tan caadiga ah ee loo yaqaanno (Trisomy 21)  ayaa unugyada oo dhan waxaa ku jira 'Haybraaca dheeriga ah oo gaaraya 21. Haddaba ilaa iyo 94% dadka qaba ciladdan damiinnimada ayaa waxay qabaan noocan loo yaqaanno (Trisomy 21). 'Hayb raaca dheeriga ah ee ka kooban 21-ka ayaa waxaa ku xidhan haybraacyo kale oo mid ka mid ah waalidka carruurta ayaa wata hayb raacyadan caadiga ah iyadoo welibana taasi aanay wax saameyn ah ku laheyn. Qofka sida 'Hayb raaca aan caadiga aheyn' ayaan laheyn ama qabin ciladdaas.
Haddaba kuwa wada ciladda hayb raaca aan caadiga aheyn haddana gudbiya ayaa waxaa lagu qiyaasaa 4%.
Mosaic--  Qaar ka mid ah unugyada hayb raaca ayaa waxay gudbiyaan 21 hayb raac ama chromosome. Dadka calaannimada noocan ah qaba ayaa waxaa lagu qiyaasaa 2%, dadkan cudurka xoog kuma lahan, laakiin damiinnimadu way ka muuqataa wax walibana kuma horeeyaan, haddana fahamkoodu way ka yara roon tahay sida kuwii koowaad ahaayeen.   Sababtaas aawadeed dadka noocan damiinnimada khafiifka ahi ku dhacdo ayaa waxay lee yihiin muuqaallo kala duwan. Qaarkood weji salaxan bey lee yihiin iyo indho buur buuran ood moodo in godkii ay ku jireen laga yara siibay, qaar ka mid ah kuwa ciladdan qaba ayaa waxa lagu arkaa  dhego yar yar, jeego salaxan iyo carrabka oo banaanka ay u soo bixiyaan had iyo goor. Dadka cudurka damiinnimada khafiifka ah qaba way ka gaa gaaban yihiin dadka caadiga ah, waxaan dhisneyn jidhkooda, gacmahooduna way gaa gaaban yihiin, calaacalahana haryuub ayey ku lee yihiin.
Kala badh dadka noocan damiinnimada ah qaba ayaa waxa ku dhaca ciladdo xaga wadnaha ah, kuwaasoo qaarkood la daaweyn karo, hase yeeshee qaar ka mid ah cudurrada wadnaha ayaan dabiib iyo daawo laheyn. Kuwa badan oo qaba ciladdan nooca 2aad (second case) ayaa waxay kala hayaan afka, waxaana ku adag inay cunada qaataan, qaarkood waxaa ku dhaca calool-xiran iyo qanjirrada dhuunta oo barara. Ciladdaha kale ee muuqda waxa ka mid ah cudurrada indhaha, maqalka iyo aragga, waxaanay u nugul yihiin cudurrada faafa. Badankood dadka ciladda damiinnimada khafiifka ah qaba ayaa markii ay da' gaaraan waxaa ku dhaca cudurka kansarka dhiigga ee loo yaqaanno Leukaemia, iyo cudurrada xasuusta baabi'iya ee Alzheimer.
Ubadka damiinnimada ku dhasha ayaa waxaa uu la socdaa da'da hooyada, waxaana ubadka damiinnimada ku dhasha ay u badan yihiin haweenka da'da yar. Waxaase ubadka ciladdan ku dhasha ay ku badan yihiin haweenka haysta ilmo calaannimo iyo damiinnimo ku dhasha, laakiin markii daraasaad lagu sameeyey waxaa la ogaaday inaanay hal qoys un ka iman, laakiin dad kala duwan ayuu cudurkani ku dhacaa. Haddii ay hooyadu mararka qaar dilanto, ayaa waxaa suura gal ah in ilmaha xiga ay ku dhashaan ciladda 'Calaannimada.
Talo SAARO Allaah

Offline Maasim

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Su'aal: Cudurka calaanka muxu yahay?
« Reply #2 on: August 26, 2012, 12:10:03 AM »
Waad mahadsan tahay cilmisabca. Wili ma fahmin waxa nii sheegtayna waxba ka jire.

Offline CilmiSabca

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 344
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Kas & Kamma' Kibir Looma Kaco.
Re: Su'aal: Cudurka calaanka muxu yahay?
« Reply #3 on: September 19, 2012, 12:59:43 PM »
Maasim, waxaan jawaab kale kaaga rajeynayaa Dhakhaatiirta webka. Jawaab faahfaahsan Insha Allaah. ?
Talo SAARO Allaah

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Cudurka calaanka muxu yahay?
« Reply #4 on: October 27, 2012, 02:49:36 PM »
Walaal Maasim, waxaa jira cudurro badan oo calaannimo u keeni kara caruurta, waxaan jeclaan lahaa in aad ii sheegto astaamaha iyo calaamadaha ama cabashada aad takhtarka ugu tagteen.

Mahadsanid

F.G: Si aad aqoon dheeraad ah ugu yeelato cudurka uu Cilmi ka hadlay, halkaan ka akhriso: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,848.0.html
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Waa Maxay Cudurka "Ebola"?

Started by Waxbaro!Board Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 46487
Last post December 10, 2007, 08:31:26 PM
by Waxbaro!
Waa maxey cudurka "Rubella Virus"?

Started by ManaalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 28925
Last post January 24, 2009, 11:26:50 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Ha la ii faahfaahiyo cudurka kalamisada "Pre-eclamsia"?

Started by Mohamud FarahBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 18444
Last post May 02, 2011, 06:10:16 PM
by Drkheyre
Waa Maxay Bidaarta Cudurka ah ee "Alopecia"?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Maqaarka

Replies: 0
Views: 95964
Last post April 21, 2015, 11:16:29 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay walaalayaal cudurka loo yaqaan infectionka xaglaha ama murqaha?

Started by TuuraqBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 27094
Last post February 05, 2011, 04:08:18 PM
by SomaliDoc