Author Topic: Cabsi ay ka qabaan dagaal ayaa carruur nafaqo-xumo hayso ku khasabtey in ay ka c  (Read 12674 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline Drkheyre

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 126
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Cabsi ay ka qabaan dagaal ayaa carruur nafaqo-xumo hayso ku khasabtey in ay ka cararaan xarunta quudinta MSF ee Kismaayo

Nayroobi, 28 Sebtembar 2012 – Kuwii ugu dambeeyey carruurtii laga daweynayey nafaqo-xumada ba’an ayaa maanta isaga  tegey xarunta quudinta ee Médecins Sans Frontières (MSF) ee Kismaayo maaddaama ay waalidiintoodu ka baqayaan raadka uu reebi karo dagaalka ku soo wajahan magaalada.

Toddobaadyadii dhowaa ee la soo dhaafey, ayaa halista colaad hubeysan oo dhacda ay si weyn u carqaladeysey hawlihii caafimaadka ee awalba koobnaa iyo nidaamyadii sii-gudbinta bukaanka iyo soo gaaridda tas-hiilaadka caafimaadka ee gudaha iyo hareeraha Kismaayo ku yaalla. Xaruntii quudinta ee ururka caafimaadka ee caalamiga ah uu ku daweynayey carruur ay nafaqo-xumo hayso tan iyo markii bilowgii dhibaatooyinka nafaqada la xiriira ee ku dhuftey badi Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya sanadkii 2011kii, baqdin ay ka qabaan dagaal bilowda ayaa dhaliyey in tirada bukaannadu ay si weyn hoos ugu dhacdo, iyada oo shaqaaluhu ay bixinta carruurta gorgortan kala gelayeen waalidiin doonaya in ay cararaan ama ay dib ugu biiraan qoysaskooda.

Goor hore oo maanta ah, ayaa shaqaalaha caafimaadka ee MSF waxaa ay fasaxeen 8 ka mid ah 9kii carruurta ahaa ee ku harsanaa xarunta ka dib markii ay sidaasi codsadeen waalidiintooda waxaana uu ururku siiyey sahay iyo tilmaamo si uu isugu dayo oo uu gacan uga siiyo waalidiinta sidii ay daaweynta ugu sii wadi lahaayeen gurigooda. Waxaa ay filayeen in ay sii wadi doonaan daryeelka ay siiyaan ilmo yar oo aad u tabardaran oo aan laga saari karin xarunta caafimaadka, laakiin waxaa ay ku soo warrameen in ilmahaasna uu isna sidoo kale ay la baxeen waalidiintiisa.

MSF ayaa xarunta caafimaadka bukaan-jiifka si loogu daweeyo carruurta aad u il-daran ee aan lagu daweyn karin barnaamijka bukaan-socodka furtey sanadkii 2011 markii ay jireen dhibaatooyinka nafaqo si ay wax uga qabato nisbooyinka sarreeya ee nafaqo-xumada. “Tan iyo waqtigaa, kooxda MSF waxaa ay sidoo kale u gurmatey jadeeco iyo shuban-biyoon dillaacay – kuwaas oo tilmaan cad u ah heerka baylahsanaanta dadweynaha iyo baahiyaha daryeelka caafimaadka,  ayaa uu yiri David Querol, oo ah Madaxa Ergada MSF ee xaruntoodu tahay Nayroobi.

Kalago’a ku yimid waxqabadyada waxaa uu sidoo kale 650 carruur ah oo ku jira barnaamijka nafaqada bukaan-socodka gelinayaa xaalad taas la mid ah oo ay iyana arrintu ku culus tahay. In kasta oo dadaal lagu bixiyey in toddobaadkii hore carruurtaas la siiyo sahay kale oo cunto dheeri ah oo quudin-ku-daweyn, haddana MSF ayaa weli waqtigaan la joogo ka walaacsan sida ay xaaladdoodu tahay.

‘Kismaayo tas-hiilaadka caafimaad ee ka jira waa mid ka yar inta ay u baahan yihiin dadka deggan waxaana aan ka baqeynaa in colaadda oo faafta ay sii yareyn karto adeegyadan markoodii horeba yaraa.’ David Querol ayaa hadalkiisa sii raaciyey oo yiri, ‘Tusaale ahaan hadda awood uma lihin in aan bukaannada u gudbinno cusbitaalka Mareerrey ee halkaa ka dhow.’

Xaaladdu marka ay sidaan tahay, ayaa MSF waxaa ay kooxaha iska soo hor jeeda ugu baaqeysaa in ay ixtiraamaan goobaha caafimaadka ee horeyba u jilicsanaa ee ku yaalla gudaha iyo hareeraha Kismaayo iyo in ay hubiyaan in shaqaalaha tas-hiilaadkan ay gargaarka aadka loogu baahan yahay ay siiyaan dadweynaha. MSF waxaa ay sidoo kale dhammaan dhinacyada xusuusineysaa waajibkaadka saaran ee ah in ay u oggolaadaan in daryeel caafimaad la gaarsiiyo dhammaan dadka u baahan daryeel daaweyn degdeg ah.

Hawlaha MSF waxaa ay ku saleysan yihiin oo keliya baahida daaweyn ee bukaannada. Ururka ayaa ka shaqeeya hubinta in gargaarka dadka loo gaarsiiyo iyada oo laga madax-bannaan yahay oo dhexdhexaad loo yahay dhammaan garabyada iyo dhinacyada dagaalku ka dhexeeyo iyada oo aan tixgelin la siineyn isir, diin, qabiil ama siyaasad.

MSF waxaa ay Soomaaliya ka shaqeyneysey tan iyo 1991gii. Sanadkii la soo dhaafey waxaa ay ilaa 22 mashruuc ka waddey qaybo kala duwan oo dalka ka mid ah iyo xerooyinka qaxootiga Soomaalida ah ay ku jiraan ee Itoobiya iyo Kenya ku yaalla. Guud ahaan 2011kii MSF waxaa ay dabiibtey 78,500 bukaan oo qaba nafaqo-xumo ba’an iyo in ka badan 30,000 oo qaba nafaqo-xumo dhexdhexaad ah; in ka badan 7,200 oo qaba jadeeco waxaana ay 255,000 qof ka tallaashey cudurro. MSF waxaa ay gacan ka geysatey ka umulinta 6,000 hooyo waxaana ay isla muddadaas bixisey 537,500 la-talin caafimaad ah.