Author Topic: Faa'iidooyinka Timirta.  (Read 127389 times)

0 Members and 3 Guests are viewing this topic.

Offline CilmiSabca

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 344
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Kas & Kamma' Kibir Looma Kaco.
Faa'iidooyinka Timirta.
« on: December 21, 2012, 08:53:47 PM »



Geedka barakaysan ee timirta waa geed ka baxa dhulka kulaylaha ah gaar ahaan dhulka aanay ku samaysmeyn badi dalagyada kale ee la quutaa, dhulka ay timirtu ka baxdo waxa kale oo la yidhaa lama dagaan, waana dhul saxare ah oo cimilo ahaana aad u kulul.

Timirtu waxa ay leedahay faa'iido badan waxana ay caawisaa qaybo badan oo kamid ah jidhka aadamaha. Haddaba faa'iidooyinka iyo mucjisada uu koobsaday geedka timirtu maaha mid qoraal lagu soo koobi karo laakiin waxa aynu xusi doonaa waxyaahaba ugu caansan ee laga dhaxlo isticmaalka timirta.

  • Timirtu waxay dhintaa Heerka Cholesterol-ka ee Dhiiga waxayna ka ilaalisaa Xiddidada Dhiigga qaada Qalafsanaanta sababtoo waxaa ku jira Timirta Maadada loo yaqaano "Pectin"
  • Waxay ka hortagtaa kansarka xiidmaha, waxayna ka ilaalisaa Xanuunka Baabaasiirta, waxayna yaraysaa Dhagxanta ku dhasha Kaadi haysta, waxay sidoo kale fududaysaa Marxaladaha Uurka iyo Dhalmada iyo Dhiiga ka dambaya waxaana ku jira Fibres aad u wanaagsan iyo Sonkoro dhakhso u riiqma.
  • Waxay ka joojisaa in Ilkaha uu Suus galo, sababtoo ah waxa ku jirta Maadada "Fluoride"
  • Waxay ka ilaalisaa Jidhka Sumaha waayo waxaa ku jira Maadooyinka Sodium, Potassium iyo Vitamin C.
  • Waxay daawaysaa Dhiig la'aanta sababtoo ah waxa ku jira Maadooyinka Iron, Copper iyo Vitamin B2
  • Waxay daawaysaa Jil jileeca Lafaha oo waxa ku jira Maadooyinka Calcium, Phosphorus iyo Vitamin A
  • Waxay daawaysaa Appetite la'aanta, sababtane waa maadada Potassium-ka ee ku jirta.
  • Waxay daawaysaa Itaal darada guud ahaan iyo Wadna xanuunka oo waxa ku jirta Maadada Manganisium iyo Copper.
  • Waxa ku jira Maadada Salinium oo ka hortagta Cancer-ka sidaas darteed baan Dadka ku nool meelaha Beeraha Timirtu u aqoon Cancer-ka.
  • Waxa ku jirta Maadada daawaysa Itaal darada xagga Galmada
  • Waxaa ku jirta Maadada "Poron" oo daawaysa Rheumatism ka iyo Cancer-ka Maskaxda
  • Waxay daawaysaa Qalaylka Dubka iyo Indhaha Guruxooda waayo waxaa ku jirta Maadada Vitamin A
  • Waxay daawaysaa Xanuunada ku dhaca Mashiinka Cuntada riqa; waayo waxaa ku jira Maadada Vitamin B1
  • Waxay daawaysaa Timaha daata iyo Daalka Indhaha iyo Qalaylka Afka iyo Infection ka Bushimaha, taasi waxaa sahlaya Maadada Vitamin B2 oo ku jirta timirta.
  • Waxa ku jirta Maadada daawaysa Infection ka Dubka ama jidhka.
  • Waxay daawaysaa Dacarta Caloosha waayo waxa ku jira Maadooyinka Chlor, Sodium iyo Potassium.
  • Waxay daawaysaa Xanuunada Ciridka ku dhaca waxan laga helaa Vitamin C.

Geedka barakaysan ee Timirta lama soo koobi karo faa'iidooyinka laga helo waana geed cunto ahaan ka sokow dawo ahaan loo adeegsado isaga oo ka hortag u ah cuduro badan oo dadka asiiba. Diinteenuna waxa ay dhiirigelisay isticmaalka midhaha timirta isaga oo Nagibeenii suubanaa (N.N.K.H) laga soo wariyay in uu yidhi {ma gaajoodo cida ay Gurigooda taalo Timiri} waxana uu Xadiithkani cadaynayaa oo markhaati ka yahay ahmiyada ay leedahay Timirtu.

Timirtu waa cunnada ugu haboon ee lagu furo soonka caafimaad ahaan sababtoo ah waxay u roontahay dheefshiidka, waana cunnada sida tartiibka ah calooshu u shiido, waxaa intaa sii dheer inay dheecannada iyo fitamiinada jirka ku jiro ay isu dheelli tirto markuu qofka muddo gaajaysnaado, waxayna sare u qaadaa appetite-ka qofka iyadoo gaajada si dhakhso ah u yarayso, waxaa intaa sii dheer inay gaaska iyo aashitada caloosha ay ka ilaaliso inay dhaawac gaarsiiso dahaarka caloosha, sidaas awgeed waa in aan ku dadaalnaa in soonka aan ku afurnaa timir anagoo sunanda nabigeena suuban raacayno.

Akhriso Faaidada malabka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3929.0.html
Akhriso Faaidada xabatu-sowdada: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5502.0.html


http://somalidoc.com


Talo SAARO Allaah


Offline Abdihadi

  • Newbie
  • *
  • Posts: 5
  • Points: +0/-0
Re: Faa'iidooyinka Timirta.
« Reply #1 on: February 24, 2015, 03:26:38 PM »
woow mashallah jazakallah khayr dhakhaatiirta .walal.Aniga geed ka timirta aad baan u isticmaalaa subax kasta timir baan quraac kadhigtaa dhoowrkii sano udambeeya laakiin faaidooyinkaas aad kor kusheegtayna markaan akhriyay aad baan oogu farxay sidii balwad camal ayaan ula qabsaday cunista timirta markasta waana isticmaalayaa inta aan noolahay inshallah ..
hal suaal baan kuwaydiinayaa Dr.qofka timirka aad u isticmaala inta badan caafimaadkiisa wax dhib ah ma ukeeni kartaa haduu badsado isticmaalkeeda..?

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Faa'iidooyinka Timirta.
« Reply #2 on: February 25, 2015, 05:26:24 PM »
Timirta wax dhib ah ay caafimaadka u keento haddii la badsado oo ay takhaatiirtu sheegtay ma jiro, sii wad cunisteeda, wixii aad ka heshay faaido caafimaadne nala wadaag.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Ustaad77

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Re: Faa'iidooyinka Timirta.
« Reply #3 on: June 09, 2016, 02:53:35 PM »
Asc  ditoore ma leedahay timirta  mararka qaar gastric  sida lagu arko laab jeex mar mar . Mahadsanid.

Offline Diyo

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
Re: Faa'iidooyinka Timirta.
« Reply #4 on: June 10, 2016, 09:52:31 AM »
MashaAllah Jazaakallahu khairal jaza'a

Hal su'aal dictore

Infactionka dhiiga ku dhaca ma dawaysaa Timirtu?
mahadsanid.

Offline Jirow

  • Newbie
  • *
  • Posts: 4
  • Points: +0/-0
Re: Faa'iidooyinka Timirta.
« Reply #5 on: June 16, 2016, 03:33:34 PM »
Walaal timirta marka an cunaya waxa aan arka ilkaha oo i xanuuna .......... Macaanka dartiis


 

Su'aal: Timirta malaga qaadi karaa cudurka sonkorta?

Started by Cali AsaaroBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 16620
Last post July 25, 2015, 10:56:17 AM
by SomaliDoc
Health benefits of date palm ( Timirta / AL-Tamr )

Started by Ahmed_07Board Topics in Healthcare

Replies: 0
Views: 14118
Last post June 05, 2012, 11:24:07 AM
by Ahmed_07
Timirta ma laga qaadi karaa xanuunka macaanka?

Started by A/qadir AbdiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 5839
Last post April 29, 2016, 09:13:35 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Timirta iyo Gaaska?

Started by Khaalid YusufBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 8332
Last post January 02, 2013, 08:37:41 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Timirta iyo Ilkaha?

Started by DirsameBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 4412
Last post April 29, 2016, 08:45:40 PM
by SomaliDoc