Author Topic: Su'aal: Sidee loo daweyn karaa Nabro Madaxa ka soo baxay oo is badbadalaya?  (Read 18438 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline CilmiSabca

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 344
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Kas & Kamma' Kibir Looma Kaco.
Asc. Salaan ka dib.
Dhakhtar, wiil yar ayaa waxaa madaxa ka soo baxay nabro dhowr goobood oo war wareegsan ah. Waanu xiidhnay, ka dib waxaanu u geynay Dhakhtar, wuxuu u qoray Boomaato la yidhaahdo DAZOLE crème (clotrimazole crimè) 1x3, markii ay dhamaatay, waxba isma badalin wayse sii fid fideen, mar kale ayaanu ku celinay sidii buu u qorey isla DAZOLE créme, way ka sii dartay, waxay goobihii isku badaleen nabro dhiig leh oo ay malax huruud ahi ku jirto la socoto, intaas oo dhan muddo 3 bilood ah ayaanu ku noq noqoneynay dhakhtarka oo aan wiilkana hadba timaha ka xiidhaynay. Dhakhtarkuna dawadaas ayuu kolba u qorayaa! Wiilkuna wuxuu xoqayaa madaxa. Is badalada nabraha waxaa la socda bar barar yar yar oo nabarada ku dhex sameysan, waxaa kale oo jira ur yar yar oo nabraha ah. Marka Doctor, waxani waa maxay? Sidoo kale ma jirto qandho iyo wax kale, nadaafadda wiilkana waa mid fiican. Wiilka hooyadiisna daawada way diiday ka dib markii ay ku qanci waysay waxtar la'aanta daawada. Waxay hadda rabtaa in ay u isticmaasho DIINSI daawo ahaan laakiin waxaan ku idhi i sug Somalidoc ayaan talo ka soo raadinayaa. Marka fadlan Doctors ama ciddii wax ka garaneysa xaaladdaan oo kale, taladiina waan soo dhaweynaynaa intii ay goori goor tahay. Mahadsanidiin Jzkl Khyr.


Talo SAARO Allaah


Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association


Cudurkani waa canbaarta timaha gasho, waxaana afka qalaad lagu yiraahdaa "Tinea Capitis", halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2121.0.html

Wuxuu cuudrkaa ku badan yahay ilmaha dugsilayda, waxaana keeno jeermiska "Fangaska", wuxuuna ku dhici karaa jirka qeybihiisa kala duwan, waxaa ugu dhib badan midda gasho madaxa, si dhakhsane kuma bogsooto, waana la kala qaadaa, marka la daaweynayo waa in tinta laga xiiraa cunugga, dugsigane laga reebaa, ilmaha kalane laga ilaaliyaa maadaama cudurka la kala qaado, kadibna waa in safiican loo dhaqaa mdaxa kadibna la mariyaa bamaatooyin loogu tala galay waxaana ka mid ah midda hada loo qoray, badan daawooyinkaana wax kama tarto, waxaa loogu badalaa kaniini loo yaqaanno "Grisofolvin" oo la qaadano muddo bilooyin ah illaa ay ka bogsato.

Wixii intaa dheer kala xiriir takhtar ku taqasusay cudurrada maqaarka.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline CilmiSabca

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 344
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Kas & Kamma' Kibir Looma Kaco.
Aad ayaad u mahadsan tahay Somalidoc.
>
Dhanka kale, Doctor,
markii laga celin waayey Diqsiga, daawaduna (boomaatada) ay awood yaraatay, waxay Hooyada wiilku isticmaashay;
caleenta geedka Qurac oo fresh ah way tuntay, waxay ku dartay caano ari lis ah, diinsi iyo biyo yar, isku darkaas oo ay u diyaarisay sida la mid ah qaska laxooxda, marka inta ay nabraha xoqdo oo ay bujiso ayay wiilka madaxa u marisaa isku darkii.
Maalmahaanna waxaa soo yar yaraaday
xanuunkii keenayey madax iska xoq xoqa wiilka,
urtii dhiig dhiigga aheyd, malaxdii nabraha ku jirtay iyo bar bararkii kuus kuusnaa.
Haddaba, Doctor, isku qaskaas ay madaxa u marinayso wiilka, saameyn ma u yeelan karaan mustaqbalka marka la eego maadooyinka kala du duwan ee isku darkaasi?
Talo SAARO Allaah

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Qasqaskaas saameynta ay ku reebi doonto madaxa ama tintaba garan maayo maadaama ay yihin dhowr shey oo la isku daray oo mid kastane uu yeelan karo khatartiisa, laakin way jiraan waxyaabo badan oo soomaalida ku daaweyso nabraha madaxa kadibna dila unugayda soo saaro tinta oo qofka si joogto ah tinta uga haado.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline CilmiSabca

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 344
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Kas & Kamma' Kibir Looma Kaco.
Aad ayaad u Mahadsan tahay Doctor.
Talo SAARO Allaah