Author Topic: Su'aal: Sidee lagu ogaadaa cudurka kansarka?  (Read 39446 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Laabta

  • Newbie
  • *
  • Posts: 11
  • Points: +0/-0
  • Gender: Female
Su'aal: Sidee lagu ogaadaa cudurka kansarka?
« on: February 20, 2013, 10:40:04 PM »
acs walalayal dhaman daka asasay pegan wad mahadsanihin
waxan raba inaan wax badan ka ogaado cudurka ilahay hanaga hayee cancer ka la yiraahdo sidee lagu ogada sidesa liskaga bara marka la barayase ma dhiig laga qaday aya lagu ogada mise waa in computer lagu saro aya lagu garanaya war bixin dheer ayan uga bahanahaay hadaad awodan sida lagu garto aya ayadana muhimad gaar ah leh mahadasnid




Offline Ahmed_07

  • Full Member
  • ***
  • Posts: 53
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • dr.ahmed
    • member
Re: Su'aal: Sidee lagu ogaadaa cudurka kansarka?
« Reply #1 on: March 02, 2013, 07:32:35 PM »
Kansar waxaa keena unugyo aan caadi ahayn oo si deg deg ah u kora. Jirkaaga caadi ayey u tahay inuu unugyada duugoobay ku beddelo kuwo cusub, laakiin unugyada kansarku si deg deg ah ayey u koraan.
Unugyada kansarka qaarkood waxaa laga yaabaa in ay sameeyaan koritaan loo yaqaanno burooyin. Burooyinka oo dhan cabbirkoodu wuu kordhaa, laakiin burooyinka qaarkoodna si deg deg ah ayey u koraan, kuwa kalena si gaabisa.
 
Noocyada Burooyinka
# Burooyinku maaha kuwo kansar leh. Kuwaan waxaa la yiraahdaa burooyin aan halis ahayn. Waxay ka sameysan yihiin unugyo aad ula mid ah unugyada caafimaadka qaba. Burada noocaan ah waxay isaga taallaa hal meel ah, kumana faafto unugyo iyo xubno caafimaad qaba(benign ).
 
 
# Burooyinka kansarka ah waxaa sidoo kale la yiraahdaa burooyinka halista ah. Kansarka ka yimaada burooyinkaan wuxuu isagoo u maraya dhiigga iyo habka dheecaanka jirka ku faafaa qaybaha kale ee jirka.
Marka uu kansar faafo, waxaa loo yaqaannaa "metastasis". Unugyada kansarku waxay ku safraan jirka iyagoo ka imaanaya burada, loona yaqaanno meesha aasaasiga ah, kuna faafaa qaybaha kale ee jirka(melignent).
 
Noocyada Kansarka
Waxaa jira noocyo badan oo kansar ah.
# Karsenoma (carcenoma) waa nooca ugu badan ee kansarka. Kansarrada sanbabka, xiidanka weyn, naaska, iyo ugxansiduhu badanaa waa noocaan.
# Sarkooma (sarcoma) waxaa laga helaa lafta, xajiga, baruurta, iyo muruqa.
# Lymphoma wuxuu ka billowdaa qanjirada sameeya habka difaaca jirka. Waxaa ka mid ah Hodgkin's iyo Non-Hodgkin's Lymphomas.
# Luukiimiya (leukemia) wuxuu ka billowdaa unugyada dhiigga ee ku kora dhuuxa lafta waxaana tirooyin badan iyagoo ah laga helaa marinka dhiigga.
 
Calaamadaha Kansarka
Calaamadaha kansarku waxay ku xiran yihiin nooca iyo meesha ay buradu ku taallo. Iyadoo kansarrada qaarkood, laga yaabo in aysan jirin wax calaamado ah ilaa iyo inta ay buradu ka weynaanayso.
Calaamadaha caamka ah waxaa ka mid ah:
# Dareemid daal aad ah
# Jirka oo misaan kadhaco iyada oon la'ogyn sababta
# Qandho, qar-qaryo ama dhidid habeenkii ah
# Gaajo la'aan
# Raaxo la'aan jir ahaaneed ama xanuun
# Qufac, neefta oo kugu gaabata ama feero xanuun
# Shuban, ama dhiig saxarada soo raaca
Marka kansar la ogaado, baaritaanno ayaa la sameeyaa si loo arko haddii uu kansarku ku faafay qaybaha kale ee jirka. Sawirro, raajo iyo baaritaan dhiig ayaa laga yaabaa in loo baahdo.
 
Daryeelkaaga
Takhtarkaagu wuxuu go'aansan doonaa daryeelka loo baahan yahay isagoo ku saleysan:
# Nooca kansarka
# Sida ugu dhakhsaha badan ee uu kansarku u korayo
# Inuu kansarku ku faafay qaybaha kale ee jirkaaga iyo in kale
# Da'daada iyo caafimaadkaaga guud
 
Daaweynada kansarka ee ugu badan waa:
# Qalliin meesha laga saarayo burada iyo unugyada u dhow
# Daawo kiimiko ah si hoos loogu dhigo ama loo baabiiyo koritaanka ama loo yareeyo unugyada kansarka
# Daawooyin kale si loo daaweeyo saameynada liddiga ah, laguuguna caawiyo in aad si wanaagsan u bogsato
 
 
 
Ka Hortag
Waxaad halista kansarka hoos ugu dhigi kartaa adigoo:
# Aan sigaar cabbin ama isticmaalin tubaako/buuri
# Isticmaalaya qorrax celiye, koofiyado iyo dhar si aad maqaarkaaga u dhowrtid markaad dibedda joogtid
# Ka fogow cabitaanka aalkolada
# Yareeya cunnooyinka dufanku ku badan yahay ee aad cunto, gaar ahaan kuwa xoolaha ka yimaada
# Adigoo cunaya furuto, khudrad fara badan iyo cunnooyinka qamadidu ku sarreyso
# Adigoo jir ahaan noqonaya mid fir-fircoon
# Takhtarkaaga u tag sanad kasta. Baaridda kansarku waxaa laga yaabaa in ay caawiso in kansarka la ogaado waqti hore, si fududna loo daaweyn karayo.

Source: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,484.0.html
One Love Somalia


 

Waa Maxay Cudurka "Ebola"?

Started by Waxbaro!Board Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 46467
Last post December 10, 2007, 08:31:26 PM
by Waxbaro!
Waa maxey cudurka "Rubella Virus"?

Started by ManaalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 28913
Last post January 24, 2009, 11:26:50 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Ha la ii faahfaahiyo cudurka kalamisada "Pre-eclamsia"?

Started by Mohamud FarahBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 18429
Last post May 02, 2011, 06:10:16 PM
by Drkheyre
Waa Maxay Bidaarta Cudurka ah ee "Alopecia"?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Maqaarka

Replies: 0
Views: 95953
Last post April 21, 2015, 11:16:29 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa lagu daaweeyaa Agoolka "Dandruff"?

Started by CmqalinleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 106884
Last post January 06, 2015, 08:30:19 PM
by SomaliDoc