Author Topic: Su'aal: Chronic tb spondylitis?  (Read 5138 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Ckaafi1

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
Su'aal: Chronic tb spondylitis?
« on: December 23, 2012, 09:52:43 PM »
Waxaan dareemayaa dhabar xanuun aad udaran mudo gaadhaysa 9 sano  markii ugu horaysay ee aan xanuunkan igu bilawday 2003 waxaan qaatay dawada TB spondylitis oo laigu sheegay waanan dhamaystay laakiin dhaqtarka kuma laabanin markaan dawada dhamaystay kadib mudo yar kadib xanuunkii wuu igu soo laabtay lkn baadhitaan danbe ma aadin waxaan qaadan jiray pain killers oo kali ah mudo dhaqtar takhasus uleh xanuunkan uma tagin wali kadib sanad kahor ayaan utagay dhqtar lafaha ah waxuu ultra sound iyo x-ray ama raajito wuxuuna ii sheegay inaanan dawadii hore si fcn uqaadanin wuxuuna ii qoray 6month TB spondylitis waaye ayuu dhahay waanan dhamaystay laakiin xanuunkii ima daynin wali dhabarkii waa i xanuunaa dhqtarkii danbe markaan ku laabtayna raajo kale ayuu isaaray wuxuuna ii sheegay inay bakteeriyadii tb da dhamaatay laakiin laf dhabarta ay iqaloocsatahay waana midaas waxa xanuunka keenaysa ayuu dhahay wuxuu kaloo ii sheegay in xanuunka dawayntiisa aan ladaahay markii horana aanan si fiican loo dawaynin hadaba pain killers ayuu ii qoray laakiin dhabarkii waa ixanuunayaa mida kale physical appearancega dhabark ayaa isbadalay oo labada garab hoostoda ayaa tuur i noqotay hoosna waan usoo godmay waxaana ahay nin dhalinyaro ah 20 jir hadab waxaan rabaa arintaas sida ugu dhaw een kaga dawoobi karo inaad igu caawisaan talo ahaan sababaha keenay inaanan dhaqtar  fiican helin waxay ahayd family problem laakiin hada waxaad igula talisaan si aan yeelaba waan isku dayayaa hadaba walaalayaal dhaqaatiirta talo ayaan kacodsanayaa dhabar xanuunkaas  ku aadan waad mahadsantihiin jawaab ayaan idinka sugayaa idinkoo raali ah mahadsan   




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Chronic tb spondylitis?
« Reply #1 on: January 02, 2013, 10:37:48 PM »
Sida aad sheegtay daawada xilligaa iyo sidii la rabay uma qaadan, tb-da lafdhabarta gashane, haddii daaweynteedu daahdo, waxay burburisaa lafta, kadibne qofka wuxuu qalloocsamaa, laftane gadaal ayay u kuusataa oo tuur ayuu yeeshaa taasi waxay halis u tahay in lafdahbartu ay jabto qofkane uu curyaamo, waxa kaliya ee lagu xallin karo waa qalliin lafdhabarta, oo ah in lafta la toosiyo, la geliyo biro toosiyo, lafaha burbursan ee keeni karo dhibaatadane laga saaro.

Waxaad u baahan tahay takhtar ku taqasusay qalliinka lafdhabarta in aad la xiriirtid.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Ckaafi1

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Chronic tb spondylitis?
« Reply #2 on: January 13, 2013, 11:25:24 AM »
Waad mahadsantahay docter sida wanaagsan ee aad iigusoo jawaabtay laakiin dhaqtar lafdhabarta qaliin kusameeya xagee baan kaheli karaa oo iigu dhaw geeska africa nairobi ama addis ama muqdisho makaheli karaa ? Jawaab wacan dhakhtar adoo mahadsan.

Offline Sofiya

  • Newbie
  • *
  • Posts: 8
  • Points: +0/-0
  • Gender: Female
Re: Su'aal: Chronic tb spondylitis?
« Reply #3 on: February 08, 2013, 07:22:25 PM »
walaal ethiopia waa kaa ga digaaya ha isku qalin


 

Chronic diarrhoea could be treated using parasitic worms, a study of monkeys....

Started by DrkheyreBoard Health News and Events

Replies: 0
Views: 6225
Last post November 19, 2012, 09:27:29 PM
by Drkheyre
Boronkiitada Raagta (Chronic Obstructive Pulmonary Disease)

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 0
Views: 23844
Last post August 06, 2008, 09:19:29 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xameeti ama gallbladder ayaa chronic chrolecystitis?

Started by Aliya593Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 4331
Last post April 29, 2016, 09:23:09 PM
by SomaliDoc
Singultus (Chronic Hiccup)

Started by AdminBoard Questions, Exams & Study tips

Replies: 0
Views: 6739
Last post July 10, 2007, 10:44:02 PM
by Admin
Su'aal: Waa maxay Chronic Prostatitis?

Started by DualeABoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 5137
Last post March 15, 2018, 11:52:37 AM
by Akhaa Binu Jowhari