Author Topic: Talalka heptit B  (Read 3545 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Ahmed333

  • Newbie
  • *
  • Posts: 14
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Talalka heptit B
« on: January 26, 2013, 07:31:08 AM »
waan idin salaamay aqyaarta qaaliga ah illahay haydinka ajar siiyo hawsha  fiican ee dadka somaliyeen u haysaa
waxaan ilaahay idinka baryay in ajar iyo xasanaad idinka siiyo.
su,aashaydu waxa weeye
1. dhawaan ayaan guursaday waxaan qabaa heptit B waxaan goostay inaad xaaskayga ka talaalo.
waan ka talaalyay kii 1 baad lakiin way ku xanuunsatay waxaanay dareentay dhibaatoyin
. madax xanuuun saaida
. warwareer ama dawakhaad dhulku la wareegayo.
dhiigeeda waa la baadhay wax xanuuna dhakhatiirtu kuma  hayaan.
waxana ay ku bilaamtay markii ay 2 cisho ka soo wareegtay talaalka hadan 24 cisho ayaa ka soo wareegtay
markii ay is talaashay dhibatadii way taagan tahay  sacdan waa la qabanayaa sacadna waa ok dhib ma dareemayso
hadii laqabto waxaad mooda in awooda ka tagyso telfonka degdega ma wacan karto bilaa awod ayay noqonaysaa 
2 talaal oo kale ayaa u dhiman ma awoodaa inay 2bada kale inay qaadato? hadii hada xaladeedu sidan tahay mise xal kale ayaad
noo haysaan aniga iyo xaaskayga? hadii talaalku wato mudo intee leeg ayuu qofku sidan ahaanyaa?
waad mahdsantihiin jasaka llahu khayr.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Talalka heptit B
« Reply #1 on: April 23, 2013, 12:46:02 PM »
Calaamadaha aad dareemeyso way la xiriir karaan talaalka aad qaadatay, hadii la gaaro waqtigii talaalka labaad oo ah afar usbuuc ka dib markii lagu siiyay kii ugu horaysay oo qofkane weli xanuunsan yahay badanaa waa la dib dhigaa inta qofka xanuunka ka baab'ayo.

Marka wixii talo iyo baaritaan ah waxaa haboon in aad la xiriirtaan takhtarkiina, isagaa idinka shaafin doono wixii su'aala.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: