Author Topic: Turner Mossaic syndrome  (Read 4731 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline MAANKA

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Turner Mossaic syndrome
« on: July 23, 2013, 02:15:23 PM »
Asc walaal waxaan dhaqaatiirta weydiinaa gabar yar oo ii dhalatay 28 di jun ayaa inta ey ku jirtay caloosha hooyadeed lagu arkay maskaxda iney biyo uga jiraan qeybta maskaxda oo jeegada xageeda eh micnaha maskaxda yar cml ey ku fasiraayeen ultra sound ka ayayna ku arkeen kadib baaritaan ey ku sii sameeyeen hooyada caloosha ayayna cirbad inta ka galiyeen ey dheecaan uga soo qaadeen markaas ayayna ogaadeen in gabarta yar ey qabto turner mosaicism syndrome bilihi hore cml ayayna eheyd waxeyna fahmi waayeen biyaha maskaxda ku jiro waxa ey u dhimi karaan gabarta nolosheeda dambe waxaana la kulannay markaas dhaqtarka neerfaha waxeyna nagu dhaheen hadda waxba kama sheegi karno waxbana kama qaban karno ilaa ey ka soo baxdo caloosha hooyadeed baaritaan kale oo waxey noo direen haddana mr camera computerka la jiifanaayo isna arimihi ey ku sii xaqiijiyeen kadib bilihi dambe waxey haddana dhaheen biyaha maskaxda ayaa soo batay lkn marki ey dhalato ayaa laga yaabaa in aan tubo yar uga soo daadino alxaasil miisaankeeda ayaa yar ayay dhaheen mana koreyso banaanka ayaana ku quudineynaa weyna ka fooliyeen 10 maalin cml ka hor xilligi ey ku qayaaseen dhalida alx hadda wey fiican tahay kaliya tubo ayay caanaha dhameystir ahaan uga qaadataa oo naaska wey ku daalee isbitaalkana waalaga soo bixiyay waxaana ku aragnaa kaliya faraha gacanta bidix labada dhexe tan dheer iyo tan kale iney laaban yihiin oo eysan wada fidsameyn faraha gacanta kalena wax yar lagu jiro waxaana rabi laheyn in naloo faahfaahiyo jiradaan iyo xariirka ka dhaxeyn karo faraha laaban iyo biyaha maskaxda laga sheegay iyo intaas waxa aan filan karno iney gabadheena noqoto? alxa daryeelna wey heysataa hadda oo waxey ku dhalatay sweden lkn su,aala badan wali jawaabo uma helin dhiigag ey ka qaadeen markey dhalatay genetic xarun ey dhahaayaan ayayna u diraan iyagaana balan ka sugeynaa insha allah aad ayaadna u mahadsan tihiin ilaaheyna haka jazeeyo inta isku howshay iney cilmigooda u faa,iideeyaan walaalahood




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Turner Mossaic syndrome
« Reply #1 on: August 23, 2013, 06:01:05 PM »
Xanuunka turner mosaic syndrome waa xanuun ka sii farcama "turner syndrome".

waa xanuun jirku ka maqan yahay koromosoomka x, wuxuuna ku dhacaa haweenka, waana xanuun dhaxal ah oo lagu dhasho, sida caadiga ah qofka biniaadanka wuxuu leeyahay 45 koromosoom iyo laba koromosoom oo dheeri ah oo xadida labnimada iyo dhadignimada qofka, haduu rag yahay wuxuu noqonayaa 45 XY, hadii dhadig tahayne waxay noqonaysaa 45 XX, marka qofka qaba cudurkaan waa 45 iyo hal X kaliya.

Mosaic syndrome wuxuu kaga duwan yahay in unugyada qaar ay dhameestiran yihiin, qaarka kalane ay X ka maqan tahay.

waa xanuun la ogaado xilliga uurjiifka, waxaa calaamadahiisa ka mid ah inkastoo qasab aysan ahayn in qof kastaa lagu arko, xabadka oo ballaaran iyo luqunta, indhaha baalashooda oo hoos u raaraca, badanaa caruurta waxay dhashaan iyagoo miisaankoodu yaryahay, dhirikoodane yar yahay.

waxaa calaamad u ah korriinka oo daaha, calaamadaha qaan gaarka oo soo bixin xilligoodii, iyo dhib xaga waxbarashada iyo la xiriirka dadka.

waxaa muhiim ah qofka qabo cudurkaan in la siiyo hormoonada ka maqan sida hormoonka korriinka iyo hormoonka haweennimada.

xanuunada laga heli karo markii ay waynaadaan waxaa ka mid ah dhiig kar iyo wadna xanuun.

caalmadaha aan kor ku xusay way ku kala duwanaan karaan caruurta xanuunkaan qabto.

Halkaan ka dhagayso cashar ku saabsan xanuunkaan: http://www.geneticalliance.org.uk/media/somali/22-turner-ta-somali.mp3

wixii su'aalo dheeraad ah ama faahfaahin u baahan waad na waydiin kartaa.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

New Case with "Foreign Accent syndrome"

Started by AdminBoard Health News and Events

Replies: 4
Views: 35001
Last post May 07, 2011, 09:55:27 PM
by drishak
Ugxansidaha Fiixda leh "Plycystic Ovary Syndrome"

Started by HidaayoBoard Cudurrada Haweenka

Replies: 5
Views: 84768
Last post July 10, 2011, 08:05:58 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Gacan Xanuun iyo Astaamaha uu leeyahay Carpal Tunnel Syndrome?

Started by RaaliyoBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 23361
Last post January 11, 2011, 10:28:07 PM
by SomaliDoc
Cudurka Mindhicirrada Kacsan (Irritable Bowel Syndrome)

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 1
Views: 88698
Last post February 02, 2023, 11:27:16 AM
by Abualisom
Case of medical student exam syndrome

Started by Dr.HabiibBoard Medical Stories and Jokes

Replies: 0
Views: 24959
Last post May 26, 2011, 06:35:55 PM
by Dr.Habiib