Author Topic: Injirta madaxa (Pediculosis)  (Read 34589 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Injirta madaxa (Pediculosis)
« on: January 24, 2008, 02:08:31 AM »


• Injirta madaxu waxay badanaa ku dhacdaa carruurta dugsiga, kumana badna carruurta yaryar
• Injirta si caadi ah looma arko, laakiin waxaa la arkaa ukunta oo ku dhegan timaha
• Kareemka injirta madaxa ama shaambada ayaa waajib ah in la isticmaalo ka dibna lagu celiyaa asbuuc ka dib
• Mida lagu dhaqo timaha shaambada ka dib (soomaalida qaarkeed utaqaan dooba-shaambo) timaha ayaa loo isticmaali karaa timaha taas oo sahlaysa in la soo saaro ukunta iyo injirta iyadoo la isticmaalayyo shanlada injirta
• Dooba shaambada iyo shanlada injirta waa in la isticmaalaa ilaa hal ukun ah laga waayo timaha
• Dhamaan qoyska ay injirtu gashay oo dhan waa in la daweeyaa si looga hortago infakshanka qoyska ku dhaca
• Shanlaynta, buraashida, koofiyada iyo kan timaha lagu xiro waa in aan la wadaagin

Maxay tahay?
Injirta madaxu waa xasharaad aan garba lahayn wuxuu keenaa iscuncun lafta madaxa. Waxayna quutaan dhiiga aadanaha waxayna ku nool yihiin kuna dhalaan ukun (qindhicil) timaha dushooda madaxa gadaashiisa surka iyo dhegaha gadashooda. Dadka badankood xasaasiyad ayey ka qaadaan injirta iyo ukunteeda taasina waxay keentaa is cuncun iyo isxoqxoqid.
Isxoqxoqidu waxay sababtaa in maqaarku noqdo mid caabuqa (wuxuu noqdaa guduud, beerbal ama kaffee) dheecaan leh qolofina ka soo fuqdo.
Dadka badankiis xasaasiyad kama qaadaan injirta dadkaasina waxay yeellan karaan injir madax laakiin iscucun ma leh ama wax kale oo lagu garan karo inay jirka ku jirto.
Badanaa injirtu waxay gashaa ardada dugsiga tagta, ama daryeelka xadaanada. Carruurta yaryar waa ku yar yihiin. Waxaa lagu
gartaa in la arko injirta ama ukunteeda iyadoo ku dhegan timaha ama lafta madaxa. Sida agoolka, qindhicilka shanlada si caadi ah looguma saari karo.
Injirtu waxay ku nooshahay basada ama lafta madaxa waxayna ku dhashaa ukun. Injirtu waxay qiyaas ahaan leég tahay biinka wax lagu qabto madxiisa dadka badankiisna waxaa ku jirta 8-10 injirood basadooda sidaas darteed way adkaan kartaa in la arko. Waxaase jiri kara, boqolaal ukun ah (qindhicil) oo ku dhegan timaha kuwaas oo aan sahal lagu helli karin.
Waxaa lagu kala qaadaa injirta in madaxyadu istaabtaan ama isku koofiyad la isticmaalo ama isku xarig madaxa lagu xiro ama shaladu u kala gudbiso injirta laba qof. Injirtu kuma noolaan karto meel ka baxsan jirka aadanaha wax daqiiqada ka badan.

Sidee looga hortagaa?
Dhamaan xubnaha qoyska ee injirtu gashay waa in la daweeyaa si lagaga horatgo infakshanka qoyska dhexdiisa. Maaha inay wadagaan shanlooyinka, buraasha iyo wixii madaxa la gashado. Buraashka iyo shanlooyinka waa in lagu dhaqaa biya kulul si degana loo qalajiyaa.

Sidee lagu daweeyaa?
Daawada injirta waa in la isticmaalaa keliya marka ilmaha madaxiisa lagu arko injir. Si loo hubiyo injirta waa in la isticmaalaa dooba shaambada caadiga ah iyo shanlada injirta, waana hab kale oo lagula dagaalami karo daaweynteeda.
Dawaynta iyadoo la isticmaalayo habkaan, shanlada iyo dooba shaambada timaha waa in la dhexmariyaa timaha qalalan laga soo bilaabo basada iyadoo la isticmaalayo shanlada injirta. Timaha oo looga shaqeeyo qaybaqaybo si shanlo loogaga nadiifiyo si looga saaro dhamaan ukunta iyo injirta.
Qayb kasta waa in gooni loo shanleeyaa ugu yaraan 5 jeer. Ku dhaq madaxa oo dhan biya diirimaada marka aanay ku harin wax injir ama ukun ahi shanlada.
Dhibaatadu mar labaad ayey dhici kartaa haddaan si fiican looga saarin injirta ama ukunta. Waa in ilmaha la hubiyaa asbuuc walba iyadoo dariiqadaan la isticmaalayo.
Waxaa jira shaambooyin badan oo laga helli karo farmashiyaha. Kulligood kuma haboona carruurta yaryar ama dumarka uurka leh sidaas
darteed inta aadan gadan si taxadar leh u hubi. Habkaani aad ayuu u fiican yahay haddii loo raaco sidii lagu taliyey. Daawayntu waxay u baahan tahay in la kala sameeyo laba jeer oo ay dhexayso toddoba berri si loo saaro injirta iyo ukunta madaxa.
Madaxa ayaa laga yaabaa inuu sii ahaado mid cuncun leh asbuuc ka dib marka laga saaro injirta. Isxoqidu waxay ku dhalin kartaa maqaarka inuu noqdo maqaar xoqmaya, bararsan, qanjira bararsan iyo xumad sahlan.
Haddii taasi dhacdo arag dhakhtarkaaga.
Weli waa muhiim in la hubiyo ilmaha asbuuc walba iyadoo la isticmaalayo habkii dooba shaambada iyo shanlada 2-3 asbuuc ka dib marka la isticmaalo cayayaan dilaha si loo xaqiijiyo in daaweyntu waxtar ahayd.

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0

http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Maraqa gaar ahaan maraqa madaxa xoolaha?

Started by Diihaal GuutoBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 10957
Last post April 24, 2016, 03:11:28 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Joogto U Xiirida Timaha Madaxa, Dhib Miyaa Ka Imaan Kara?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 17047
Last post January 29, 2012, 12:07:55 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Sidee loo daweyn karaa Nabro Madaxa ka soo baxay oo is badbadalaya?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 4
Views: 18439
Last post February 20, 2013, 01:17:28 AM
by CilmiSabca
Su'aal: Maxaa keeno inee ilmaha madaxa biyo ka galo?

Started by Fatima Hussein MohamedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 14389
Last post October 02, 2015, 10:46:27 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Nabar iga gaaray madaxa ma noqon karaa cudurka faaliga?

Started by NejibozBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 8227
Last post March 18, 2016, 11:34:27 AM
by SomaliDoc