Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Waxan qabaa xabeeb laga soo bilaabo yaranteydi?

(1/2) > >>

Max,ud:
Asc waxan qaba xabeeb laga sobilabo yaranteydi 14 ila hada on jiro 24yrs. Dhibatada ey igu hayso waxa ugu weyn dadka on hadalkeyga fahmeynin shucaac ey cidkasto daremi karto aya hadalkeyga ku furan. Mar marka qaar hadalka igu adkanayo xabebta darteed. Marka dhaqtarka tala fah fahsan ha iga siyo xaladeyda . Dadalkinane Ajar an lasokobi karin ALLE idinka siyo.

SomaliDoc:

Xabeebta waa keena dhowr xaaladood oo kala duwan, waxaa ugu badan ee keeno waa dhaawac gaara xargaha codka smaeeya ee ku jira qulaanqulyaha dhexiisa (Larynx). dhaawac ama caabuq ay qaado xubintaas waxay keentaa in codka xabeeb gasho taasoo noqon karto mid joogto ah ama mid baaba'do in muddo ah ka dib.

Xanuunka ugu badan ee ku dhaca xargahaas waa caabuq degdeg ah loona yaqaano (Acute laryngitis) kaasoo uu keeno jeermiska feyraska.
haddii aad loo qeyliyo ama muddo dheer la heeso waxay cadaadis saaraan xargahaas codka u qaabilsan, xabeebne way timaadaa.

Waxyaabah kale ee keena xabeebta waxaa ka mid ah:

* Laabjeexa ama gaaska.
* Xajiinta ama cuncunka.
* Sigaar cabista, shiishadda ama in aad dhuuqdo qiiq dhaawac keeni kara.
* Cillad ka dhalata qanjirka throodhka.
* Dhaawac ama jug gaarta dhuunta una gudubta xubinta "Larynx"
* Cudurro la xiriira neerfaha oo dareenka ka tagsiiya xargaha oo ay la shaqeyn waayaan sida Faaliga iyo cudurka laleemada ee loo yaqaano "Parkinson"
* Kaankaro gasho qulaanqulyaha.
Si loo ogaado cillada nooca ay thay iyo waxa keenay waxaa loo baahan yahay in aad la xiriirtid takhtar ku taqasusay cunaha "ENT Specialist" isagaa wixii wiisito iyo baaris ah kugu samayn doono.
Akhriso Riiraxyada iyo Cuncunka Dhuunta: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=4948.0
Haddii aad qabto su'aal caafimaad ah iigu soo gudbi qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0
http://somalidoc.com

CilmiSabca:
Dhakhtar, waxaan qabaa su'aal mowduucaan la xidhiidha;
Haddii uu Sanqaroorku hoos u jabo, oo u hilib ku riixmo sanduuqa codka iyo dhagaha; isla markaana uu codku noqdo mid aan la fahmi karin, halka ay dhaguhuna cuslaadaan.
Haddaba, Dhakhtar, xaaladdaan ma tahay xaalad la yaqaano? (sanka oo ka jaba inta u dhaxeysa labada indhood; dhagaha ma ku culaadaan? Codkana  is badal ma ku keenayaan?).

Max,ud:
ASC  100% waad mahadsantihiin jawabta udhaqtarka isiyay ayaa su,al iga dhax dhalatay su,ashas o ku sabsan,  cudurka aad ku tilmantay in u inta badan kudhaco dadka xabebta hayso e ad ku magacawday ( Acute harnygitis)  jermiskas ayaan ubahnan lahay inaad sharaxad dheri ah iga sisaan. Calamadaha lagu garto odheri ah iyo waxa sababo iyo hababka loga hortago iyo waxayabaha udhibsado (ziyadiyo)?

Max,ud:
Waxaan ubahanahay dhaqatirta iney fahfahin iga siyan cudurka xabebta sababo e loyaqaan ( Acute laryngitis) waxa sababo iyo wax yaabaha kiciyo ama udaran e la isticmalo, sido kale raba inaad ishegto dawo maleyahay loo isticmalo dawadas mabaabi ineysaa mase waa cawinad o kaliyah? Waad mahadsantihin dadalkina.

Navigation

[0] Message Index

[#] Next page

Go to full version