Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha
Su'aal: Waxan qabaa xabeeb laga soo bilaabo yaranteydi?
SomaliDoc:
Laryngitis waa caabuqa xubinta bocorka ama qulaanqulyaha, haduu ka bato xanuunka 3 usbuuc waxaa loo yaqaano xanuun raagay.
Calaamadaha lagu garto waxaa ka mid ah:
1 - xabeeb codka ah
2- qufac, sanboor iyo qandho markuu bilaw yahay
3- dhuun xanuun weliba markii la hadlaayo ama wax lalaqaayo waa markii xanuunka cusub yahay
4- marmarka qaar neefsashada oo qofka dhibto
5- daal iyo tabar darri
Markii xanuunka raago oo bilooyin ama sanado uu gaaro wuxuu ku soo hari karaa kaliya calaamada xabeebta codka.
Xanuunada kale oo muhiimka ah in laga sooco oo isku calaamad noqon karaan waxaa ka mid ah:
1- kaankarada dhuunta
2- qiiq ku sumoobista
3- codka oo laga xabeebiyo sida qeylada
4- gaas laabjeex wato
5- cudurka neefta oo soo laablaabto
6- iyo cudurka allerjiga.
7- daawooyinka qaar ee la qaato sida: daawooyinka antihistamines, daawooyinka la isku buufiyo, daawooyinka murqaha hunguri mareenka dabciyo, daawooyinka difaaca jirka hoos u dhigo iyo kuwa kalaba.
8- dhaawac hada ka hor gaaray dhuunta ama wax adag oo qofka qasab ku liqay.
9- qalliin hada ka hor dhuunta lagu sameeyay ama tubada dhuunta la galiyo.
10- cabidda sigaarka, khamrida iyo cunnooyinka qaar sida shokolaatada iyo kaffeega.
Feyrasyada ugu caansan ee keena xanuunkaan waxay kala yihiin:
1- Rhinoviruses
2- Parainfluenza viruses
3- Respiratory syncytial virus
4- Adenoviruses
5- Influenza viruses
6- Measles viruses iyo kuwo kale.
Bakteeriyada keento waxaa ugu caansan staph aureus iyo hemophilus influenza.
xanuunada infekshanka keeno waxaa ka mid ah tiibishada.
Xanuunada cudurkaan la socon karo waxaa ka mid ah: jadeecada, qaamow-qanshiirka, busbuska iyo herpeska.
Banadaan xanuunka daawo uma baahda wuu iska baaba'aa, waxuu kaloo ku baab'i karaa waa marka cudurka bilaw yahay in biyo qandac ah la isku uumiyo.
Hadii intaa wax ka tari wayso waa daawooyin caabuqa la dagaallamo iyo daawooyino kale oo loogu talo galay.
Xanuunka caabuqa haduu raago oo codka xabeeb yeesho daawayntiisa waa iska kaalmaati kaliya.
Hadii xanuuno kale la socdaan sida laabjeexa iyo wixii kalaba waa la daawayn karaa.
Hadii xanuunkaan dhib kugu hayo la xiriir takhtar ku taqasusay cudurada cunaha ku dhaco.
Navigation
[0] Message Index
[*] Previous page
Go to full version