Author Topic: Su'aal: Daawooyinka lagu rifo timaha wax dhib ah ma keeni karaan?  (Read 22751 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline CilmiSabca

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 344
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Kas & Kamma' Kibir Looma Kaco.
Asc dhamaantiin.
Salaan ka dib.
Dhakhtar, daawooyinka timaha lagu rif rifo (hair removers)

Haddii la joogteeyo ama aan la joogteyn isticmaalkooda,
dhanka caafimaadka, wax dhibaato ah ma laga la kulmayaa;

Haddii shaarbaha iyo garka lagu rif rifo?

Haddii dhanka hoose lagu rifo IWM?

Allergyga dawooyinkaan (oo ah cuncun yaroo durba dhamaada)  ma halis baa?
Jawaab wacan.
MAHADSANID.


Talo SAARO Allaah


Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Daawooyinka lagu rifo timaha wax dhib ah ma keeni karaan?
« Reply #1 on: April 24, 2013, 01:00:08 PM »


Qaabyada cusub ee tinta loo jaro ama loo baab'iyo way ku soo badanayaan dunida, awal xiiris kaliya ayaa la isticmaali jiray, hada waxaa la isticmaalaa kareemyo loogu tala galay, qalab koronto iyo gubis iyadoo la adeegsanayo laser.

Baab'inta tinta ee noocaan ah qaar waa mid joogto ah oo waxaa la dilayaa unugyada tinta soo saaro si aysan mar dambo u soo bixin, qaarne way soo baxayaan laakiin markii la deegsado qaababka aan kor ku soo sheegay lama fahmayo in meel la xiiray ay tahay.

Isticmaalka noocaan ah oo soo badanayo awgiis waa in dadka laga wacyi galiyaa dhibaatada ay keensan karto qaababkaan cusub.
Khaasatan dumarka oo u adeegsda in ay xaada iyo tinta ka soo baxdo lugaha iyo gacmaha ku rifo ama ku baab'iyo, ragga qaar ka mid ahne way isticmaalaan.

Dhibaatada ugu hrayso waxay noqon kartaa in maqaarka ay dhawac gaarsiiso ama ay xajiin ku bilawdo taasoo keensanayso in maqaarka uu is badalo, calaamadaha ugu horeeyo ee lagu fahmo waa meesha oo gaduudato, bararto waxyar ka dibne madoobaato oo haar samaysato.

Midda kale laserka ama korontada waxay badali karaan unugyada taasoo keensan karto haddii qaabkoodu badalmaan in kansar isku badali karaan ama midab u samayn karaan jirka.

Midda kale waxaa dhici karto in biyo galaan maqaarka ama uu adkaadaba.

Waxa kaloo halis ah hadii loo isticmaalo sunniyaha  iyo meelaha khatarta ah waxay dhawac gaarsiin karaan indhaha ama faruuryaha hadii shaarbaha la jaro ama xaniinyaha hadii loo adeegsado tinta candhada ka soo baxdo (shuunka).

Tinta in lagu rifo ama joogto loo baa'biyo qaababkaan cusub diinteena suuban ma banaynin.

Akhriso qoraal ku saabsan Haaraha Wajiga: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6318.0.html
Akhriso dhibaatada daawooyinka la isku caddeeyo: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,4179.0.html

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline CilmiSabca

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 344
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Kas & Kamma' Kibir Looma Kaco.
Re: Su'aal: Daawooyinka lagu rifo timaha wax dhib ah ma keeni karaan?
« Reply #2 on: April 24, 2013, 01:33:28 PM »
Aad iyo aad ayaad u mahadsan tahay Somalidoc.
Talo SAARO Allaah


 

Su'aal: Maxaa lagu daaweeyaa Agoolka "Dandruff"?

Started by CmqalinleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 106863
Last post January 06, 2015, 08:30:19 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keeno Waji Saliida? Maxaa lagu daaweeyaa?

Started by HaykalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 64450
Last post February 16, 2016, 10:07:14 PM
by SomaliDoc
"Shooga Dhaqanka" Waa Dhibaato Qurbaha Lagu Arko.

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 29261
Last post January 17, 2017, 05:34:31 PM
by SomaliDoc
Sidee loo beeraa ubadka maxana looga bahan yahay haweeneyda lagu beerayo?

Started by BilaalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 5
Views: 53563
Last post December 21, 2009, 07:54:40 PM
by SomaliDoc
Ilma yar oo markuu hadlayo, hadalka ku dhex nax naxa, maxaa lagu tilmaami karaa?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 4
Views: 34477
Last post December 08, 2012, 08:59:58 PM
by CilmiSabca