Author Topic: 5-ta Qeybood ee Isticmaalka Daroogada  (Read 13190 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Pharmacist

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 231
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Real Pharmacist
5-ta Qeybood ee Isticmaalka Daroogada
« on: December 22, 2007, 02:59:14 AM »
Maxay yihiin shanta qaybood ee ugu waaweyn isticmaalka daroogada?

  • Isticmaal tijaabeed (Experimental use)
    Qofku wuxuu isku dayaa daroogada mar ama laba jeer, sababta oo ah inuu wax ka ogaado. Badiba isticmaaleyaasha tijaabeed kama warqabaan khataraha ku jira qaadashada daroogooyinka gaarka ah. Waxay halis ugu jiraan inay waxyeelaan sababtoo ah jirkoodu uma baran daroogadan mana yaqaanaan sida ay ula falgali doonaan daroogadaas.
  • Isticmaal madadaaleed (Recreational use)
    Qofku wuxuu doonaa inuu daroogada u isticmaalo ku-raaxaysi, gaar ahaan inuu niyaddiisa kor u qaado munaasabad bulshadeed.
  • Isticmaal xaaladeed (Situational use)
    Qofku ayaa daroogada u isticmaala si uu ula qabsado jawiga xaallad gaar ahaaneed. Tusaale ahaan, amfitamiins-ka ayaa waxaa isticmaali
    jirey darawallada taraagyada safarka-dheer si ay ugu caawiso inay soojeedaan iyo cayaartoyda cayaaraha fudfudud si ay kor ugu qaaddo
    tamartooda. Darawallada tagsiyada qaarkood ayaa ayaguna isticmaala qaadka si uu ugu caawiyo inay soojeedaan inta ay ku jiraan saacadaha shaqada ee dhaadheer. Dadka la soo kulmay qaracanka iyo nasiibdarrada ayaa badanaa dhakhtarkoodu u qoraa benzodiazepines (oo ah dajiye khafiif ah) si ay uga caawiso inay la qabsadaan murugta.
  • Isticmaal xad-dhaaf ah (Intensive use)
    Qofka ayaa muddo waqti yar ah ku isticmaala xaddi weyn oo daroogooyinka ah, ama daroogada u isticmaala si joogto ah dhowr maalmood ama toddobaad.
  • Isticmaal ku-xirnaansho (Dependent use)
    Qofka ayaa noqda mid ku xiran daroogada ka dib isticmaalkeeda dheer ama badan in muddo ah. Qiyaastii tiro yar oo keliya oo ka mid
    isticmaaleyaasha daroogada ayaa noqda isticmaaleyaasha daroogada ku xiran.

La soco qaybta soo socota ee ku saabsan la qabsashada iyo ku xirnaanta daroogada

Real Pharmacist


Pharmacist is highly-trained and skilled healthcare professional who perform various roles to ensure optimal health outcomes for his patients.


 

Su'aal: Isticmaalka Computerka ama internetka oo qofka balwad u noqda ?

Started by Hassan-DeeqBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 8
Views: 18659
Last post December 10, 2013, 07:14:30 PM
by CMD
DIGNIIN: JOOJI ISTICMAALKA FASCO CREAM!

Started by Waxbaro!Board Health News and Events

Replies: 0
Views: 13242
Last post May 26, 2011, 07:12:02 PM
by Waxbaro!
Su'aal: Isticmaalka kareemKa fisiliinka xiliga galmada?

Started by PrincejeyteBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 10191
Last post April 08, 2017, 05:33:49 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Faaiidada ay leedahay isticmaalka barida?

Started by JamaaluddiinBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 1
Views: 7650
Last post February 14, 2017, 09:55:07 PM
by Jamaaluddiin
Isticmaalka Sigaarka Iyo Tubaakada

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 4
Views: 44296
Last post January 19, 2008, 02:55:05 PM
by Diagnostic