Author Topic: Ku Xirnaanta Daroogada  (Read 10212 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline Pharmacist

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 231
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Real Pharmacist
Ku Xirnaanta Daroogada
« on: December 25, 2007, 05:13:36 AM »
Ku-xirnaanshaha daroogadu wuxuu noqon karaa mid jireed ama nafsadeed, ama labadaba.
Qofka jir ahaan ugu xiran daroogadu badanaa wuxuu u yeeshaa adkaysi daroogada. Taas macnaheedu waa inay u baahdaan inay sii
qaataan in badan oo daroogada ah si ay u helaan saamayn isku mid ah.

Qofka jir ahaan ugu xidhan daroogadu badanaa wuxuu u bartay inuu ku shaqeeyo daroogada oo ay jirkiisa ku jirta.
Qofka nafsad ahaan ugu xiran daroogada badanaa wuxuu dareemi karaa baahi inuu sii isticmaalo daroogada si uu si firfircoon ugu
shaqeeyo, ama uu u gaaro maqsuudnimo caadifadeed.

U-barashada (Withdrawal)
Haddii qofkii jir ahaan iyo nafsad ahaanba ugu xirnaa daroogada uu si degdeg ah u joojiyo qaadashadii daroogada, waxay la kulmi karaan
astaamaha u-barashada maaddaama uu jirkiisu isku habaynayo inuu shaqeeyo daroogada la’aanteeda. Astaamaha u-barashada way u kala
duwan yihiin noocyada kala duwan ee daroogada iyo qof kastaba.

Waxaa jira noocyo badan ee astaamaha u-barashada oo lala kulmi karo, sida niyad-jabka, xanaaqa, jirraagada, yaqyaqsiga, dhididka iyo
dhibaatooyinka hurdo la’aanta.

Daawaynta (Treatment)
Ma jirto hal daaweyn oo isticmaalka daroogooyinku wada leeyihiin.
Kala doorashooyin daaweyno kala duwan oo fara badan ayaa jira, kuwaasina sida badan waxay ku kala duwan yihiin ujeeeddooyinkooda
iyo nidaamka isticmaalkooda.
Daaweynaha qaarkood waxay ujeeddadoodu tahay in isticmaaluhu uu asagu gaaro qaab-nololeed ka madaxbannaan daroogo, halka kuwo kalena ujeeddadoodu tahay inay isticmaalaha daroogada xasiliyaan ayagoo gaarsiinaya heerka isticmaalka la yareeyey oo ammaanka ah.

Daaweynta qaarkeed waxaa ka mid ah tabaha la-tallinta qofka, halka kuwo kalena adeegsadaan daaweynta teerabiga kooxda.

Daaweynta qaarkood waxaa ka mid ah adeegsiga waxyaalo kiimiko ah, sida Methadone-ka ama Buprenorphine-ka, si looga caawiyo u-barashada ama ka-go’idda.

Wixii macluumaad dheeraad ah oo ku saaabsan kala doorashooyinka daaweynta daroogada, la xirriir dhakhtarkaaga.

Real Pharmacist


Pharmacist is highly-trained and skilled healthcare professional who perform various roles to ensure optimal health outcomes for his patients.


 

Saameynta Daroogada (Adiga iyo Qoyskaaga)

Started by PharmacistBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 5
Views: 17456
Last post January 03, 2008, 11:50:18 AM
by Pharmacist
5-ta Qeybood ee Isticmaalka Daroogada

Started by PharmacistBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 13186
Last post December 22, 2007, 02:59:14 AM
by Pharmacist