Author Topic: Isticmaalidda Geedo-Daaweedka  (Read 14032 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Isticmaalidda Geedo-Daaweedka
« on: December 31, 2007, 02:48:47 AM »
Geedo daaweed iyo nafaqeeyeyaal. Waa waxyaabo dabiici ah oo badanaa dhirta laga sameeyo.
Dadku waxay u cunaan ama u cabbaan waxyaabahaan iyagoo isku deyaya in ay hagaajiyaan caafimaadkooda.

Sida ugu wanaagsan ee ay wax u tartose lama oga. 

Waxa aad u Baahan tahay in aad Ogaato:
• Dhakhaatiirtaada, kalkaalisooyinka, farmashiisteyaasha, iyo kuwa cuntada qora u sheeg dhirta aad qaadatid. Ayaga kala hadal ka hor inta aadan kuwo cusub billaabin.
• Dhir daaweedka xeer looma sameynin, lama baarin ama looma koontaroolo sida daawooyinka kale ee aduunka laga isticmaalo.
• Waxyaabaha ay ka kooban tahay, qaadashada iyo saameynada dhir isku mid ah ayaa laga yaabaa in ay kala duwanaato. Dhir daaweedka waxaa ku jiri kara walxo aan lagu sheegin calaamadda ku dheggan. Walxo halis ah sida balambam, meerkuri, iyo arsenik ayaa dhir daaweedka laga helay.
• Uma baahnid warqad dhakhtar qoray si aad ayaga ugu iibsato.
• Dhir daaweedku waxay noqon karaan kuwo aad qaali u ah.
• Dhir daaweedku waxay ku yimaadaan qaabkoodii dabiiciga ahaa ee caleemo, qolof, miro, laamo, ama ubaxyo. Kuwa kale waxaa laga dhigay kaniiniyo ama dareereyaal. Dhir daaweedku waxaa laga yaabaa in aysan ammaan ahayn xataa iyagoo dabiici ahaan loo keenay.
• Dhir daaweedku waxaa laga yaabaa in ay kaa yeelaan inaad dareento in aad soo wanaagsanaatay, laakiin waxay saameyn ku yeelan karaan daaweyntaada.

Tusaale ahaan:
Gingko biloba waxaa laga yaabaa in ay dhiig-bax keento. 
Kava waxaa laga yaabaa in ay kordhiso saameynta daawada hurdada iyo iskala bixinta.

• Dadka qaarkood dhir daaweedka xajiin ayey ka qaadaan.
• Dhir daaweedka laguma hubin carruurta ama haweenka uurka leh waxayna keeni karaan in ilmuhu dhicis noqdo.
 
Haddii aad qaadatid ama aad qorsheyneysid inaad dhir daaweed qaadatid:
• La hadal dhakhtarkaaga ka hor inta aadan billaabin dhir cusub. 
• Calaamadaha ku dheggan si taxaddar leh isaga akhri. Iska fiiri magaca dhirta iyo waxa ku jira. 
• Ku billow qaadasho hooseysa. Ka dibna tartiib tartiib u kordhiso qaadashada ilaa heerka lagu faray.
• Halkii marba hal dhir oo cusub oo keliya qaado. Sug ugu yaraan 24 saacadood ka hor inta aadan billaabin mid kale. Tan waxay kaa caawin doontaa inaad ogaato sababta xajiin keenta ama saameyn kale.
• Jooji qaadashada wixii dhir daaweed ah isla markiiba haddii aad wadne garaac isku aragtid, neeftu kugu gaabato, lalabbo ama matag, cun-cun yar ama daran, ama dhiig-bax.

Haddii aad ku xanuunsato geed daaweed, si degdeg ah ula xiriir takhtrakaaga, waad ku sumoobi kartaa, kilyaha ama beerkane way kaa dhaawici kartaa.
• Jooji qaadashadeeda haddii aadan wax natiijo ah ka helin dhowr toddobaad.

http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Dhirta Daawadda leh (Geedo karis) - Qeybta 1-aad

Started by KamalBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 4
Views: 52820
Last post July 16, 2016, 06:55:35 PM
by Jirow