Author Topic: Xaqiiqda Daawooyinka Bugta ah Iyo Somalida!  (Read 36344 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Pharmacist

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 231
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Real Pharmacist
Xaqiiqda Daawooyinka Bugta ah Iyo Somalida!
« on: December 22, 2007, 03:13:42 AM »


Daawadu waxa ay halis noqotaa ama waxna u tarin bukaanka qaadanaya marar badan, qasabne maahan sida somalida u taqaano inay daawada la dhaafay waqtigeeda oo kaliya (Expired).

Daawadu waxay "Fake" noqotaa xaaladahaan soo socda:
  • Daawo dhacday oo taariikhda laga soo badalay kadibne suuqa lagu soo celiyay
  • Daawo lagu yareeyay ama lagu badiyay maadada waxtarka leh (badanaa dawada inta faaidada leh ee ku jirta way yartahay.)
  • Daawo aan waxtar laheyn (wixii faaidada lahaa aan lagu darin)
  • Daawo waxa ku jira ee waxtarka leh aan loogu tala galin (Incorrect active ingredients)
  • Daawo shirkad kale ama wadan kale lagu soo qoray si loo khaldo dadka iibsanaya
  • Daawo wadan kale magaciis lagu soo qoray
  • Daawo aan ogolaasho helin oo baaritaan dhameestiran lagu samaynin

Maxay daawadu aan saxda aheen suuqa ugu badantahay?

Samayskeedu dhib uma baahna, waana raqiis!

- 25% ka mid ah daawada laga isticmaalo wadamada soo koraya waa mid aan sax aheen
- 10% ka mid ah daawada aduunka laga isticmaalo waa kuwo aan sax aheen, waxaana sanadkii laga helaa lacag dhan $32billion.
- 60% ka mid ah dadka waxyeelada ka soo gaarta daawooyinka noocaan ah waxa ay ku nool yihiin wadamada soo koraya.

# Wadamada ugu badan ee sameeya daawooyinka noocaan waxaa ugu horeeya Inida(75%), Egypt(7%), China(6%) & Nigeria.
# Badanaa shirkadaha sameeya waa shirkado waaweyn oo caalami ah lakin si qarsoodi ah ayey ku sameeyaan iyo hashiisyo lala galo.
# Daawada No-1-ka ah ee sida qaladka ah suuqa loo soo galiyo waa (Viagra)
# Meesha ugu badan ee daawooyinka noocaan ah lagu gado waa Internet-ka.
# Wadamada ay suuq fiican ka leedahay daawooyinka noocaan waa kuwa aan laheyn xeerar lagu kontroolo daawooyinka, sida Somalia oo kale.
# Waxaa ugu daran hadii qofka daawada keenay (shirkad), kan qoray (dhaqtar), kan gaday (farmashiyiile) iyo kan qaatayba (bukaan) aysan daawada waxba kala socon, lakiin waxaa taasi ka sii daran hadii lagu daaweeyo cudurrada faafa oo bulshada wada aafayn karo sida tiibashada ama AIDS-ka oo kale.
# Hadii tusaale ahaan idiin sheego waxa daawo ahaan lagaaga gado waxaa kamid ah oo la arkay:
1- Talaal loogu tala galay cudurka mininjaytis oo biyaha la cabo ah.
2- Kaniiniyo looga hortago uurka oo bur ka samaysan.
3- Sharoobo qandho (xumad) oo ka samaysan cabitaan la qasay.

"People don't die from carrying a fake handbag or wearing a fake t-shirt. They can die from taking a counterfeit medicine,"
Dr. Howard Zucker


Real Pharmacist


Pharmacist is highly-trained and skilled healthcare professional who perform various roles to ensure optimal health outcomes for his patients.


Offline Doctoor

  • Full Member
  • ***
  • Posts: 56
  • Points: +90/-0
  • Gender: Male
Re: Xqiiqda Daawooyinka Suuqa Yaala!
« Reply #1 on: December 22, 2007, 06:32:44 PM »
Waa mawduuc aad u muhiimsan runtiina waa waaqica ka jira somaliya, oo shirkado badan ayaa sida maqaalka ku qoran ku shaqeesta oo na ka faaiday lacago badan arintaas.

Waxaa intaas kaaga sii dheer in ay ka dhaxeeso wada shaqeen shirkadaha daawooyinkaas keeno iyo dhakhaatiirta qorto daawooyinkaas iyaga oo "percent" ku leh lacagta ka soo xarooto daawooyinkaas markii la gado.

Waxaana aad ugu sii yaab badan in dhakhaatiirada qaarkood ay leeyihiin shirkado waaweyn oo ka beecmushtara daawooyinka noocaas ah oo aan u ogoleen bukaankooda inuu qaato daawo aan aheen mida uu isaga qoray, daawadaas oo la ogyahay inay waxtarkeeda aad u hooseyso.

Waxaa jirto shirkado badan oo somaliya ka shaqeesto oo aan la ogeen meesha ay daawada ka keenaan, kuna qorto daawada inay ka keeneen wadamo yurub ah sida germeny markii la tix raacayne la ogaaday in daawadaas lagu soo farsameeyay wadan kale.

Waxaana u sahlay in daawooyinka noocaas laga qaato wadanka iyadoo somalidu daawada aad u isticmaasho, oo qof walbane dhakhtar isku yahay ama farmashiistaha uu dhakhtar u yahay, farmashiistahaas oo lagayaabo in uu weligiis iskool soo marin.

Somalida waxay aaminsanyihiin wadamada yurub khaas ahaan ingiriiska, talyaaniga, jarmalka, spain iyo swizerland in ay daawooyinkooda ay fiicantahay iyagoo xoogaa ka shakiyo daawooyinka laga keenay netherland, qubrus, iyo ukraine.

Somalidane waxay aad u hubtaa in daawooyinka laga keeno india, thailand iyo chinaha ay inta badan tahay FAKE.

Doctoor

Offline Diagnostic

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 281
  • Points: +112/-0
  • Gender: Male
  • Professional Diagnosis
Re: Xaqiiqda Daawooyinka Iyo Somalida!
« Reply #2 on: December 24, 2007, 03:16:33 AM »
I wanna ask one question here?
Why Somali People eat drugs like candy?!!
Unfortunately some of them think the best doctor is who prescribe more drugs, and they like to swallow different drugs for one disease which may lead to drug resistant.
That's why even illeterate people knows most of the drugs in the market!!!
I remember a joke about somalis and drugs: A man was asked if he know one word of english? he replied: Pracetamol!!!

Diagnostic
In diagnosis think of the easy first.
Martin H. Fischer

Offline Waxbaro!

  • Global Moderator
  • *****
  • Posts: 242
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Aqoontu Waa Iftiin
Re: Xaqiiqda Daawooyinka Iyo Somalida!
« Reply #3 on: December 24, 2007, 09:19:52 PM »
Dhibaatada meesha taalo waxaa weeye in Somalidu ay aqoon yari ay ka hayso dhinacyadaan ayna u baahanyihiin in laga jaahil bixiyo.
Waa dhibaato aad u wayn hadiiba qofku uu aaminsaneyn daawada uu qaadanayo inay dhib u keeni karto amaba cunto oo kale u moodo.
Tani waxaa looga hortagi karaa ina la wacyi galiyo bulshada, mathalan dhakhtarku marka uu qaabilayo bukaanka waa inuu wixii qaladaad ah uu ka saxaa, wacyi galine uu siiyaa lakin hadii aanu nahay somali maba dhaqaano ahmiyada wacyi galintaa ee leedahay, waxaa dhici karaba in bukaanka aan si fiican loo waraysan.

Hadii ay jiraan aragtiyo ku aadan sida mushkiladaan bulshada looga sixi karo waan jeclaan lahaa inaan maqlo

Mahadsanidiin
Waxbaro!
Your posts reflects your personality, so be Wise and Polite!

Offline Munim

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 607
  • Points: +15/-0
  • Gender: Male
  • رضا ك يا امي
Re: Xaqiiqda Daawooyinka Iyo Somalida!
« Reply #4 on: December 24, 2007, 10:08:14 PM »
Thanks Pharmacist
Runtii mowduuca waa muhiim waana waqica saxda ah e kajira dalkeena hooyo taasna waxa sabab u ah Nidamkii iyo kaladanbaytii oo mesha kabaxday iyo hay'adihii kontorooli jiray tayada dawada iyo walxaha ay ka koobantahay.
tankale inaga somali hadan nahay inaga isku dhaqtar ah isku shaybariista ah isku farmashiistah ah yacni mathalan qof aya arkaysa o calosha laga hayo toos ituu u baxo oo lacag qaato ayu farmashiya u taga isla markiiba kaniinigi cajib galiyo ayuu soo gadana wuuna cuna kan farmashiyaha joogna wa jahil oo wax uusoo bartay habayarate majirto waxa kaliya uu rabo wa in uu suuqiisa uu socda yacni farmashiyaha somaliya waa  dukan caadi ah oo sida doonto ayad wax uga gadankarta bas adiga iyo lacagtada waye.
waxyaba naxdinta leh oo la maqlo ama la arko waxa ka mid ah in dhalada Ampicilinka budada ah mararka qaarkood lagu shubo bur si loogu qiyameeyo dadwaynaha ama sharoboyinka qaar laga sameeyo casiir la qasay.
waxa kalo arkaysa qof qaadanaya dawada malariyada isaga oonan qabin markad waydiisana waxa u ku leeyahay waa ka hortag oo qof guriga ila jooga ayay ku dhacday, waxa kalo arkaysa qof caato ah o cunayo kaniiniga logu talagalay dadka qaaxada (T.B) qaba marka ad waydiiso Why? waxa uu kugu jawaba waxan raba in an cayilo. marka fowdada dawoyinka kajira e dalkena waa badanyihin waxaayna marayan meshii ugu xumayd.
tan kaxun waxas oo dhan wa habdhaqanka dhaqatirta qaarkood oo la heshiya shirkadaha ama samaysta farmashiye gaar u ah si uu u socodsiiyo suqiisa.
marka fowdadas waxa looga bixikara in shacabka la wacyi galiyo dhibatada ay ledahay isticmalka qaladka e dawada iyo in lahelo hay'adihii ku shaqada laha taasna waxay u bahantahay in lahelo dowlad adag.
Thanks all of U   
Education Opens the Doors

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Xaqiiqda Daawooyinka Iyo Somalida!
« Reply #5 on: December 25, 2007, 10:51:39 PM »
Waa mawduuc aad u muhiim ah, wuuna ku mahadsanyahay walaalkeen Pharmacist.
Mida hada aan awoodno oo arinta noocaan ah looga hortagi karo ama dhibaatadeeda lagu yareyn karo waa wacyi galin sida Munim uu sheegay.
Mawduucaane waaa qeyb ka mid ah wacyi galinta ku aadan bulshadeena, qof walibane waa mid waajib ku ah inuu ka qeyb qaato qalad sixida oo maahan qofku inuu dhakhtar yahay ama qof ku taqasusay climiga daawada si uu qaladaadka noocaan oo kale ka baraarujiyo dadka.

Mahadsanidiin
SomaliDoc
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Pharmacist

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 231
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Real Pharmacist
Re: Xaqiiqda Daawooyinka Iyo Somalida!
« Reply #6 on: December 27, 2007, 02:15:56 AM »
Really I enjoyed reading your replies.
Thanks for all those who gave their ideas to overcome this problem and I am still waiting others to participate!

The Question is:
How can we change our people's wrong belief about drugs?!!


Real Pharmacist
Pharmacist is highly-trained and skilled healthcare professional who perform various roles to ensure optimal health outcomes for his patients.


 

Su'aal: Daawooyinka lagu rifo timaha wax dhib ah ma keeni karaan?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 22755
Last post April 24, 2013, 01:33:28 PM
by CilmiSabca
Daawooyinka afka ee Sonkorowga (Oral Diabetes Medicines)

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 2
Views: 28335
Last post December 05, 2011, 05:55:24 PM
by SomaliDoc
SU'AAL: DHIBAATOOYINKA EEY KEENAAN DAAWOOYINKA GALMADA LOOGU KAALMEEYSTO?

Started by GEEDOOWBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 9
Views: 93733
Last post June 05, 2011, 06:41:43 PM
by SomaliDoc
Noocyada Daawooyinka ee Diiqadda/Niyad Jabka?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Maskaxda

Replies: 0
Views: 26394
Last post April 01, 2008, 01:43:20 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Daawooyinka Naasaha lagu weyneeyo ciladooda

Started by Hassan BileBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 21237
Last post April 04, 2011, 06:14:08 PM
by SomaliDoc