Author Topic: Su'aal: Bishintayda hoose waa gaduud sida biijada oo kale?  (Read 61087 times)

0 Members and 3 Guests are viewing this topic.

Offline Jamjam

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
waxan salamayaaa dhamaan somali doctors and members salan ka dib. waxaan muda badan isku arkayey bishinitayda hoose oo malinba malinta ka danbaysa so cadanaysay hada arag ahaan waxay u egtahay sidii qof biijo qaba lakin wax xanuuna ma leh nabarna ma aha lakiin midabkeedu waa red waxayna noqota inta badan dry markaasna waxaa ka kaca qolfo doctors badan wa la kulmay waxayna isiyeen dawoyin an korka ka mariyo lakin wax is bedela iskuma arag hada mudo 6years sidan wan ahay marki an wax walba kala calwayey farahan ka qaday habeenkii hada waxan mariyaa fasalin hadii anan laba habeen marin waxay noqon very dry qolotina way kacaysaa.

Wad mahadsantihiin 




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Bishinta hoose waa gaduud sida biijada oo kale?
« Reply #1 on: May 15, 2013, 03:10:52 PM »


Faruuryaha oo dildillaaca oo qolfoof yeeshaan "Cheilitis" waa xaalad ka dhalato markii faruuryuhu qallaalaan kadibna dillaacaan maxaa yeelay badanaa faruuryaha waxaa dulsaaran xuub yar oo dufan leh oo eebbe ugu talagalay in uu subkiyo faruuryaha, haddii xuubkaas la waayo ama laga qaado faruuryaha ayaa dhibkaan la arkaa.

Calaamadaha
Calaamdaha faruuryaha dildillaaca waxaa ka mid ah:
- Faruuryo qalleel,
- Barar,
- Jeexjeex yar,
- Dubka oo ka fiiqmo.

Haddii dildillaaca uu weynyahay faruuryaha way dhiigaan xanuunne way keenaan.

Sababaha
Faruuryaha oo jeexjeema wax badan ayaa keeni karo laakiin waxaa ugu caansan faruuryaha jeexjeexmo xilliga qaboobaha.
Waxyaabaha kale ee caanka ah oo faruuryaha dillaaciya waxaa ka mid ah caadada faruur leefleefka taasoo xuubka dufanka leh ka qaaddo.
Waxaa kaloo keeni karo haddii jirkaaga ku yaryahaya fitamiinada iyo macdanta qaar ee jirka wax u tara.
Waxaa kaloo dildillaacin kara faruuryaha hawada kulul haddii ay tahay mid bannaanka ah ama mid gudaha caloosha ka soo baxdo, sida dadka qaba gaaska oo kale.

Daaweyn
kareemka batroolka ka samaysan sida faasaliinta ayaa ah daaweyn ku meel gaar ah.
Dheecaannada wax burburiya ee calyada laga helo "enzymes" ayaa qaar waxay dhaawac u gaystaan faruuryaha oo dildillaaciyaan, taasne waxaa looga taxaddari karaa oo lagu daweyn karaa in aad joojisid haddii aad leedahay caadada faruuryaha in la leefo.
Dadka ay ku yaryihiin fitamiinada iyo macdanta jirka u baahan yahay waa in ay qaataan, dadka qabo gaaska ama cudur faruuryaha ku dhaca iyagane waa in alga daaweeyaa.

Guri Ku Daaweyn
Malabka waa daaweynta ugu fiican oo lagu daaweeyo faruuryo jeexanka, waa in faruuryaha la mariyo maadaama malabka uu subkayo uuna leeyahay maaddo la dagaallanto bakteeriyada.

Ka hortag
Iska ilaali in aad cabto biyaha aashitada leh ama biyaha aad u qabow maadaama ay dhaawacaan faruuryaha.
Haddii ay jiraan daawooyin aad qaadato waxaa laga yaabaa in ay keenaan faruuryo dillaaca.
Jooji faruuryo leefleefka haddii ay caado kuu tahay.
Haddii aad qabtid gaas, fadlan iska daawey.

Haddii talooyinkaas wax is badal iskaga garan waysid la xiriir takhtar cudurada maqaarka ah si loo ogaado dhibaatada bishinta kaa haysato.

Halkaan ka akhriso cudurka Biijada

http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Nin jidhkisu kala weyn yahay (XAGA SARE OO YAR IYO XAGA HOOSE OO WEYN)

Started by Hotboy911Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 23177
Last post June 13, 2015, 03:26:34 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Kaadi kaadi kale ka dambayso?

Started by CabdallahBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 5811
Last post December 15, 2016, 11:42:14 AM
by SomaliDoc
BARNAAMIJKA KA HORTAGGA SOA/AIDS – EE DADKA QAXOOTIGA AHI QAXOOTIGA KALE U SAME

Started by dr-awaleBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 13207
Last post December 16, 2008, 07:11:42 PM
by dr-awale
Su'aal: waxan qabaa cabsi ah in aan dadka ka cabsado sida meelaha dadka badan joogan?

Started by FaraxBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 21106
Last post May 11, 2011, 04:28:24 PM
by Shenamic
Su'aal: Xanuun lugta xaga hoose ee u dhaxaysa labada kuraamood kuna qotonta cidhibta?

Started by GaadhhayeBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 29390
Last post December 23, 2010, 07:28:23 PM
by SomaliDoc