Author Topic: Janadii Aduun ayaa dhadhamin lahaaa!!!!!  (Read 8896 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Bahjo

  • Newbie
  • *
  • Posts: 6
  • Points: +0/-0
  • Gender: Female
Janadii Aduun ayaa dhadhamin lahaaa!!!!!
« on: June 27, 2013, 08:49:00 PM »
 Salamu calaykum waraxma
 
 Aad aya idin salamaya dhaqaatiirta dhaman. Run ahaantii wa webside aad u qiimo badan , wax badane aan ka faa,iday, Mahadaas marka hore Alle aya u celinaa,. kadibne dhaqaatiirta Somaliyed iyo kuwa kalebo.

 Runtii Su,aasheeda wa mid aad u culus, kuna saabsan xubin jirka ka mid ah. Jirka Alle abuuray waxa jiro waxyaabo qaar hadii ee baxan dib u abuurma, sida Cijiyaha iyo Timaha, hadey jarmaan ama daatan. kuwa cusub aya so baxa Alxamdulillah.

 Marka waxa jeclaan laha inaa ogaado in xubin laga jaray, xubinta taranka ee sidaas oo kale uso bixi karan, ama wax caawiyo la heli karo. Janadii Aduun ayaa dhadhamin lahaa......... ;D

 




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Janadii Aduun ayaa dhadhamin lahaaa!!!!!
« Reply #1 on: August 23, 2013, 01:07:10 PM »
Hadii xubinta aad ka hadlayso ay tahay kintirka ama "clitoris' sida afka qalaad lagu dhaho, waa xubin ka samaysan muruq qaabka ay u samaysan tahayne u dhiganto xubinta taranka ragga.

Haddii la jaro xubintaas dib uma soo dhalato, hadii ay jiraan cillado kale oo kaa hor istaagayo in aad si raaxo leh u galmooto la xiriir takhtar cosmetic ah una qaabilsan qurxinta jirka.

Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Furqaan

  • Newbie
  • *
  • Posts: 9
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Janadii Aduun ayaa dhadhamin lahaaa!!!!!
« Reply #2 on: December 26, 2013, 07:11:25 PM »
ASC Bahjo arintaas aad ka dhawaajisey gabdho badan baay haysataa laakiin danbigeeda yaa leh mida kale markii lagaa goynayey hadaad caqli lahaan lahayd mayeeli lahayd?. Jano waa tan aakhiro laakiin mid aduun majirto hadaad sidaas u jeceshay inaad lahaan lahayd cadkaas yarkaa hadana miyir beelka ku rida dumarka ee Kintirka waxaan kuugulatalin lahaa haka jarin hadaad gabdho ledahay adigana sabar oo janada aakhiro ku dadaal markaad janada gasho ayaad yeelanaysaa muruqaas raaxada badan ee miyirka u dejiya dumarka wabilaahi towfiiq salama caleykum.

Offline Bahjo

  • Newbie
  • *
  • Posts: 6
  • Points: +0/-0
  • Gender: Female
Re: Janadii Aduun ayaa dhadhamin lahaaa!!!!!
« Reply #3 on: January 03, 2014, 04:31:14 PM »
 salamu calaykum

 Dhaqtar wa mahadsantahy, iyo walalkey Furqaan. Alle aya mahad oo dhan leh.

 Fasabrun Jamiil!!

 wa runta dib loma helo. lakin Alle dhankisa waxba lama ahan in uu so celiyo, waxyaabo badan dhaqatiirta MAYA dhaheen ayee Alle Haa dhahay, oo noocyo badan leh, lakin wax walbo oo kugu dhaca in lagu samro wa muhiim.
Aniga xubintaas anoo caqli leh laygama jarin, Ano waxba Aduunka ka aqoon, caruur ah ayaa curyaan la iga dhigay, Qofkii sabab u ahaa iyo kii la taliyay, dhamaan wa iga cafis...

Jano wa tii Aaqiro, lakin nicmo aad dareento wa jano. oo Jano ayaa ah wax barwaaqo ah oo farxad ku hareeresan.
Aad ayaa mar kale u mahadsantihiin...
wali ma guursan, wana kaso horjeedaa in gabdhaha la curyaamiyo,
alxamdulillah dareenkega waxa ku qiyaasi karaa 70% lakin mar walbo waxa is dhaha hadii Aaadan dhibkaas kugu dhicin Jano aduun ayaa dhadhamin laheyd....oo ula jeedo raaxo dhameystiran...