Author Topic: Muxuu yahay "Internal Medicine"?  (Read 43798 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Admin

  • Administrator
  • *****
  • Posts: 1489
  • Points: +60/-0
  • Gender: Male
  • Towards a better peaceful and healthy life!
    • Somali Medical Association
Muxuu yahay "Internal Medicine"?
« on: February 11, 2007, 12:34:45 PM »
Internal medicine waa qeyb ka tirsan caafimaadka xoogana saarta ka hortaga iyo daaweynta cudurada dadka weyn ku dhaca.
Dadka ka shaqeeya waxaa magacooda loo soo gaabiyaa "Internists" hana ku qaldin "Interns" oo ah sanadka shaqada ugu horeeya qalin jabinta ka dib dhakhaatiirta ka shaqeysa!.
waa in la ogaadaa farqi kale oo muhiim ah oo badanaa dadka isku qaldaan oo ah "primary care physicians", "family physicians," "family practitioners," or "general practitioners".
sadaxda magac ee ugu dambeysa shaqo kuma lahan "Internists" maxaa yeelay "FP" amd "GP" -ga waa dhakhaatiirta aan ku taqasusin hal meel oo badanaa ka wada shaqeeya medicine, paediatrics, surgery and obstetrics meesha "primary care physicians" ama "Internists" - ka ay yihiin dad ku taqasusay internal medicine kaliya badanaane ka sii doortay faracyo ama waxa loo yaqaano "Subspecialities"

Faracyada ugu caansan ee "Internal Medicine" waa sidatan:

Cardiology, ku lug leeyahay cudurada wadnaha iyo xidida dhiiga
Endocrinology, ku lug leeyahay qanjirada iyo hormoonada ay soo daayaan
Gastroenterology, ku jug leeyahay wixii quseeya "digestion" - ka ama  cunto shiiidida.
Hematology, Ku shaqo leeyahay dhiiga iyo xubnaha dhiiga sameeya cudurada ku dhaca
Infectious disease, Ku shaqo leeyahay jeermisyada cudurada sababa sida bacteria, parasites and viruses.
Medical oncology, ku shaqo leeyahay wixii kansarka la xariira
Nephrology,ku shaqo leeyahay cudurada ku dhaca kilyaha iyo shaqadeedaba
Neurosciences, Ku shaqo leeyahay maskaxda wixii ku dhaca iyo shaqadeeda
Pulmonology, ku lug leeyahay shaqada iyo cudurada ku dhaca sanbabada iyo hawa mareenka
Rheumatology, ku shaqo leeyahay cudurada ku dhaca murqada iyo kala baxyada jirka.

Maxey "internists" - yada u ga duwanyihiin dhakhaatiirta kale?!

Badanaa "Internists" - ka waxaa loo tababaray inuu xalin kara mushkilad walba oo soo waajahda bukaanka sida cudurada daa'imka ah iyo cudurada badanaa isku eg aanan lakala saari karin oo badanaa loo baahanyahay in lakala sooco, kalmada "Differential Diagnosis" halkaas ayey naga soo gashay!
wuxuu kaloo awood u leeyahay inuu bukaanka u sharxi karo ka hortaga cudurada sida: nimanka ama naagaha caafimaadkooda, daroogada ama maandooriyayaasha, caafimaadka maskaxda wuxuuna background fiican ka heestaa cudurada ku dhaca: indhaha, dhagaha, maqaarka, maskaxda iyo xubnaha taranka.
----------------------------------------------------------------------------------
Hadii aad su'aalo dheeraad ah ka qabtid mawduucaan hoos ku weydii adigoo mahadsan
----------------------------------------------------------------------------------
By: Dr.Mahdi


"you never cure a patient, you treat pain often but you always comfort the patient."
www.somalidoc.com


 

Community medicine طب المجتمع

Started by MunimBoard Other Medical Careers

Replies: 0
Views: 43135
Last post June 01, 2008, 12:25:07 AM
by Munim
UK - Biological Sciences starting 2009 then switching to Medicine starting 2010

Started by JonnoBoard I want to Study Medicine

Replies: 3
Views: 36185
Last post September 10, 2009, 02:41:15 AM
by Dr. Lulu
Head and Neck Anatomy for Dental Medicine (THIEME Atlas of Anatomy Series)

Started by drdodBoard Requests & Recommendations

Replies: 0
Views: 20365
Last post November 08, 2014, 12:20:47 AM
by drdod
Scholarships From Spermann Graduate School of Biology & Medicine - Germany

Started by AdminBoard Scholarships and Opportunities

Replies: 0
Views: 19681
Last post June 06, 2009, 12:21:38 AM
by Admin
Where to study medicine? and sats required ?or chemistry a level?

Started by AbstudentBoard I want to Study Medicine

Replies: 1
Views: 15092
Last post August 20, 2010, 05:15:26 AM
by Layali