Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Gorma ugu fiican uur qaadida hawenka?

(1/1)

Ahmed333:
Asc waan idin salaamay dhamantiin aqyaarta sharafta leh walalaha  somdoc. waxan qabaa hal suaal  goormaa jaanis  ka uur qaadidi fiican yahay ama xiliyadee ayay haweenaydu uur qaadi kartaa marka wareega cadadeedu yahay bil walba inay hesho inta badan 8 deeda bil walba inkastoo mar mar ay hesho 5-10 bil walba markaa hadii la xisaabiyo goormuu noqon kartaa xiliga faxlida beedka haweenayda gormaa loo galmon karaa xaaska ma ka hor ayuu jaanis  ku fiican yahay mise kadib cadaada  iyo xiliyada. waad mahdsantihiin jawaab deg deg ah alle haydinka jasaai siiyo.

SomaliDoc:
Waqtiga la sheego oo ugu haboon waxaa lagu qiyaasaa 6 maalmood gudahood laga bilaabo shan maalin ka hor inta aan ugxanta la soo daynin iyo maalinta ugxanta la soo daynayo.

Sidee lagu ogaan karaa maalmahaas?

waxaa lagu ogaan karaa in la xisaabiyo xilliga caadada ay ka maqan tahay haweenta. hadii xilliga ay tahay 28 maalin.

Kalbartanka ayuu ku aadaa maalinta ugxanta la soo daynayo oo ah maalinta 14, iyo shanta maalin ee ka horayso oo fursadu jirto.

Hadii wareega caadada haween kale ay tahay 22 maalmood, soo daynta ugxanta waxay ku aadaysaa maalinta 12, iyo shanta maalin ee ka horayso oo fursadu jirto.

Hadii caadada ay wareersan tahay lama xadidi karo laakin waxaa lagu taliyaa in 2dii ama 3dii maalinba mar la galmoodo si fursada aysan u dhaafin mudadaas 6 maalmood ah.
Qoraal dhameestiran oo ku saabsan waqtiga haweentu ay uur qaadi karto, ka akhriso halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5839.0
http://somalidoc.com

Aamino:
Asu al  waxan waydinaya dhakhatirta sharaftale  hawlgabnimada dumarka  mawax da ku xiranba mise dakasta walagu hawlgabikara  macnaha  dade ugu badan oo lagu hawlgaba inta badan

SomaliDoc:
Halkaan ka akhriso qoraal kaa shaafin doona howlgabnimada dumarka (dhalmada oo istaagto): http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5449.0.html

Navigation

[0] Message Index

Go to full version