Author Topic: HOWL-GALKII MSF EE SOMAALYA 1991 - 2013  (Read 19610 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Drkheyre

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 126
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
HOWL-GALKII MSF EE SOMAALYA 1991 - 2013
« on: September 09, 2013, 01:23:38 PM »
HOWL-GALKII MSF EE SOMAALYA
1991 – 2013

By Hassan Kheyre

Ka dib fikrado qaldan laga baxshay bixitaanka MSF Ee Somalia, warbixintaan waxay si kooban u sharxeysaa waxqabadkii gargaar ay u fidasay hey’ada MSF dadweynaha somaaliyeed muddo 20 sanno ah (1991-2013). Maqaalkaan waxaa ku cabirayaa, Waxa ay tahay MSF, Sababta Somaliya usoo gashay, waxtarkii Mashaariicdii MSF ka fulisay Somaliya. Caqabadaha Ee la kulantay iyo sababta uga baxday.

MSF, Ururkaan waa urur samafal oo caalami ah luqad ahaan macnaheeda waxuu u yahay Ururka Dakhaatiirta aan Xuduuda Lahayn waxaa la as’aasay sanadkii 1971kii, markii koox daakhaatiir ah ay ku biireen hawl-gal gargaar oo caalami ah oo laga fuliyay xilligii dagaalki sokeeye ee dalka nayjeeriyaa dhacay, xilligaas ka dib MSF waxay noqotay urur caalami ah oo kaalmo iyo gurmad u fidisa wadamada haleesha dhibaatooyinga.

MSF, ka dib sahan shaqo ay ku timid somaaliya bishii desember Sanadkii 1990kii.. – burburkii dowladii dhaxe iyo dagaaladii sokeeye, ayey si toos uga shaqo bilowday gargaar samafal magaalada caasimada ee moqdishu, bishii Janaayo Sanadkii 1991.
Hadaba sida ku cad xeerka MSF waxay kaalmo u fidisaa ama faragalin ku sameysaa Wadamada ay haleesho dhibaatooyingaan soo socda:-
1.   dhibaatada ka timaado masiibooyinka dabiiciga ah iyo kuwa beni`aadam ku abuurayba.
2.   dhibaatada ka timaado rabshadaha gaar ahaan dadka ku waxyeelooba dagaallada, iyadoo aan la kala soocin, loona eegayn, qolo, diin, midab, iyo siyaasad ahaan halka uu raacsan yahay.
3.   dhibaatda ka timaado cudurada, badanaa waxay diirada saartaa cudurada safmarka, nafqadarada, kuwa dilaaga ah sida AIDS, Duumada, Qaaxada, Daacuunka.
4.   Wadamada/Goobaha gargaarka caafimaadka uu hakad galay.

MSF ayadoo ilaalineyso mabaadii`dayda ayee dhamaan qodobadaan ka heshay somaaliya waayo inta u dhaxeysay sanadihii 1991 ilaa 1995, waxaa wadanka ka jiray macluul baahsan,  dhaawacyada dagaalada,  waxaa ka dilaacay Cudurada Daacuun iyo Jadeecada iyo Wasaarada Caafimaad oo wadanka aan ka jirin. Sabataas owgeed ayee MSF kusoo gashay Somaliya.

Laga soo bilaawo Janaayo 1991 ilaa 2013, uruka MSF waxay gar-gaar bani-aadnimo u fidisay Bulshada ku nool 10 gobal/degmo oo somaaliya ka mid ah, ay ka mid yihiin Baydhabo, Diinsoor, Xuddur, Jamaame, Jowhar, Kismaayo, Mareereey, Muqdisho, Gaalkacyo, Guri Ceel, Balad Weyne, Bosaaso, Burco. Dhamaan deegaanadaas MSF waxay ka fulisay mashaariic gar-gaar bani-adanimo oo ka kooban mid caafimaad, shaqo abuuris iyo mid xirfad aqooneed.

Daryeelka caafimaad ee MSF qabatay oo ahaa mid kooban laakiin badana waxay ku saleysanayeen Daryeeka Caafimaad ee Aas’aasiga ee badana MSF ka fuliso wadamada ee ka howlgasho marka laga reebo Daaweynta Xanuunada Dhimirka, hadaba Somaaliya waxay ka fulisay dhamaan daryeelkaan:-
1.   daryeelka degdegga ah ee dadka ku dhaawacmey iskahorimaadka,
2.   daryeelka caafimaadka hooyada iyo dhallaanka,
3.   daaweynta nafaqadarada,
4.   daryeelka dhalmada,
5.   Bixinta Daawo lacag la’aan ah oo tayo leh
6.   Daaweynta iyo ka hortagga cudurada safmarka iyo kuwa gaarka ah,
7.   ololooyinka talaalka,

Bulshada somaaliyyed iyo Howl-wadeenadii la shaqeyn jiray ururka MSF, waxaysa hilmaamin doonin mashaariicdii waxtarka lahaa oo MSF ka fulisay 20kii sano dalka somaaliya, gaar ahaan 7 mashruuc ee MSF ka fulisay somaaliya inta ee joogtay, Hadaba mashruucydaas oo kala ahaa:-
1.   Daaweyntii iyo Ka hortagii Cudarka Daacuunka oo ka dilaacay somaaliya sanadihii 1994, 1995, 1998, 2000, 2011 iyo 2012
2.   Daaweyntii nafaqa-daradii iyo macaluushii ka jirtay Soomaaliya Sanadkii 1992
3.   Furitaankii Masruucii Xaawo Cabdi Hospital, Sanadkii 2007dii
4.   Furitaankii Dayniile Hospital, Sanadkii 2007dii
5.   deeqdii Talaalka 5ta cudur oo dilaaga ah ee Somaaliya, Sanadkii 2009
6.   Ka qeyb qaadashada iyo gurmadkii abaartii Bariga afrika, Sanadkii 2011.
7.   Qeybinta Daawo tayo leh 1991 – 2013.

MSF oo ah urur madax bannaan. Tani waxa uu micnaheedu yahay in ururka MSF aanu ahayn mid siyaasadeed oo uusan u janjeerin kooxo dowladeed, siyaasadeed, diimeed, qabiil ama dhaqaale. MSF waxay kala kulantay Somaaliya caqabado badan oo iskuku jira Tacaddiyo, dilal, weeraro, afduub loo geystay shaqaalaha samafalkeeda.  iyo Faragelin ka dhan ah Howlaha Samafalka ee ka waday Somaaliya. Inkastoo tacadiyada ee koobanyihiin laakiin qaar kamid ah tacadiyadaan waa kuwaan hoos ku xusan, oo u xirmay dhowr mashruuc ee MSF ka waday Somalia-
1.   20 juun, 1997 -  Dr. Ricardo Marques oo ka tirsanaa MSF ayaa lagu diley Cusbitaalka Baydhabo, MSF ayaa markaa ka dib joojisey dhammaan hawlihii ay ka waddey Baydhabo iyo Baardheere. Inkastoo Mashruucaa uu furnaa muddo 2 bilood ah.
2.   Bishii Diseembar, 2003 - Ilaaliye u shaqeynaayey MSF ayaa la diley, weerar lagu soo qaadey Xarunta MSF Ee ku taallay Mareereey, laakiin Mashruucaas lama xirin
3.   Bishii Disembar,  2007 - laba ka mid ah shaqaalaha MSF ayaa laga Afduubtay Bosaaso, MSF ayaa go’aansadey in ay xirto dhammaan hawlihii caafimaad iyo kuwii quudinneed ee daafaha magaalada Boosaaso.
4.   I8 Jannaayo, 2008 – waxaa weerar qorshaysan lagu dilay seddex ka mid ah Shaqaalaha MSF oo kala ahaa Victor, Damien iyo Maxamed Bidhaan, iyo laba qofood oo kale Magaalada Kismayo, MSF waxay 84 shaqaale caalami ah ka saartay 14 mashruuc oo ka socdey Soomaaliya.
5.   12 Maarso, 2008 - Shaqaale Soomaali ah oo u shaqeynayey MSF ayaa lagu diley Degmada Balcad, Laakin MSF Wax Hakad ah magalin Mashruucyadeeda.
6.   19 Abriil, 2009 - Labo shaqaale ee MSF ayaa laga afduubtay gobolka Bakool,  waxay kala ahaayeen Dhakhtar Beljimka ah iyo Isku-duwe Caafimaad.
7.   13 octoobar, 2011 – Shaqaalo ka tirsan MSF ayaa laga Afduubay Dhadhaab, Mid ka mid ah darawallada MSF Maxamad Xasan Boorle oo 31 jir ah ayaa lagu dhaawacay weerarkaas. Shaqaalaha waxaa la dhihi jiray Montserrat Serra oo 40 jir ah iyo Blanca Thiebaut oo 30 jir. Laakin 21 bilood ka dib waa la siidaayay. MSF Waxa ay xirtay dhamaan Mashaariicda Somaliya ee ka waday.
8.   29 Diseembar, 2011 - Philippe Havet iyo Dr. Karel Keiluhu oo ka tirsanaa MSF ayaa dil loogu geystay magaalada, Muqdisho. dilkaas owgeed MSF waxay xirtay mashruuceeda caafimaad ee ugu weynaa muqdisho.
9.   30 Maarso, 2012 – duqeyn ayaa loo geystey isbitaalka Daynile ee magaalada Muqdisho ee Maamusho MSF,  Duqeyntaas ayaa burburisey xarunta daaweynta deg-degga ah ee isbitaalka iyo qeyb ka tirsan qeybta qaliinka.

Gunaanad, 14 August 2013 ayee Hey’ada MSF ku dhawaaqday xiritaanka dhammaan mashruucyadii ay ka fulineysay Soomaaliya, Ka dib markii ay si joogta ah uga shaqeysay Soomaaliya tan iyo sanadkii 1991. Sida ku qeexan Warsaxaafadeedkeeda, MSF xiritaanka mashaariicdayda waxay u sababeysay Tacaddiyo iyo Faragelin ka dhan ah Howlaha Samafalka ee ka waday Somaaliya tacadiyadaas oo ka timid Kooxa hubeysan iyo Madaxda Maamulada maxaliga ah ayadoo sheegtay in ay Taageereen islamarkaana ay u Ogolaadeen Weerarada ka dhanka ah MSF. Guud ahaan MSF ukuma bixin nabadgalyo xummo owgeed laakiin MSF waxay leedahay xad sidaas owgeed way gaartay xadkeeda.

Hadii MSF wadan ka mid ah wadamda ee ka howlgasho ay rabto inay ka baxdo ama mashruuc ee xireyso waa go’aanka ugu adag ee qaadato. MSF hadafka mashruucyadeed ee Somaaliyao ma dhameystirmin, tusaale ahaan dagaalada ama musiibooyinga dabiiciga lagama gudbin hadane bulshadaas si wacan uma soo kabsanin.

Firkardeyda, waxay ay tahay Ururka MSF waxuu ka mudan yahay hpgaamiyaasha maamuli jiray goobaha laga baxay iin raali galinka bixyaan hadane bulsha somaaliyed ee aqoonsato xaqiiqda waxqabadka MSF.





 

MAXAA KA OGTAHAY Shaqaalihii Caafimaadka ee lagu dilay Soomaaliya 1991 - 2009?

Started by AdminBoard Health News and Events

Replies: 3
Views: 49776
Last post September 10, 2015, 04:45:26 PM
by Mo Digdig
DOODDA BISHA MARCH, 2013 - 24 APRIL - MAALINTA QAAXADA ADDUUNKA

Started by DrkheyreBoard Feel Free Here

Replies: 0
Views: 17572
Last post March 24, 2013, 08:27:09 PM
by Drkheyre
Su'aal: Waxan isku arkay NEERFO xanun 2013?

Started by Liiban HassanBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 5168
Last post March 02, 2016, 01:53:37 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maskaxda oo ku noqnoqanaysa howl eey soo qabatay?

Started by FurqaanBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 4511
Last post July 29, 2011, 07:45:23 PM
by SomaliDoc
MSF MISSION IN SOMALIA 1991 - 2013

Started by DrkheyreBoard Health News and Events

Replies: 0
Views: 18883
Last post September 09, 2013, 01:25:57 PM
by Drkheyre