Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Maxay Ku Kala Duwanyihiin Ama Ku Kala Gedisan Yihiin, Anti Bacterial Iyo

(1/1)

Darmaan123:
Marka Hore Halkan Waxaan Ka Salaamayaa Takhtarada Somalidoc.com Ee Ma Daalayaasha Ah, Waxaana Leeyahay Walal Waad Ku Mahadsantihiin Sida Wanaagsan Ee Aad Bulshadeena Ugu Adeegaysaan. Intaa Ka Bacdi Waxaan Doonayaa In Su'aashan La Iiga Jawaabo Ama La Ii Kala Saaro.
Walal Had Iyo Goor Waxaan Aragnaa Ama Maqalnaa Dawooyin La Dhaho ANTIBIOTICS IYO ANTIBACTERIAL. Haddaba Maxay Kala Yihiin Oo Ku Kala Duwanyihiin, Midda Kale Gartay BAKTERIA, balse Waxaan Fahmi Waayay Waxa Looga Jeedo BIOTIC?.
Walal Waad Mahadsantihiin,
Waxaan Idinka Sugayaa Jawaab?.

Darmaan123:
Fadlan Fariintan Su'aasha ah Ee Hore Meesha Ka Saara. Oo Ta Kale Iiga Jawaaba Fadlan.

SomaliDoc:
Antibacteria, waa walxaha (daawada) dila ama yareeya tarmidda bakteeriyada.

Antibiotic waa walxaha (daawada) dila ama yareeya geermiska ay ka mid tahay bakteeriyada, fangaska iyo gooryaanadaba.

Antibiotic wax kama taro feyraska.

Antibiotic waa kalmad luqada greek-ga ka soo jeedo waana laba kalmad oo isku rakiban.
Anti= macnaheedu waa ka hortag
Biotic= waa noole

Taasi macnaheeda waa dilista waxyaabaha noolaha ah waxaana loo adeegsadaa jeermiska badanaa.

Navigation

[0] Message Index

Go to full version