Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: biyaha ragga ka yimaado xilliga kacsiga?

(1/2) > >>

Laabta:
 :o asc dr wan kaga mahad celinaya sida dacad nimda ah oo ad umadada uga faideso sualahoda suasha alan wato manta waa ninka raga ah markuu kacsado xata asaga oo an xaskisa la jogin biyaha guska afkisa ka imado oo jijitama amana han biyaha cadiaga ah biyahas aad aye u adag yihin wana jijitaman mar walbo oo u kacsado marko uu raxesanayana wayba ka sii darayan biyahas cafimadka muxu ka yiri masa jirta wax lagu jojin karo misa ma yihin miyihi cadiga ah wax nusqaminayo tankale biyahaas ma kacsiga badan aya keno mise kacsiga yar dr adoo mahadsan suashaas aad igu jilci ciladas waxa qaba wa ninkega waqtina uma  usan helin inuu asaga ku waydiyo lkin anaiga aya ku waydiayay mahadsanid

Kahiye:
Wacaleykumu Salaam Xaraxmatullaahi Wabarakaatuh,,


 Caadiyan wax dhiba malahan afka Ingiriisiga magacyo badan ayaa loo yaqaanaa sida pre-ejaculatory fluid, preseminal fluid. Balse magaca ugu caansan ee loo yaqaano waa Cowper's fluid waxaana sidaa loo yiri waxaa soo daaya qanjirka loo yaqaano COWPER. Waa biyo aan midab lahayn oo yara adag dhag dhagna leh waxayna soo maraan URETHRA ( af Somali uma aqaan) qofku marka uu kacsado.
 Daraasado badan baa jira oo midiba wax ka tiraahdo laakiin sida badan oo laysku raacsan yahay illaa inta aan anigu ogahay wax dhiba malahan.

Laabta:
mahadsanid lakin fahfahin dheri ah ayan u bahnaan lahay biyaas maxa sababa mise ma yihiin inay wax dhibato keni kara mise waa arin cadi iska ah mise nimanka saas ah maxay dheryihin nimanka kale jawaab fahfahsan ayan u bahnahay hadaad awodaan mahadsanidiin

Laabta:
walalyalow suashan maad iga soo jawabtan hadad awodan walac badan aye igu hesaye mahadsanidin

SomaliDoc:
Biyaha kor lagu xusay waa biyo dabiici ah ilaahay ayaana raga ku abuuray, waxayna yimaadaan xilliga kacsiga iyo baashaalka galmada ka horeeyo.
Wax dhibaato caafimaadeed ay keenaane ma jirto, rag khaas ay u tahayne ma jiraan.

Wixii intaa dheer oo faahfaahin ah waad na waydiin kartaa.

Navigation

[0] Message Index

[#] Next page

Go to full version