Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

ASC kaadida oo iga soo dhamaan haynin ilaa in mudo ah

(1/1)

Cabdulahi:
asc waxaan salaan halkan ooga soo gudbin hayaa dhaqaatiirta soomaliyeed ii had iyo jeer  nala garabtaagan caawimaada alle misaaka xasanaadka ha idin sar aamin salan kadib  waxan  rabay inaan idin waydiiyo dhib aan dareemayo waxa sababi kara waxan dereema in aysan kaadida iga soo dhaman haynin marka aan kaadin haayana aysan sifiican usocon waxad  waxan siyaa awood si ay sifiican ugusoo baxdo waxad modaa qasabad biyo oo aan sifiican loofurin oo kale marka ay socoto  marka aan kaadida dhamaysto waa in aan iska soo riixaa xiniinyaha hoostooda iyo tuunbada dheer markaas ayay soo dhamataa waad kumahadsan tihiin jawaabtiina asc

SomaliDoc:
Dhowr waxyaabood ayaa keeni kara xanuunka kaadida in aysan kaa soo dhamaanin, infakshan wuu keeni karaa, in ibta kaadida ka soo baxdo ay ciriiri tahay way keeni kartaa in qanjirka prostate-ka ku bararsan yahay oo kaadi mareenka cadaadinaayane way u badan tahay haddii da'daadu ay wayntahay.

Fadlan la xiriir takhtar si laguu baaro, laguuna daaweeyo.

Navigation

[0] Message Index

Go to full version